Guddoomiyihii Hore ee Xuquuqal Iinsaanka Oo Far Waaweyn Xukuumadda Ugu Sheegay Sharcinimada Dooda Qaran Ee Ay Qaban Qaabadiisa Ku Hawlan Yihiin Xisbiyada Mucaaradka ahi | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Guddoomiyihii Hore ee Xuquuqal Iinsaanka Oo Far Waaweyn Xukuumadda Ugu Sheegay Sharcinimada Dooda Qaran Ee Ay Qaban Qaabadiisa Ku Hawlan Yihiin Xisbiyada Mucaaradka ahi
November 23, 2013 - Written by Wariye:

axmed yuusuf xuseenHargaysa(Wajaale News):-Guddoomiyihii hore ee Xuquuqaal Iinsaanka Qaranka Axmed Yuusuf Xuseen, ayaa sheegay in uu taageersan yahay dooda qaran ee ay Xisbiyadda Mucaaradka ahi qaban qaabadiisa Wadaan.
Sidoo kale waxa uu goleyaasha Sharci dejinta ugu baaqay in dabar xidha loo sameeyo shirkadda Sahaminta Shiidaalka Ka Wada Dalka Ee Genel Energy oo uu xusay in ay dalka hore uga baxda, mar kalena dib ugu soo laabatay.

Sidaasna waxa uu ku sheegay shir jaraa,id oo uu maanta Magaalada Hargeysa ku qabtay, waxaanu sidoo kale xukuumadda ku eedeeyay in ay ka sastay shirka taladda qaran, kaas oo buu yidhi lagu saxayo khaladaadka ay xukuumaddu ku talaabsatay mudadii ay taladda wadanka gacanta ku haysay.

Waxaanu yidhi ?Dooda qaran ee in mudo ah soo noqonaysay maaha shirwayne qaran waxa weeyaan dood qaran waatii caawa caqli keen oo kalaa oo codka uun sare loo qaaday dawlada uu madaxwaynaha ka yahay siilaanyo waxaan ugu baaqayaa inuu ogolaado dooda qaran oo waxa badan oo faa,iido ah ay kasoo bixi karaan oo dalka iyo xukuumada ay dani ugu jirto doodaasi waxa ay ubaahantahay  in la isgarab taago waa dooda ubaahan in si cilmiya looga hadlo wixii khaladan lagu saxo wixii xun la hagaajiyo.

Dhanka kale mar uu ka hadlayey xisbiyada mucaaradka ah ee wada dooda qaran waxa uu yidhi?xisbiyada mucaaradka ah ee dooda qaran wada waxaan Iyana ugu baaqayaa in ay kasoo qayb galiyaan xukuumada talo ha kadhiibtaan mana maamuli doonaan lakiin way kasoo qayb galin doonaan oo kaliya talo ayey ka gaysan doonaa wixii uxun iyaga waxa ay noqon doonaan waxa laga wada hadlo oo kaliya.

Mar uu ka hadlayey guddoomiyuhu marxalada uu maanta dalka uu marayo waxa uu yidhi?maanta marxalada uu dalku ku jiro waydinkaas arka xisbiyada oo idil ay qoorta iskula jiraan halkii udanbayse ee golaha wakiiladu guddoomiyihii ay soo saaray isku shaandhayn guddoomiye ku xigeenkii ayaa yidhi waxba kama jiraan waad ogtiin oo xisbiyada way iska dabo hadleen oo buuq ayaa dhexdooda wali ka taagan dalkii oo dhan waxa uu ku jiraa qas iyo jahwareer marxalada adag ayaa maanta dalkii marayaa waxaana lagaga bixi karaa waxaas oo dhan talo.

Dhanka kale guddoomiyuhu waxa uu sheegay in ay jiraan arimo muuqda oo ubaahan inaan loo kala hadhin waxaana uu yidhi?waxa jira arimo badan oo ubaahan inaan loo kala hadhin doodaas qaranku waxba kama dunwan caawa caqli keentii  mana jirto cid leh madaxwaynuhu kursiga yaanu ku fadhiyin lakiin waxa laga wada hadlayaa dhibaatooyin dhacay oo lawada og yahay oo jira oo aafadoodu cidkasta oo gaadhay waana daad soconaya oo cid walba meeshiisa ugu tagaysa hadaan dadka laga qaban uu meel xun inoola galidoon.

Gudddoomiyuhu maruu ka hadlayey inuu sibuuxda utageersanyahay talada qaran ee lagu dhawaaqay ayaa waxa uu yidhi?maanta waxaan halkan ka cadaynayaa inaan si buuxda utageersanay talada qaran ee xisbiyada mucaaradku ku dhawaaqeen  shacbiga reer somaliland waxaan usheegayaa in talada qaran lateegeero siwanagsan loo soo dhaweeyo si looga baxo dhibaatada ka daagan wadanka iyo duruufaha ku gedaaman ee soo foodsaaray xaalada wadanka somaliland.

Dhanka kale waxa uu agaasimuhu ka hadlay shirkada shidaalka oo dalka dib ugu soo laabatay taas uu walaaca xoogan uu ka muujiyey waxaana uu yidhi?shirakada shidaalku waa shirkada dano gaara ka leh wadanka barigii hore ee  ay baxday waxa ay wadanka ka goyse geedo isugu jira qudhaca iyo galool oo tiradooda lagu qiyaase laba kun oo geed waana la ogaa shirkadaas oo goor aan hadhna ahayn ayey ka baxday magaalada dawladuna waxa ay ogaatay iyada oo ka baxaysa tikada magaalada Barbara umada somaliland waxaan usheegayaa shirkada iyada oo heshiisa lala saxeeday wadankii isaga baxday maanta dib usoo noqotay yaa aamin doona dhibaatada ay gaysato tii hore iska dhaafe tadanbe xagaa loo raaci doonaa xukuumaduna waxa ay uhaysataa in ay guul gaadhay.

Dhanka kale mar uu ka hadlayey wasiirka arimaha gudaha somaliland cali maxamed waran cade waa uu yidhi?waxaan maqalaayey wasiirka arimaha gudaha somaliland oo maalin dhawayd leh shirakada waxaan raacin doonaa askar hortu askartu waxba matartee sharci ayaa wadanka kala haga ee sharcigaas ma haysaan waxaan soo jeedinayaa shirkadaas qodosita shidaalka yaanay talaabo buuxda qaadin  iyada oon loo helin sharci uu ansixiyey golaha barlamaanku oo buuxda waayo xeerku waakaas qiimaynaya dhirtaas lagooyey ee hagaya.

Dhanka kale maruu ka hadlayey guddoomiyuhu  darajadii lasiiyey ciidanka kala duwan ee somaliland ayaa waxa uu yidhi?waxa loo baahanyahay sharci kala haga umada imika tusaale ragaas lasiiyey darajada hadaan maant sharci loo samayn bari toole haduu madax noqdo ucid am wadani waxba wuu kala eryayaa maanta ayaa loo baahan yahay sharci kala haga umada in loo sameeyo.

Wajaale News
Hargaysa Office
Info:wajalenews@gmail.com
Reporter:Abdiqadir Abdiraxman Habane

COMMENTS
LINKS