Hogaamiyaha Xisbiga Mucaaridka Ah Ee WADDANI Oo Lagu Soo Dhaweeyay Finland | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Hogaamiyaha Xisbiga Mucaaridka Ah Ee WADDANI Oo Lagu Soo Dhaweeyay Finland
November 11, 2013 - Written by Wariye:

Hargaysa(Wajaale News):-Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland ahna Hoggaamiyaha Xisbiga Waddani Md. C/raxman Maxamed C/laahi ( Cirro) ayaa gaadhay Magaalada Helsinki ee Caasimada dalka Finland.

PB030085.JPG

Gudoomiyaha ayaa wuxuu kasoo kicitimay Somaliland maalinimadii khamiisti ee todobaadkii hore isagoo soo maray dalalka Imaaraadka iyo Ingiriiska,waxaanu xalay soo gaadhay Magaalada Helsinki e Caasimada Finland.

Gudoomiyaha ayaa waxa loogu soo dhaweeyey Magaalada Helsinki si heer sarre ah, iyadoo ay gagida diyaarada kaga hor tageen maamulka sarre ee Xisbiga Waddani Laanta Finland iyo xubno ka mid ah Taageerayaasha Laanta Finland iyo Shacabka reer Soomaliland qaar ka mid ah. Waxaana loo galbiyey dhinaca iyo guriga uu ka degen yahay oo magaaladaas ku yaala.

Gudoomiyaha ayaa wuxuu ku yimi safar Qaarada Yurub, isagoo ka qayb gali doona shirar caalamiya oo ka dhacaya dalka UK iyo wadamo kale oo yurub ka mid ah qaarkoood.

Guddoomiye Cirro inta uu ku sugan Yurub waxa lagu wadaa inuu la kulmo madaxda Baarlamaanada Wadamada Yurub ee uu marayo iyo weliba dadaxda dawladaha Isla Wadamadaas,

Dhanka kale wuxuu la yeelanayaa Kulamo kala duwan Jaaliyadaha Somaliland, iyo taageerayaasha Xisbiga Waddani ee ku sugan Wadamada Yurub.

 

 

Wajaale News
Hargaysa Office
Info:wajalenews@gmail.com
Repoter Abdiqadir Abdiraxman Habane

COMMENTS
LINKS