Gudoomiyaha Xisbiga WADDANI Oo Si Aan Kala Hadhlahayn Loo Soo Dhaweeyay, Kana Hadlay Shirka Dooda Qaran, Guddoomiyaha Kulmiyana Ku Tilmaamay Nin Farxad Haysay Dartii Aragii Iyo Maqalkii Tabcaan Ka Noqdeen. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Gudoomiyaha Xisbiga WADDANI Oo Si Aan Kala Hadhlahayn Loo Soo Dhaweeyay, Kana Hadlay Shirka Dooda Qaran, Guddoomiyaha Kulmiyana Ku Tilmaamay Nin Farxad Haysay Dartii Aragii Iyo Maqalkii Tabcaan Ka Noqdeen.
November 27, 2013 - Written by Editor:

Hargeysa(WAJAALENEWS), 27, Nov. 2013- Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI ahna Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed  Cabdilahi (Cirro) ayaa si balaadhan ay goroonka diyaaradaha ee Cigaal Internnational ugu soo dhaweeyeen, madaxda xisbiga WADDANI,  qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada ee ka kala tirsan Xisbiga WADDANI iyo Xisbiga Kulmiye,  Guddoomiyaha Xisbiga mucaaridka ah ee Ucid, Salaadiin, wax-garad  iyo boqolaal ka tirsan tagaareeshayaasa Xisbiga WADDANI kuwaas oo boodhadh iyo astaanta calanka liimiga ah ee WADDANI si aan kala hadhlahayn ugu soo dhaweeyey barxada hore ee Garoonka diyaarada taas oo Guddoomiyuhu si lug ah u soo dhax qaaday taageerashaas goobtaas ku sugnaa

3.

Xildhibaanada Golaha Wakiilada oo Guddoomiyaha ku soo dhaweeyay qolka nasashada ee Garoonka ayaa waxaa halkaas ugu horeyn ka hadlay Xildhibaan Siciid Cilmi rooble “Guddoomiye waxaanu kugu soo dhawaynaynaa Golihii aad Guddoomiyaha u ahayd, oo diyaar u ah inuu howliisii si rasmi ah u guto oo qaatay go’aankii isku shaandhaynta Guddi-hoosaadyada ee aad samaysay.”

Sidoo kale waxaa halkaas ka hadlay Guddoomiyaha Xisbiga Muraacidka ah ee WADDANI MD Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi ( Cirro), waxaanu jawaab ka bixiyay hadal ka soo yeedhay Guddoomiyaha Xisbi xaakimka Kulmiye MD Muuse Biixi Cadbi “Waxaan jecelahay inaan labada kalmmadood ka idhaahdo, Gudoomiyaha Xisbi Xaakimka Kulmiye, oo intii aan maqnaa Madal wayn ama meel shira ka sheegay Eedayn uu aniga I eedaynayay.Eedaas oo ahayd inaan ku dhawaaqay shir beeleed. Waxay ila tahay wixii aan idhina saxaafadu way ogayd, markaa Maamihii aan tagay malaha odaygu wuu yara faraxsanaaye malaha farxadiibaa Dhegaha iyo Indhaha saamayn ku yeelatay. Waxaan jecelahay bal goortii iyo goobtii aan ka idhi inuu shacabiga markale cajaladaa u daaro si ay u dhagaystaan.” Sidaas waxa yidhi Guddoomiye Cirro, isaga oo ka hadlaya jiritaanka isku dhaandhayn uu ku sameeyay Guddi hoosaadyada Golaha Wakiilada waxa uu yidhi “Waxaa jirtay Isku shaandhayn Goluhu sameeyay, taasi oo ku timid soo jeedinta golaha iyo guddi gaara oo loo saaray. Gudoomiyaha iyo labada gudoomiye xigeena ay isla qaateen, markaa isku shaandhayntaasi way jiraysaa.

1

Guddoomiye Cirro waxa kaloo uu ka hadlay dooda ka taagan qabashada dooda qaran, taas oo uu sheegay in magacii saxda ahaa ee ay lahayd laga leexiyay “ Waxaanu nidhi Dood baanu qabanaynaa, waxaana lagaga hadlayaa Doorashada, ma cidbaa diidan Doorashada tolow? Way soo bixi doontaa. Waxaa lagaga hadlayaa Diwaan galinta, iCitiraafka Somaliland iyo Kootada Dumarka. Halkee waxa qaranka duminayaa ku talaa, idinkaan waydiinayaa shacabkaan waydiinayaa.?”, isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi “ Waxaad moodaa inay u badheedheen oo si toosa ugu murmayaan arintaas. Waxaan soo xasuustay Sheeko Bari aan maqlay oo Gaalkacayo ka dhacday. Waxaa la yidhi Nin xoolo dhaqato ah ayaa Neef Adhi ah Saylada keenay, dabeeto saddex Nin-baa yidhi Ninkaa aan kaga murano Wankaa Shilis. Saddexdii nin, Ninkiibay u yimaadeen oo yidhaahdeen Wankan ayaanu kugu haysanaa. Waa loo garnaqay oo maxaa ku haysataan Ninka ayaa la yidhi. Waxay yidhaahdeen wankaasaanu ku haysanaa waa Ina Hebla oo Ninkan ayaa leh, dabadeed Ninkii watay Go’iisii ayuu dusha ka saaray markay doodii dhamaysteen ayaa la yidhi Bal adna waran. Inuu Go’ii ka qaaday ayuu yidhi waa lax baa la idinka yidhi oo wanba maaha. Markaa qolada leh waa Shir Beeleed iyo waa shir qaran waa Lax-baa la idinka yidhi”

Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI ahna Guddoomiyaha Golaha Wakiilada MD Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi  (Cirro) ayaa intaasi ka dib loo soo galbiyay dhinaca Xarunta Xisbiga WADDANI  ee magaalada Hargeysa, halkaasi oo Munaasibad loogu qabtay islamarkaana Gudoomiyuhu kula hadlay kumanaan ka mid ah taageerayaashiisa,kuwaasi oo min ilaa garoonka diyaaradaha ee Hargeysa ilaa xarunta dhexe ee xisbiga ruxayay, waxaanu halkaas ku hadlay taageerayaashaas oo uu uga mahad celiyay intii badnay ee ay cad-ceeda  taagnaayeen.

Sidoo kale waxaa halkaas ka hadlay Guddoomiye xigeenka Xisbiga WADDANI iyo Xoghayaha guud ee Xisbiga, waxaanu  labadooduba si kulul u cambaareeyeen xadhigii lagula kacay qaar ka mid ah qaban-qaabiyaashii soo dhawaynta  taas oo ay carabka ku adkeeyeen in Xukuumada Silaanyo haatan la soo baxday cago juglayn ay ku wado xisbiyada mucaaridka ah taas oo ay sheegeen inay xukuumadu isku dirayso shacabka

WAJAALENEWS.COM

HARGEISA OFFCIE.

COMMENTS
LINKS