|
|||||
WAJAALE NEWS
Dood Qaran Waa Lagama Maarmaan… Agaasimihii hore ee Arimaha Debeda iyo Wasaarada cadaaladda Maxamuud Raage Ibrahim
November 28, 2013 - Written by Wariye:Hargaysa(Wajaale News):-Salaanta islaamka kadib waxaan hore uga hadlay ama aan hoosta ka xariiqay in ay Dood Qaran tahay mid loo baahan yahay , waxaad marar badan arkaysaan Shacabkeena oo TV lala hoos cararayo oo la weydiinayo dood qaran ma loo baahan yahay? Yaa qaban kara ? maxaa dhacaya hadii 2 xisbi ee mucaaridku qabtaan dood qaran? Runtii qof waliba waxa uu u noqonayaa Maskaxdiisa iyo garaadkiisa halkaas oo ah meesha ruux kasta u ah Library, Waxaa kaloo jira inyar oo dadka kamid ah oo u noqota Sharciga Islaamka iyo diinteena qiimaha badan, waxaa kaloo jira koox yar oo eegta sharuucda aynu dhiganay. Sikastaba ha ahaatee si weyn baa loogu kala qeybsan yahay, aniga iyo xisbiga aan ka mid ahay hawlwadeenadiisu waxa aanu jecelnahay in aynu doodno ama aqoon isweydaarsi sameyno, waayo doodu waxa ay ka fiican tahay isku dhaca iyo rabshadaha iyo curfiga noocuu doono ha noqdee, dooda waxaa lagu wada hadlayaa waa microphone , qalabka u badan ee la adeegsanayaa waa qalin iyo waraaq, marka uu aqoon isweydaarsigu dhamaado waxaa kasoo baxaya waxa loo yaqaan Hadal Murtiyeed, waxa aan ka qeyb galay intaan dawlada hada jirta u ahaa Agaasimaha cadaaladda ilaa 3 kulan oo International ah, oo lagaga doodayo Dhibaatooyinka ay budhcad badeedu ku hayso Aduunka , waxaa kasoo qeyb gali jiray illaa 50 dawladood. Wanaag moyee dhib kama soo bixin, maalin walba waxaa hudheelada waaweyn ee caasimada hargeysa lagu qabtaa Dood cilmiyeedyo iyo seminars deero deero kuma hirdiso hadaba Maxaa diidaya hadaynu ka doodno arimahan soo socda 1. Maxaa dan ah oo inoogu jira wada hadalka Somalia iyo Somaliland? Ilaa hada yaa guulaystay ? 2. Maxaa inaga dhiman maxaynu qabsanay ilaa hada si aynu doorashada madaxweynaha iyo tan Xildhibaanadu inoogu qabsoomaan 2015 ? 3. Sidee uga badbaadnaa isku dhac iyo in mawaadiniinta reer Somaliland inagaga dhintaan doorashooyinka soo socda, waayo waxaa weli qalbigeena ka guuxaya dhibaatadii inaga soo gaadhay doorashadii deegaanka ? 4. Maxaa laga yeelayaa musuqmaasuqa iyo hanti boobka dalka ka jira? 5. Sidee loo madax banaaneyn karaa Garsoorka qaranka Somaliland ee ay mar walba dawladu faraha kula jirto? 6. Sidee loo madax banaaneyn karaa Hantidhawraha guud oo aad moodo in uu shaqaalaha hoose uun qoorta jarayo, bal u fiirso weligaa ma maqashay wasiir baa maxkamada looga yeedhay ama hantidhawraha ayaa la xisaabtamay . saw ma odhan karno sharciga ciqaabta dalka waxaa lagu fuliyaa masaakiinta iyo shaqaalaha hoose, sida Somalidu tidhaahdo Miskiin baa misko la fuulo leh. 7. Maxaa laga yeelayaa heshiisyadan caalamiga ah ee dawladu geleyso , iyada oo iska daa golaha wakiilada ee aan golaha wasiiradu indho ka qaadin. Arimahaas aan soo xusay oo dhan waxay caqliga saliimka siinayaan in dood qaran la qaban karo.Dawladu maanta waxa keliya ee ay ku faanaysaa ama ku caga juglaynaysaa waa ciidanka qaranka oo inaga dhexeeya, ogaada Ciidanka qaranka shalay markii uu Daahir Riyaale adeegsaday ciidamada Policeka hadaynu ahayn Kulmiye waa muraara dilaacdeen, maanta ma idinkii baa caruurtii laynaya? Waa ayaan daro runtii ama Saxaafadii cabudhinaya, runtii waa taariikh madow kuna dhigmaysa buugaagta . Allow maxaa daal la kororsaday, Waxaa ayaan daro ah in rag dawlada ka mid ahi jecelyihiin in ay doodan qabyaalad iyo shir beeleed ku micneeyaan waxaan xasuustay Deeleydii u horeysay ee abwaan gaariye alle haw naxariistee lahaa Qabiilkii Dorraad yiil Isticmaarki baa dumay Shalay daba-ka-naax iyo Dibitaati baa waday maantana dillaal iyo Dibir baa ku xoogsada Waa dabin qarsoodiya ummadday ku dagayaan Boobkay ku dedayaan Qolo-qoladan loo degey kama dhalan dadweynaha Ugu danbeyn waxaan idin xasuusinayaa markii aan shaqada ka baxayey waxaan madaxweyne Axmed si nasteex ah ku idhi Qaranka Somaliland waa kaa hadhayaan, maanta waa bilawgii ama hordhicii arinkii aan uga digayey waxayse ka xumaan hadii ay dawladan maanta jirtaa ka jawaabi weydo dareenka shacabka oo ay ku meeraysato cabudhin iyo awood ciidan. Gabagabo Dood qaran waa lagama maarmaan dadkuna waa ku qancay sharaxaadii uu ka bixiyey Gudoomiyaha Golaha Wakiilada ahna Gudoomiyaha Xisbiga Wadani Mudane Cabdirahman Maxamed Cabdullahi La soco qoraalka danbe Qalinkii Maxamuud Raage Ibrahim Wajaale News Related posts:Odayaal Iyo Waxgaradka Deegaanadii Dhawaan Shaqaaqadu Ka Dhacday Ee Gobolka Salel Oo Ka Biyo Diiday ... War Deg Deg ah: Dablaydii Lagu Eedaynayay In ay Dishay Taliyihii Qaybta Booliska Berbera oo Qaarkam... Qurba joogta Reer Allaybaday oo booqday Dhismaha Wadada Allaybaday Halka Ay Marayso DAAWO SAWIRO COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|