Filashada Siilaanyo iyo foolxumadda muuqata Qaybtii 4-aad: Radio-gii Qaranka ee lacagta badan la galiyay Hargysa ma dhaafo | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Filashada Siilaanyo iyo foolxumadda muuqata Qaybtii 4-aad: Radio-gii Qaranka ee lacagta badan la galiyay Hargysa ma dhaafo
November 3, 2013 - Written by editor

WAA QAYBTI 4,AAD

 

 

 

1- Akhristoow maqaalkan oo ah kii 4-aad ee filashada waxaan filayaa inay tusaale idiinku filan tahay meelihii aanu ku taataabanay 3dii maqaal ee hore meelaha hadhay ama wasaaradaha hadhay ee aynaan ka hadlina tii aad eegto ama aad taabataaba tii kale ka daran tusaale ahaan haddaynu iminka eegno wasaaradda hawalaha guud ma jirto wax shaqo ah oo ay qaranka u haysaa! sawirka ka jiraana waxa uu tusaale fiican u yahay xukunka siilaanyo! Wasaaradda oo hawsheeda ugu culusi ahayd hirgelinta dhismayaasha wadooyinka, guryaha dawliga ah, gaadiidka, dhukumentiyada kaydintiisa sida bileedh nambarada baabuurta , liisamada iyo waxyaabaha cadaymaha ah sida tijaabada dareewalnimada iwm. haddaba akhristoow haddii aynu is waydiino waxay qabatee horta marka hore halku dhig soomaali ahbaa ahaa (soomaalidu kay maqasha kala quusatay geela u dirataa)!!! ilaa maanta ilaa 1991 qof waliba waxa uu si sharci daro ah u haystaa gurihii dawladda guriguu doono iskadaa kiro daryeel iyo ka warhayne wasaaraddeenu waxay awoodi wayday inay dadka bilaashka ugu jira ku tidhaahdo daryeela oo dayactira.

2- iswaydiino oo waa laga wada dheregsanyahay hawsheedii koowaad iyo dhisidda kuwo cusub halka ay ku danbaysay waa dalkee akhristoow aduunka dalka ay madaxtooyada hoos tagaan dhisida wadooyinku? ma dad kalaan jirin, miyaa la aamini waayey oo waa tuug dadka wasaaradda ka masuul ihi? Jawaabtu waxay noqonaysaa maya ee danaysi iyo musuqmaasuqbaa meesha yaala . liisamada iyo bileedh nambaradiina waxay ku jiraan gacmo kale oo aan wasaaradda ahayn wasaaradduna waa hadh mushaharka lagu sugo.

*Warfaafinta
1. wasaaradda warfaafinta iyo dhaqanku waa wasaaradda hawsha ugu muhiimsan u haysa qaranka tusaale ahaan waaxda TVga qaranka oo ay ku baxdo lacag ka badan 300$ oo kun marka laga eego miisaaniyadda iyo dakhliga badan oo dul socod ah iyo mid saa’id ah oo ay madaxtooyadu ku kabto haddana majiro hal xafiis oo ay gobolada dalka ka furani weriye yaasheeda gobolada iyo wakiiladeeduna malaha wax gaadiida waxyna ku shaqeeyaan socod iyo lug dheer iyaga oo kamaradah iyo qalabka walwaalaya waxaanad arkaysaa iyaga oo joojinaya gawaadhida shacabka kana codsanaya inla sii qaado.
2. Boqolaalka fanaan ee wasaaradda mushaharka ka qaata malaha wax taakulayn iyo waxsoosaara curuurteenuna waxay daawataa riwaayado, filimo iyo musalsalo ajahanib ah oo ay dumarkeena iyo caruurteenu ka bartaan dhaqan xumo aynaan hore u aqoon sida in laba dumara oo walaalo ah hal nin ka dhaxayn karo , in gabadhu ninkeeda dili karto iyo in wax la khiyaameeyo.
fanaaniintii kaalintaa buuxin lahayd ee duubi lahayd soona bandhigi lahayd riwaayado, xigmado, sheekooyin qiimo badan oo dhaqanka, suugaanta iyo diintaba xanbaarsan oo huwani ma jirto cid sidaa u sii eegta.
3. Radiogii qaranka ee lalahaa waala weyneeyey oo waala balaadhiyey oo la hagaajiyey majirto wax laga qabtay oo tayo maqala oo FM ta Hargeysa dhaafsiisan mana jirto wax tayo farsamo barnaamij ah oo uu leeyahay markaa waa su;aale marka xaalkeedii guduhu noocan yahay maxaynu ku magacownaa shaqada ay qaranka u hayso iyo micnaha ay ku fadhidoba?.

Wasiirkeedana waxay dadweynuhu suuqa uga yaqaanaan sarkaalka hadalka ee ka hortagga mucaaridka sidaa awgeed akhristoow sabab aynu u sii kala door doorano hanaanka maamul ee xukuumadda Axmed Siilaanyo haddaynu filaynay hirgelin dimuqraadiyadeed waxa uu abuuray hirelin qabyaaladeed iyo kala fogaansho iyo abuuritaanka kooxo cusub oo siyaasadeed oo aan hore masraxa ugu jirin oo ah ta keentay daadka maanta kulmiye la tegey, waxaana cadaana inaanu ku talo gelin inuu soomaalilaand wax taro iyo inay ka danbayso toona, waxaanu leenahay hadduu axmed siilaanyo sidaa aynu sheegnay ku talo galay oo ay ka dhab tahay ooo sida uu xafiiskaagu yahay aykaa bes tahay ceebmaahoo qofka wakhtigu wuu ciilaaye is casil , dadka reer somaliland waxaan leenahay cidina idiinma maqna ceelna idiinma qodna waxaynu doonaynay iyo wadooyinkan kaanbaynka ahina waa kala laba guntii iyo gabgabadii maqaalkaygana waxaan leeyahay mudane madaxweyne talada caruurta iyo haweenku meel fog ma gaadhee aynigaa la tasho si;aad u ogaato waxa khaldan una garato xaajada taagan .
(Tuhunkii laguu qabay miyaa lagu tabaaloobay, Tagoogaha miyaa lagag jabay talo xumaantaada)
dhamaad.

Lasoco mawduucyo kale oo xiiso badan.

C/risaaq Maxamed Jaamac

dhanaaniye@hotmail.com

COMMENTS
LINKS