|
|||||
WAJAALE NEWS
Hargaysa Oo Laga Xusay Maalinta Carruurta Adduunka Iyo Wasiirka Wasaarada Shaqada Iyo Arimaha Bulshada Oo Ka Hadlay.
November 20, 2013 - Written by editorMunaasibad lagu xusayay maalinta caruurta aduunka oo sanad kasta laga xuso aduunka.
Hargaysa(WJN):- Munaasibad lagu xusayay maalinta caruurta aduunka oo sanad kasta laga xuso aduunka Labaatanka November ayaa maanta lagu qabtay xarunta daryeelka iyo dhaqan celinta caruurta darbi jiifka ah e degmada maxamed mooge ee magaalada hargaysa.
Munaasibadan oo ay soo qaban qaabisay wasaarada shaqada
iyo arimaha bulshada ee j sl waxa kasoo qeyb galay wasiirka wasaraadaasi , wasiir ku xigeenka , agaasimaha guud ee wasaaradaasi iyo hayadaha ka shaqeeya daryeelka caruurta sida unicef safe children havayoco Iyo Waliba Guddida Wanaag Farista Iyo Xumaan Reebista Somaliland.
Waxa halkaasi ka hadlay ugu horayn agaasimaha wasaarada shaqada iyo arimaha bulshada maxamuud galaydh oo ka waramay xaalada caruurta ku jirta xaruntaasi waxaanu tilmaamay in xaruntu ay tahay mid xiliyo xadidan lagu dhaqan celinayo caruuurta la keeno islamarkaa marka la dhaqan celiyo dib loogu celinayo gurayahooda ama bulshada iyadoo la dhisayo akhlaaqdooda lana barayo Aqoon ay naftooda ku anfacaan. Wasiir ku xigeenka wasarada shaqada iyo arimaha bulshada marwo shukri xariir ismaaciil oo iyana ka hadashay xaflada ayaa ka war bixisay taariikhada maalintan la xusayo iyadoo intaa raacsiay in sanadkii 1989 kii lasoo saaray xeer caalami ah oo lagu kabayo xuquuqda insaanka ka dib markii la arkay baahida loo qabo in la helo xeer lagu dhaqo caruurta kaasi oo sabab u ahayd in sanad kasta dunida laga xuso maalintan oo kale oo hadda laga joogo mudo ku siman 24 sano sidaa darteedna somaliland ay tix galinayso taariikhda maalintaasi lagana xusayo maanta dalka.
Wasiirka wasaarada shaqada iyo arimaha bulshada md maxamuud axmed barre (garaad) oo ka hadlay ayaa sheegay in maalintani ay tahay maalin caalami ah oo dunida oo dhan laga xusayo somaliland ay ka mid tahay dunida waxaanu intaasi raaciyay in uu hanbalyo ku aadan maalintan u dirayo dhamaan caruurta somaliland isagoo ka codsaday hayadaha caalamiga ah ee ka shaqeeya arimaha caruurta in ay gacan ka geystaan caruurta ku dhaqan xarunta dhaqan celinta iyo daryeelka caruurta ee Maxamed Mooge.
Sidoo kale Wasiirka Shaqada Iyo Arimaha Bulshadu Waxa Uu bulshada Somaliland uu soo jeediyay in ay kaalintooda ka qaataan gar-gaarka ay u baahan yihiin caruurtaasi waxaanu intaa ku daray in xaruntu u baahan tahay dhismayaal ka kooban Goobo Caafimaad , Waxbarsho Iyo Goobo kale oo la xidhiidha nolasha.
Waxa Kale Oo Uu Mahad Celin U Diray wasiirku Madaxweynaha Jamhuuriada Somaliland oo gacan ka geysaty dib u habaynta xarunta.
Geesta kale waxa wasiirku sheegay in wasaardiisa ay ka go,an tahay sidii ay xarumo la mid ah xaruntan uga samayn lahaa dhamaan gobolada iyo dagmooyinka dalka.
Waxa sidoo kale halkaasi ka hadlay saraakiil ka kala socotay hayadaha Ka Shaqeeya Carruurta Sida UNICEF, Save The Children, CCBRS Iyo Havatoco waxaana ay dhamaantood ka warameen taariikhada maalintan iyo xuquuqda caruurtu ay ku leedahay bulshada caalamka.
Waxa isna halkaasi ka hadlay Sheekh Maxamed Xaaji Maxamuud Xirsi oo ku hadlayey afka guddida wanaag farista iyo xumaan reebista oo ka hadlay xuquuqda caruurta iyo waajibka bulshada ka saaaran tarbiyadooda.
Gabagbadii waxa halkaasi koob lagu gudoonsiiyay koox ka mida caruurta lagu xanaaneeyo xaruntaasi oo ku guulaystay ciyaar lagu xusayo maalintan oo ay kus oo bandhigeen halkaasi.
Waxa kale oo wasiir Ku Xiggeenka Wasaarada Shaqada Iyo Arimaha Bulshadu Jaaisado guddoonsiisay dhamaanba carruurta ku jirta xaruntaasi.
WAJAALE NEWS DESK
HARGEISA OFFICE
CONTACT US : Wajalenews@gmail.com Related posts:“Madaxweyne Muuse Biixi Iskuma Dhigin Inuu Weli Yahay Madaxweynihii Qaranka Somaliland, Waxaanu Weli... Madaxweyne Siilaanyo Oo Markii U Horaysay Ka Hadlay Xadhiga Ay Hay?adaha Ammaanku Kula Kacaan Saxaaf... Masuuliyiin Xukuumada Tirsan Iyo Maamulka Gobolka Gabiley Oo Kormeeray Goobaha Ay Ka Bilaabantay Diw... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|