Garabka Haweenka Xisbiga Waddani UK Oo Qabsaday Kulan Ilyartu Isqabsatey, Dhaqaalena Ugu Deeqay Waddada Ceerigaabo | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Garabka Haweenka Xisbiga Waddani UK Oo Qabsaday Kulan Ilyartu Isqabsatey, Dhaqaalena Ugu Deeqay Waddada Ceerigaabo
November 5, 2013 - Written by Editor:

WAJAALENEWS)Garabka Haweenka Xisbiga Waddani UK Oo Qabsaday Kulan Ilyartu Isqabsatey, Dhaqaalena Ugu Deeqay Waddada Ceerigaabo

 

Kulankan oo ujeedadiisu ahayd Is-barashada Xubnaha Xisbiga iyo Dardargelinta hawlaha Xisbiga ayaa xalayto ku qabsoomay Hoolka Egypt House ee ku yaala Xaafada Shepherds Bush ee magaalada London.  Xafladan oo agaasinkeeda ay lahaayeen garabka haweenku ayaa sidoo kalena u furnayd Rag, Dumar, iyo cidwalba oo danaynaysa Xisbiga Waddani taasoo keentay in hoolkii Xafladan lagu qabanayey buuxdhaafsamo. Waxaan goobta ka maqnayn Laamaha Gobolada oo ergooyinkoodu goobta ku sugnaayeen iyo Xubno ka tirsan Gudiga fulinta iyo Golaha dhexe ee Xisbiga Waddani heer Qaran.

Xafladan ayaa Garabka Haweenka Xisbiga Waddani iyo Xubnihii goobta isugu yimidba muujiyeen sida ay ugu faraxsan yihiin in kulan noocan oo kale ah loo baahnaa inuu dhaco, iyadoo dhamaan xubnuhu isku soo dhoweynayeen Weji Furan, Gacmo Furan iyo Qalbi Furan. Kulankan ayaa lagu muujiyey sida Xisbiga Waddani u danaynayo ugana go’an tahay ka qayb-qaadashada horumarka iyo dhismaha Waddanka balse waxay ka digeen qaababka Xukuumada Kulmiye u marto Horumarka Waddanka oo aan dhaafsiisnayn Olole Siyaasadeed oo qudha.

Gudoomiyaha Garabka Haweenka Xisbiga Waddani UK Marwo Nuura Axmed Naasir oo Xafladan daah-furtay ayaa u hambalyaysay dhamaanba xubnihii soo abaabulay iyo intii ka soo qayb-gashayba iyadoo sidoo kale taabatay in dhismaha waddada Ceerigaabo uu Xisbiga Waddani bilaabay, Noqona doono kan dhamaystira iyadoo isla goobta kaga dhawaaqday inay dhismahan Wadadan kaga qayb-qaadanayso £500, xubnaha kalena ugu baaqday inay ka qayb qaataan dhismahan. Xubno badan oo goobta ku sugnaa ayaa iyagina cadeeyey inay horena uga qayb – qaateen hadana diyaar u yihiin.

Waxaa xusid mudan in haween aad u badani goobta ka cadeeyeen inay kalsoonidoodii siiyeen Xisbiga Waddani kana mid noqonayaan,  waxayna sidoo kale ugu baaqeen haween weynaha S/lsnd inay ku soo biiraan Xisbiga Waddani oo la isku raacay inuu yahay Xisbi Qayb weyn oo siyaasadeed u ogol Haweenka.

Xubnihii Gudiga Fulinta Heer Qaran iyo Madaxda UK oo iyana goobta ka hadlay ayaa uga mahadceliyey garabka haweenka Xafladan aadka u qiimaha badan ee ay ku martiqaadeen iyagoo dhamaantood muujiyey in Garabka Haweenku yahay Lafdhabarta Xisbiga oon la’aantood la talaabsan karin.

Ugu dambayna  Xubnihii soo abaabulay Xafladan oo tiro badnaa balse aan ka xusi karo Marwooyinka ay ka mid yihiin,  Miimi Sa’ed Bile, Fa’isa Farah Susle, Kaltun Takar, Saynab Xaji Jama, Aniza dheer, Deqa Yusuf,  Libaaxo iyo haween kale oo badan oon halkan magacyadooda lagu soo koobi karin ayaa mahadnaq balaadhan u soo jeediyey dhamaanba intii Ajiibtay codsigoodii ka soo qaybgalka kulankan, iyagoo xubnahani muujiyeen inay xili walba iyo goob walba diyaar ugu yihiin sidii Xisbiga Waddani u hana-qaadi lahaa uguna guulaysan lahaa maamulka waddanka.

Kulankan ayaa ku soo gabagaboobay jawi aad u xiiso badan. Halkan ka daawo Sawiradii Xaflada oo dhamaystiran.

 

Afhayeenka Xisbiga Waddani UK

Mudane Qasim A Saleebaan

WAJAALENEWS.COM

HARGEISA OFFICE

WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS