Fadeexada Dul-Hoganaysa Wasiirka Warfaafinta Iyo Falalka Cunsuriyadaysan Ee Kala Qaybinta Shaqaalaha | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Fadeexada Dul-Hoganaysa Wasiirka Warfaafinta Iyo Falalka Cunsuriyadaysan Ee Kala Qaybinta Shaqaalaha
November 18, 2013 - Written by Editor:

HARGEISA WAJAALENEWS.COM Waxaa dhawaan fal aad u xun lagula kacay wariyihii gaar ka ahaa ee madaxweyne siilaanyo kasoo warar u ka diyaariyay gudoomiha xisbiga Ucid oo shir caalami ah kagag qayb galay dal weynaha turkiga kaaso sidaa u sheegay wariyuhu lagula kacaay cunsuriyaad ba”aan taaso lagu yaqaanay wasiirka wasaradda warfaafinta oo haddana noqotay madal,lagu kala qaybiyay shaqaalaha ka shaqeeya wasarada.

Wasiir cukuse ayaa caan ku ah meel kasta oo u taago in u ku dhaqaaqo falal an ku habooneyn in ku kaco qof masuul ahii,waxaana hadaa soo if-baxaaya fadeexado la wariiyay in ay u dheexeeyaan wasiirka iyo maareeyaha oo hadda fiintu dhex miraanayso,wasiirka ayaa ku hawlan sidii u xilka uga tuuri lahaa maamula Tv-ga qaranka waxaanay warar ku xussen in laysku khilaafay lacago lagu heeshin wayay taaso wasiirku rabbo in logu shubo accounn gaar ah oo u leeyahay halka maareeyuhuna doonayo in waxna laga cuno waxna lo dhigo hawlaha tv-ga.

Shaqaalaha wasarada ayaa si weyn uga cabanayaa hab-dhaqanka wasiirka oo ay ku tilmaameen mid ka baxsan anshaxa u leeyahay masuulku ee xukumayaa wasarad ama wixii la mid ah waxaayna ku misaaleen qof aan xil-qaadi karayn,C/laahi Cukuuse ayaa ka mid ahaa dadkii laga maamnucay xilka wakhtigii u noola alle naxariiste Maxamed Haaji Ibraahin Cigaal u ka maamnucay xil danbe in u  dalka ka qaabto oo uu ka mid ahaa wasiirka warfaafintu.waxaanu ku tilmaamay in ku xaad gud-bay dhaqanka diin-teena suuban tan-iyo maalintii la magacaabay wasiirka ayaa wasaradu hos u dhac-ballaadhan ku habsaday waxaa masuul ka ah maamulka wasaradda oo inta badan ku mil-ma suuqa madow,inta badana kamma soo xadiiro wasaradda marka u yimmaddo waxaa u ku dhaqaaqa tallaabooyin aan ku sax-sanayn hannaanka masuul u leyahay.

Cukuse ma yahay mid qariiya sirta dawladda u ka tirsan yahay

Wasiirku waxaa faafiyaa siirraha madax-tooyadda oo u ka sheeggo maar-feeshyada uu fadhiisto iyo gobaha dadka ay aqoonta isku leeyiihin waydiiyaan maamulka u ka tirsan yahay  iyo xaladda u  dalku maraayo .waxaa  u sheegaa in aannu dalka ka taalin madaxweyne siilaanyo balse uu ka taaliyo wasiiro u isaagu isku daray waxaanu had iyo goor farta ku fiiqqa wasiirka madaxtooyada,cukuse waxaa uu ka mid yahay dadka sheegga wasiirka madaxtooyadu doonaaya in iska soo sharaxo Xirsi Kulmiye lamma oga in laga  warqaabo iyo in kale  balse dadku waxay sheegen,in lagu  xannaanaynaayo xilka ,dhinaca kale waxaa u  sii hose uu wararka u siiyaa warbaahintaa siraha qorsoon ee ka socdaa madaxtooyadda oo uga waraamo falkasta oo dhacaa.waxaynu qormooyinka danbe aynu kusoo qaadan doona xoggo aynu ku ogaan-doono wasiirka iyo siiraha u bixiyo.

Lasoco………..

Cabdi casiis Bashiir nuur

COMMENTS
LINKS