Guddoomiyaha Guddida Qaban Qaabada Kulmiye Loo Doortay Oo Ka Hadlay Khilaafka Dhex Yaalla, Inay Laba Siyaasi La Kala Safan Yihiin Iyo Kulan Ay Maanta Isugu Iman Doonaan. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Guddoomiyaha Guddida Qaban Qaabada Kulmiye Loo Doortay Oo Ka Hadlay Khilaafka Dhex Yaalla, Inay Laba Siyaasi La Kala Safan Yihiin Iyo Kulan Ay Maanta Isugu Iman Doonaan.
November 3, 2013 - Written by editor

Waxaanu aad isugu dhownahay Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biisi Cabdi lakiin…

 

 

 

 

 

 

 

 

Hargaysa (Wajaale-news)-Guddoomiyaha Guddida Qaban qaabada Xisbiga Kulmiye ay dhowaan u doorteen qayb ka mid ah Guddidaasi oo dhamayd 15 Xubnood Abiibakar Xaamud Jibriil, ayaa markii ugu horraysay ka hadlay khilaafka ka dhex qarxay Guddidaasi iyo halka ay illaa hadda wax u marayaan, waxaanuu sheegay inay soo afjareen khilaafkii dhex yaallay Guddidaasi oo ay maanta Kulan u ballan sanyihiin ay isugu iman doonaan.
Abiibakar Xaamud Jibriil oo khadka Telefoonka ugu warramay Wargeyska Saxansaxo, ayaa waxa kale oo uu ka hadlay wararka sheegaya inay la kala safan yihiin Guddidaasi laba siyaasi waxaanuu sheegay in aanay arrintaasi waxba ka jirin oo ay isaga gaar ahaan aad isugu dhowyihiin Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biisi Cabdi, isla markaana aanay aqoon badan isku lahayn Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ee garabkooda lagu xidhiidhiyey.
Guddoomiyaha Guddida qaban qaabada Xisbiga Kulmiyeb loo doortay Abiibakar Xaamud Jibriil, ayaa waxa kale oo uu sheegay in aanay jirin wax doorasho ah oo dib loogu noqonayaan, isla markaana ay soo dhamaatay khilaafkii dhexyaalay oo uu isagu ka shaqeeyey isku soo dhowaynta labada dhinac.
Abiibakar Xaamud Jibriil oo arrimahaasi ka hadlaya ayaa waxa uu yidhi “Anagu hadaanu nahay 15 kii Xubnood Xisbiga Kulmiye wanaaggiisa, ayaanu jecelnahay oo wax dhibaato ah lama ogolin Xisbigayaga, markaa wixii uu Xisbigu qabanayey ayuunbaanu qabanaynaa an aguna”
Guddoomiyaha oo la waydiiyey in Dadku ay aamin sanyihiin inay laba siyaasi la kala safan yihiin Guddida qaban qaabadu, ayaa waxa uu ku jawaabay “Walaahi anagu laba siyaasi lamaanaan kala safan oo IlAAHAY ayaa sidaas nagaga sareeya, anaga Guddoomiyaha Xisbiga ayaa na soo magacaabay oo siyaasi kale namuu soo magacaabin, ninka nalagu xamanayaana namuu soo magacaabin mana garanayo oo waxaanu labada aniga gaar ahaan isku wanaagsan nahay oo aanu si garanaynaa Guddoomiyaha Xisbiga”
Abiibakar Xaamaud Jibriil oo ka jawaabayey Su’aal ahayd in illaa hadda ay wax waan waan ahi jirto, waxa uu yidhi “Waan waani way jirtaa anaga (Guddida qaban qaabada) laftayadu kulan waanu leenahay, waxaana Berri (Maanta) aanu isku iman doonta Guddida oo dhan haddii alle yidhaahdo, waxaananu jecel nahay inaanu wixii khilaaf ah dhex dayada ku dhamaysanno, wax aanu ku kala maqannahayna ma jirto hadda”
Guddoomiyaha oo la waydiiyey in dib looghu noqonayo doorashadii iyo in kale , waxa uu ku jawaabay “Wax Doorasho ah oo illaa hadda dib loogu noqonayaa ma jirto,

 

WAJAALE NEWS DESK

HARGEISA OFFICE

CONTACT US : Wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS