Guuddiga Sare Ee Fullinta Ee Odayaasha Jaalliyadda Oo Markii U Horaysay Si Rasmi Ah U Meel Mariyay Ansixinta Gudoomiyaha Cusub Ee Loo Doortay Jaalliyada S/Land Ee Ugnada | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Guuddiga Sare Ee Fullinta Ee Odayaasha Jaalliyadda Oo Markii U Horaysay Si Rasmi Ah U Meel Mariyay Ansixinta Gudoomiyaha Cusub Ee Loo Doortay Jaalliyada S/Land Ee Ugnada
November 2, 2013 - Written by Wariye:

jaaalitada reerHargaysa(Wajaale News)- Xubnnaha Guddiga sare ee fullinta ee Odayaasha Jaalliyadda Somaliland ee dalka Uganda ayaa markii u horaysay taariikhdda fadhi wada-jir ah  oo loo dhan yahay cod aqlabiyad ah ku meel mariyay kunna ansixiyay xilka dhawaan loo doortay Guddoomiyaha cusub ee Jaalliyadda Somaliland ee dalka Uganda Mudane Cabdirisaaq Maxamuud Daauud Cigaal  (Sheeko).

Xubnahan oo matalaayay dhamaan qaybaha kala duwan ee ay ka kooban tahay Jaalliyaddu oo ay ku jireen odayaal maamuus iyo xushmad gaar ah ku dhex leh Jaalliyadda dhexdeedda ayaa markii la meel mariyay
ansixinta Guddoomiyaha cusub kaddib  si heer sare ah xilkii ugu kala wareejiyay Guddoomiyihii hore ee xilka Jaalliyada Shayay Mudane Siciid Cawsle Iyo Guddoomiyaha Cusub Mudane Cabdirisaaq Maxamuud Daaudd Cigaal (Sheeko), waxaanay dhamaantood mid madashaa uga soo jeediyeen hadalo isugu jira dardaaran iyo tusaalayn iyaga oo si qoto dheer uga xog waramay marxaladihii kala duwanaa  ee habqanka lahaa ee loo dooran jirayGuddoomiyaha Jaalliyadda, iyaga oo madashaa ka cadeeyay in Guddoomiyahan cusub ee hada loo doortay ee Jaalliyaddu uu ku yimi sifihii ugu milgaha iyo maamuuska badnaa ee sharciga ahaa sidaa daraadeedna waxqabad iyo dib u dhac wixii uu soo kordhiyaba in ay Jaalliyaddu si dhab u qiimayn doonto ulana xisaabtami doonto, maadama uu Guddoomiyaha cusub lagu ansixiyay taageeradda kalsoonidda Jaalliyadda oo isku duuban muruq, maskax iyo maalba, waxaanay cadeeyeen odayaasha matalaayay Jaalliyadda in Guddoomiyahan cusubi uu yahay kuu ugu nasiibka iyo fursada wanaagsanaa ee xilkan loogu doorto sifo ka duwan qaababkii hore loogu dooran jiray Guddoomiyayaashii Jaalliyadda ee isaga ka horeeyay.

Sidoo kale, waxa ay kula dardaarmeen in hada laga bilaabo la samayn doono nidaam iyo maamul dhaxal gal ah oo ay yeelan doonto geedi socodka hawlaha maamul iyo shaqo ee Jaalliyadda Somaliland ee dalka Uganda, oo ay sheegeen in ay tahay Jaalliyad ballaadhan oo u baahan hogaamin caafimaad qabta oo ka shaqaysa isku xidhka iyo horumarinta danaha Jaalliyadda, waxaanay ka dhawaajiyeeen in Hogaankan cusub looga baahan yahay in uu jeexo wado waxqabad leh oo lagaga daydo, iyaga oo ballan ku qaaday in ay ku barbar taagan yihiin mar walba sidii ay gacan uga siin lahaayeen wax kasta oo suurtagal ka dhigaya sii anbaqaadiida geedi socodka hawlaha hogaamineed ee Jaalliyadda, waxaanay si aad ah ugu mahadnaqeen Guddoomiyihii hore ee xilka wareejiyay ee Siciid Cawsle oo ay ku tilmaameen in muddaddii xilkaa hayay uu ku dadaalay intii karaankiisa sidii uu wax uga qaban lahaa socodsiinta hawlaha Jaalliyadda..

Guddoomiyihii hore ee Jaalliyadda ee xilka wareejiyay ayaa uga mahadnaqay Odayaasha guddiga fulinta ee Jaalliyadda hawshan cusub ee ay la yimaadeen kuwaas oo sheegay in aanay la?aantood hawsha Jaalliyaddu aanay sinnaba uga maarmayn, waxaanu ballan qaaday in uu Guddoomiyaha cusub ku hambalyaynayo xilkan sida rasmiga ah loogu doortay looguna ansixiyay waxaanay odayaasha iyo Guddoomiyaha horaba ay si wadajir ah Illaahay uga baryeen in uu u fududeeyo gudashada xilkan loo igmaday.

Geesta kale, Guddoomiyaha cusub ee xilkan loo doortay ayaa isla fadhigaa lagu ansixiyay oo ka dhacay Hotelka caanka ah ee Day-to-day Hotel oo ku yaala Kampala ka ballan qaaday in uu si daacadnimo iyo dadaal badani ku jiro u gudan doono xilkan culus ee loo igmaday isaga oo ka codsaday  Odayaasha Jaalliyadda inay ku garab galaan hawsha xilkan kana codsaday sidoo kale Jaalliyadda in ay la shaqeeyaan, isaga oo ballan qaaday in uu si cadaalad iyo aqoon leh uu u soo dhamaystiri doono jaranjaradii hoogaankii maamul ee Jaalliyada si dhakhso ahna uu  u dardar gelin doono gudashada xikiisa hogaamineed iyo isku xidhka xidhiidhka Jaalliyadda gudde iyo Dibadba, waxaanu ka dalbaday in lala dhiso hawlaha yagleesha ah ee suutagalka ka dhigaya dhaqaajinta hawlaha kala duwan ee maamulka Jaaliyadda.
Xubnaha Guddiga sare ee Fullinta Odayaasha Jaalliyadda ee ansixiyay Guddoomiyaha cusub ee Xilka Jaalliyada loo doortay Ee Xil-wareejinta rasmiga ah sameeyay markii u horaysay

Oday Cabdirisaaq Cali Siraaji

Oday Maxamed Jaamac Faroole

Oday Mustafe Cabdiraxmaan Cawad

Guddoomiyaha Cusub ee xilka la wareegay Cabdirisaaq Maxamuud Daauud Cigaal (Sheeko)

OdayAflax Sulub Cabdi Raan (Falaashane)

Oday Maxamed Cali Sagax Libaax

Oday Xamse Dool

Guddoomiyihii hore Xilka Wareejiyay Md Siciid Cawsle

Oday Mustafe Baaruud

Wajaale News
Hargaysa Office
Info:wajalenews@gmail.com
Repoter:Abdiqadir Abdiraxman Habane

COMMENTS
LINKS