|
|||||
WAJAALE NEWS
Golaha Baarlamaanka oo shaqadoodii ku soo ururtay ku kala biirida Xisbiyada
November 13, 2013 - Written by Editor:Doorashii Golaha sharci dajinta Somaliland ee dalka ka dhacday 29 september,2005 may ahayn mid la mahadiyey manay noqon mid dalka ku soo kordhisay wixii filaanshuhu ahaa ee shacabku ka naawilaayey waayo karaamadii iyo sharaftii miisaankii iyo maamuuskii uu ninka Xildhibaankii uu shacabkiisa ku dhex lahaa way luntay waxaana lumiyey:
Waxa nasiib daro ah in Golihii loo hanweynaa ee Bulshada Somaliland sida weyn ugu hagarbaxday eey codkooda, cududooda iyo caqligoodaba iskugu geeyeen bal in la helo wax shacbiga wakiil ka noqda oo shacbiga iyo xukuumada udhexeeya inay si toosa ugu dhex milmeen xukuumadii shacbigiina ilaaween oo aanu jirin xildhibaan meeshii laga soo doortay maalina aan soo bariidin wax yar mooyaane oo ay leeyihiin walee dib la iima soo doorto.
Waxa wax laga yaabo ah in galdalooladoodii buuxdhaafeen oo wax ay ku wanaagsanyihiinba aan la garanayn taasi waxay sababtay in lagu dhawaaqo Golaha wada tashiga iyo toosinta qaranka oo ka helay fakaag iyo firaaqo Golaha wakiilada waayo maanta in gole lagu dhawaaqo inagoo Gole sharciya cod dadwayne kusoo dooranay waliba la yidhaa waa Golaha Toosinta waxaan filayaa waxa keentay masuuliyad daro ka timid golihii aynu soo dooranay iyo shaqadoodii oo ay gabeen garana waayeen waxaana muuqata in Odayaasha Golahan ku dhawaaqay aanay layaabatiin lahayn waayo waa odayaal dalka iyo dadkaba udamqanaya waxaan kusoo koobayaa fikirkaykan kooban
Waayo horaa loo yidhi dugsi male qabyaaladi waxay dumiso mooyaane.
Mukhtar Abdi Jama 4406123 COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|