HAMBALYAYADA MADAXWEYNAHA EE SANADKA CUSUB EE ISLAAMKA 1435-KA (HIJIRIYADA) | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
HAMBALYAYADA MADAXWEYNAHA EE SANADKA CUSUB EE ISLAAMKA 1435-KA (HIJIRIYADA)
November 3, 2013 - Written by Editor:

Madaxweynaha JSL, Mudane. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu Munaasibadda Sannadka Cusub ee Islaamka 1435 (Hijiriyada) awgii oo ku beegan  Beri 04.11.2013 oo isniin  ah Hambalyo, Bogaadin iyo ducaba u dirayaa Guud ahaanba shucuubta islaamka gaar ahaana Shacbiga Somaliland Meelkasta oo ay Joogaanba.

Sidoo kale Madaxweynuhu wuxuu Hambalyo taasi la mid ah u dirayaa Wadamada Islaamka iyo shacbiga Muslimiinta ah ee ku nool dunida dacaladiisa kala duwan oo uu leeyahay sanad wanaagsan.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland waxa uu ILLAAHAY Kabaryayaa in uu Shacbiga Somaliland iyo shucuubta islaamka guud ahaanba sanadkan Sanadkiisa ku gaadhsiiyo Bash-bash, Baadhaadhe iyo Barwaaqo, inta Buktana uu ka Dulqaado Xanuunka, inta Caafimaad qabtana uu u siyaadiyo, intii dhimatayna uu naxariistii janatu fardawsa ka waraabiyo.

Ugu dambayna waxa uu Madaxweynuhu shacbiga Somaliland ugu Baaqay in ay Nabad-gelyada iyo Qaran-ninada Dalka u soo wada jeedaan oo ay indho dheeraada u yeeshaan sidii ay hore-ba ugu  soo jeedeen si aynu u gaadhno himiladeena qaranimo.

 

SANNAD WANAAGSAN OO WACAN


Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

wajaalenews

hargeisa office

wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS