Gudoomiye Ku Xigeenka Xisbiga Waddani Oo Jawaab Kulul Ka Bixiyey Hadal Ka Soo Yeedhay Gudoomiyaha Kulmiye | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Gudoomiye Ku Xigeenka Xisbiga Waddani Oo Jawaab Kulul Ka Bixiyey Hadal Ka Soo Yeedhay Gudoomiyaha Kulmiye
November 13, 2013 - Written by Wariye:

wadaniHargeysa(Wajaale News):-gudoomiye ku xigeenka xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Axmed Muumin Seed ayaa jawaab kulul ka bixiyey hadal ka soo yeedhay gudoomiyaha xisbiga muxaafidka ah ee Kulmiye Muuse Biixi Cabdi kaas oo uu ku sheegay inaanay xisbiyada mucaaridka ahi qaban karin shir qaran.

Gudoomiye ku xigeenka xisbiga mucaaridka ah ee Waddani waxa uu sheegay inaanay ku baaqin  wax la xidhiidha shir beeleed, isaga oo gudoomiyaha xisbiga Kulmiye ku tilmaamay mid aan la socon  warbaahinta dalka iyo nuxurka waxa ay ku dhawaaqeeen.

Ugu horayn gudoomiye ku xigeenka xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Axmed Muumin Seed oo jawaab kulul ka bixinaya hadalka ka soo yeedhay gudoomiyaha xisbiga Kulmiye ayaa waxa uu yidhi ?waxa nasiib darro ah in gudoomiyaha ku meel gaadhka ah ee xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi isaga oo mudo badan ku soo jiray siyaasada inuu maanta kala garan waayo shir beeleed iyo dood qaran, waxaanan u malaynaa inaanu gudoomiyaha Kulmiye akhriyin saxaafada madaxa banaan ee dalkeena ka soo baxda waayo xisbiyada mucaaridka way naga reeban tahay inaanu ku dhawaaqno shir beeleed, shir beeleed-na waxa la odhanayaa marka aynaan dawlad haysan balse maanta inagu dawlad ayeynu leenahay itaalka ay doontaba ha lahaatee laakiin haddii aanu nahay xisbiyada mucaaridka ah waxaanu ku baaqnay oo aanaan cidna u daba fadhiisanayn oo aanaan cidna amar uga qaadanayn Dood Qaran ajandaheedii ugu horeeyeyna aanu sheegnay lagagana tashan doono ayaaheena iyo dawladnimadeena Somaliland  halka ay marayso waxa inoo qabsoomay iyo waxa inaga dhiman, markaa waxaan u malaynayaa in hadalka ka soo yeedhay gudoomiyaha xisbiga Kulmiye oo maanta la arkayo inay maradiisu ku gubanayso  inuu cid kale wax ka sheego waa nasiib daro ayaan leeyahay, arinkiisuna waxaan u malaynayaa waa nin daad qaaday xunbo cuskay.?ayuu yidhi gudoomiye ku xigeenka xisbiga Waddani Axmed Muumin Seed oo waramay HCTV.
G/Xigeenka Xisbiga Mucaaridka Ah Ee Waddani Axmed Muumin Seed

Gudoomiye ku xigeenka xisbiga Waddani oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay inaanay cidna u daba fadhiisanayn qabashada dooda qaran ee ay ku baaqeen labada xisbiga qaran, waxaanu  tilmaamay in haddii xukuumadu ka hor timaado iyo haddii kalaba aanay ka noqonayn qabashada doodan qaran waxaanu yidhi ?Haddii aanu nahay xisbiyada mucaaridka ah ee Ucid Iyo Waddani waxaanu go,aan ku gaadhnay oo aanu guddi ka kooban labada xisbi u saarnay in doodaa la qabto , guddiduna ay  shirarkoodii wataan, dawladuna hadii ay diido iyo haddii kalaba waanu wadaynaa mana joojinayno dooda qaran waana wax u dan ah bulshada reer Somaliland oo lagu iftiiminayo halka ay marayso xaalada dalkeenu,wax cid loo daba fadhiisanayo maaha laakiin waxaanu xukuumada iyo xisbiga Kulmiye ugu baaqaynaa in talada qaran ee ay hadyo jeer kaga dhagan tahay aanaan anagu ku baaqin balse aanu ku baaqnay dood qaran oo aanu qabanayno.? Ayuu yidhi gudoomiye ku xigeenka xisbiga mucaaridka ah ee Waddani.

Wajaale News
Hargaysa Office
Info:wajalenews@gmail.com
Reporter:Abdiqadir Abdiraxman Habane

COMMENTS
LINKS