“Waxaan aad uga xumahay in Khalad Cunsurtiyadaysan laga galay Fanaanad nagu qaaliya oo meel weyn kaga taala Bulshada Somaliland waa Nimco Degan” Gud. Qurbajooga Somaliland EU. Cabdiraxmaan Ubaxle.
November 22, 2013 - Written by Wariye:
Waxaa dhacdadni cadaynaysaa inuu TVga Universal si cad uga soo horjeedo Qaranimada Somaliland sidaa dartereed waa in bulshada Somaliland meel uga soo wada jeesataa oo aan qadiyada Somaliland laga dooran Shilimaad uu Mushahar u Bixiyo, waxaa cad in Nimco Degan aanay marna ka gabanin jiritaanka Dalkeeda Somaliland taasina ay tahay sababta ay Masuuliyiinta UniversalTv shaqada uga fadhiisiyeen markii ay ku shaqayn weyday Siyaasada Somaliland diidka ah ee Universal TV.
Waxaan Nimco Degan u balan qaadaynaa in aanaan waxba ka hagraneynin Dacwada ay la tiigsanayso Tvga Universal isla markaana aanu ka xunahay sida loogu xad gudbay magaceeda iyo milgeheedaba, dhinaca kalena waxaanu wasaarada warfaafinta Somaliland ka codsanaynaa inay ka fiirsato ruqsada warbaahineed ee uu Universla TV kaga hawl galo Somaliland”.
Gud. Qurbajooga Somaliland EU