Hurdada Inta U Dhexeysa Lix Ilaa Sideed Saacadood Habeenkii Waxey Yareysaa Khatarta Cudurada Wadnaha Iyo Maskaxda Ku Dhaca. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Hurdada Inta U Dhexeysa Lix Ilaa Sideed Saacadood Habeenkii Waxey Yareysaa Khatarta Cudurada Wadnaha Iyo Maskaxda Ku Dhaca.
November 9, 2013 - Written by Wariye:

hurdo la aanHargaysa(Wajaale News):-In ka yar lix saacadood hurdada ah waxey macnaheedu tahay in laba meelood ay macquul tahay inuu kugu dhaco xanuunada wadnaha.Daraasad ayaa sheegeysa hurdada iyo cudurada ay macquulka tahay inuu ku haleelo marka qofka uu san helin waqti ku filan. Daraasada waxey muujineysa hurdada iyo xiriirka ka dhexeeya shan dhibaato oo kala duwan oo ku dhaca xididada wadnaha.Qofka inuu helo hurdo inta u dhexeysa lix ilaa sideed saacadood ayey daraasadu sheegtay iney jareyso qatarta cudurada wadnaha ku dhaca iyo xanuunka Stroke loo yaqaan ee maskaxda ku dhaca. Baarayaasha ayaa ogaaday dadka hurda in ka yar lux saacadood habeenkii iney laba meelood ay ugu macquulsan tahay inuu la kulmo inuu wadnaha istaago ama uu ku dhaco xanuunka Stroke ah,waxaana la ogaaday in lix ilaa sided saacadood ay tahay xilliga ugu wanaagsan,marka loo eego daraasada.In ka badan 159,000 oo qof ayaa u dhimatay cudurada wadnaha ku dhaca dalka UK sanadii 2011.Lixdii ninba hal ayaa u dhinta,halka sagaalkii dumar ahba ay mid uu sabab u yahay xanuunada wadnaha ee (CHD)dad ku dhaw 74,000 ayaa u geeriyootay,halka Stroke uu sababay dhimashada 42,000.Hadaba shabakada wajaalenews.com Waxay U Tagan Tahay Raali Galintiin ,Ku Xidhnow Markasta Iyo Meel Kasya.

Wajaale News

Hargaysa Office
Info:wajalenews@gmail.com
Repoter:Abdiqadir Abdiraxman Habane

COMMENTS
LINKS