Guddoomiyaha Xisbiga caddaalada iyo daryeelka UCID Mudan Faysal Cali Waraabe ayaa Maanta U Kicitimay Dalka Turkiga Oo Uu Kaga Qeyb Gali Doon Shir Caalami Ah Oo lagu Marti Qaaday. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Guddoomiyaha Xisbiga caddaalada iyo daryeelka UCID Mudan Faysal Cali Waraabe ayaa Maanta U Kicitimay Dalka Turkiga Oo Uu Kaga Qeyb Gali Doon Shir Caalami Ah Oo lagu Marti Qaaday.
November 5, 2013 - Written by Editor:

Hargeysa (UCID-Media Group):- Guddoomiyaha Xisbiga caddaalada iyo daryeelaka UCID Mudan Faysal Cali Waraabe ayaa Maant  U Kicitimay Dalka Turkiga Oo Uu Kaga Qeyb Gali Doon Shir Caalami Ah Oo lagu Marti Qaaday.faisal cali_ää_01

Guddoomiyaha Xisbiga caddaalada iyo daryeelaka UCID Mudan Faysal Cali Waraabe ayaa maant  u kicitimay dalka Turkiga , gaar ahaan magaalada ISTANBUL  halkaas oo Taariikhdu Markey Tahey 11/112013  uu kaga qeyb gali doon shir caalami ah oo lagu marti qaaday.

Shirkaas ayaa Socon Doona Mudo 2 Cisho Ah isla markaana lagaga hadli doona wax yaabo badan Sida Nabadagalyadda,Dhaqaalaha,Horumarka, shaqala’aanta iyo Horu marainta Dimuqraadiyadda.

Sida uu sheegay xoghayaha Saxaafad ee Xisbiga UCID Yusuf kayse oo Saaka u warramayey shabakadda wararka ee UCID-Media Group. “ Guddoomiyaha Xisbiga caddaalada iyo daryeelaka UCIDMudan Faysal Cali Waraabe, waxa uu maanta socdaal shaqo ugu kicitimay dalka Turkiga , waxa uu sii marayaa  dalka dalka Imaaraadka Carabta oo uu ku hakan doono muddo afar maalmood ah.Halkaas oo uu kula kulmi doono Jaaliyada Reer Somaliland ee ku dhaqan dalka Imaaraadka Carabta oo uu uga xog warami doono xaalada guud ee dalku haatan marayo sida nabadgelyada, siyaasada dhaqaalaha iyo armaha bulshada.  

Waxaanu Guddoomiyuhu  Saakaba ka ambabaxay magaalada Hargeysa isaga oo ku sii jeeda dalka Isutaga Imaaraadka Carabta, oo uu ku hakan doono muddo Afar maalmood ah.

 Waxaanu Guddmiyuhu halkaasi uga sii gudbi doona dalka Turkiga  oo uu kaga qeyb galayo shir caalami ah oo ay soo qaban qaabanqaabiyeen Xisbiyada Hanti wadaaga ee caalamka   Socialist International ” Sidaa ayuu yidhi xoghayaha Saxaafad ee Xisbiga UCID.

Waxaanu xoghayaha Saxaafad ee Xisbiga UCID oo hadalkiisa sii wataa intaa ku daray oo uu yidhi; “Shirkan waxa ka soo qeybgalaya  dhamaan Xisbiyada Socialka ee wadammadda caalamka. Waana shir sanadle ah oo lagaga hadlo sidii kor loogu qaadi lahaa wada shaqaynta xisbiyada Socialka caalamka,Horumarka bulshooyinka caalamka iyo Dimuraadiyadda.”

Yusuf kayse A/laahi waxa uu sheegay in inta uu Guddoomiyuhu ku suganyahay dalka Turkiga uu la kulmi doono Hogaami Diimeedyadda Dalka Turkiga, Xisbiyadda Dalka Turkiga, Jaaliyadda Reer SOmaliland Ee Ku Sugan Dalka Turkiga

Justice and Welfare Party
Somaliland
INVITATION
Meeting of the Council of the Socialist International
Istanbul, Turkey, 11-12 November 2013
Dear friends,
The Socialist International will be holding the next meeting of its Council in Istanbul, Turkey, on 11-12 November 2013, hosted by the People’s Republican Party, CHP. I am very pleased to extend a cordial invitation to your party to participate as guests at this meeting.
The Council agenda, which you will find herewith, will center on two main themes: “Current crises related to the struggles for democracy, particularly in the Middle East and North Africa, and conflicts threatening peace and security in that part of the world” and “Reaffirming the centre-left vision for the global economy with an emphasis on growth, jobs and equality, and for a new development agenda”.
The meeting will open at 10.00 hrs on Monday 11 November and will conclude at 13.00 hrs on Tuesday the 12th. Along with the agenda, please find herewith the technical information of the meeting and a Council registration form which should be returned to our Secretariat by 1 November.
We look forward to your party’s participation at this meeting, and to welcoming your delegates in Istanbul.
Kind regards,
Luis Ayala
Secretary General

COMMENTS
LINKS