|
|||||
WAJAALE NEWS
Dhibaatada Ay Beeralaydu Kala Kulanto Isticmaalka Sunta Beeraha!!Dabagal Saxafadeed: Wariye Cabdi Cismaan Almis I
November 17, 2013 - Written by Editor:HARGEISA WAJAALENEWSBeeralayda somaliland waxaa ay dadaal ugu jiraan wax soo saar ku xidhan wakhti roobaadka iyo beer biyoodo lagu waraabiyo biyaha ceelasha, in kastoo la odhan karo duruufo dhaqaale oo haysta ayaa dabarku ah beeralayda somaliland in wax soo saarku bato. Inkastoo waayuhu macalin u noqday beeralayda somaliland, bal aynu eegno dillaagan dahsoon ee dhimasho iyo raad xun kaga tagay beeralayda somalailand,waxay ahayd maalin khamiis ah 02.octobar 2013 saacaduna ay ahayd ilaa 8 barqanimo anigoo sidii qorshahaygu ahaa ku socda shaqada wariye nimo waxaa wadada igu joojiyay nin waayeel ah oo aan dadiisa ku qiyaasay ilaa dhawr iyo konton jir, salaan kadib waxaa uu i waydiiyay wadada loo maro dhakhtarka hargeisa, hadalku waa ku dhib waxaana ka muuqda xanuun socodku dhib ku yahay, gaadhigii aan watay ayaan ku idhi soo fuul waayo damiirku wuu isiin waayay in qofka sidan u dhiban tilmaan kaliya siiyo, maadaama aanu lahayn awood uu ku gaadho dhakhtarka wayn ee magaalada hargaysa oo cabaar noojira,waxaan waydiiyay nooca xanuunka haya iyo halka uu kayimid? waxaanu iigu jawaabay adero waxaan ahay beeralayda dagmada arabsiyo waxaana dhibaato iga soogaadhay sun aan ku buufinayay beerta, waad aragtaa in hadalku igu dhib yahay, halka ugu daran ee la iga hayaana waa beerka,waxaan gaadhsiiyay dhakhtarkii uu doonayay anigoo ka qortay magaciisa iyo hadii ay jirto meel aan kalasoo xidhiidho, damiirka bili aadannimo iyo mihnadayda saxafinimo way isiin wayday in xogtaa kooban ee aan helay halkaa ku dhaafo, waxaan abaabul u galay in aan dabagal saxafinimo ku sameeyo dhibaatadan wax yar iiga iftiimeen ee ku habsatay beeralayda, bartirmaalmeedkaygu waa deegaankii uu iisheegay ismaciil yuusuf jamac, waa dhulbeereed hargaysa kaga beegan galbeed qiyaastiina u jira ilaa 30 km, 19.otobar2013 ayaan subax hore ka baxay magaalada hargaysa si aan hawshan u soo qabto waa aniga iyo wiil dhalin yaro ah oo saxafi ah aqoon deegaana u leh beeraha aan ku socono, intii aanaan gaadhin beerahii aanu ku soconay waxaanu ku sii hakanay beero kale oo lagu guda jiray shaqadii beerta, waxaan kula kulanay dhalinyaro beerta shaqaale ka ah, anigoo way diiyay wax yaabaha ay beeraan, waxay ii sheegeen qudaarta geed gaabka in ay beeraan waxaa kale oo aan way diiyay sida ay ula dagaalamaan dulinka beerta iyo sunta ay ku buufiyaan? waxay iigu jawaabeen waxaanu isticmaalaa sun noocyo badan oo hargaysa la nooga soo diro aqoona uma lihin balse geedka ayaanu inyar ku tijaabinaa, hadii ay ka dishana beerta waanu ku wada buufinaa hadii aanay waxaba iska badalina waanu iska daynaa,waxaan waydiiyay in ay jirto dhibaato ka soo gaadhay isticmaalka suntan? waxay iigu jawabeen hadii ay beerta soogalaan marka la buufinayo in qaarkood ay dawakhayaan oo jidhkoodu diidayo sunta, beertaa u horaysay waxan ka helay xogtii aan doonayay qaybka mida, waxaana muuqata in ay beeralayda somaliland baahi wayn u qabto taba baro ku saabsan isticmaalka sunta beeraha,sida warbixinta hordhaceeda aad ka dhugateen suntu waxay u muuqataa mid beeralaydu aanay ka haysay fahan dhaba isticmaalkeeda iyo waxyeeladeeda caafimaad ,waan sii waday safarkii angoo gaadhay beerihii aanu u soconay oo ku yaala duleedka magaalada arabsiyo axmed cumar oo nin waayeel ah iyo laba dhalinyaro ah oo ku gudajira shaqadii beerta ayaanu la kulanay axmed cumar oo faah faahin ka bixinaya dhibaatada sunta beeraha iyo isticmaalkeeda ayaa iigu jawaabaysalka ; shan iyo afartan sano ayaan beertan falanayay dhibaatada ugu daran ee aan la kulmayna waxaa weeye markii aan hargaysa baabuurka khudaarta qaada uga dirtay sun cayayaanka ka disha beerta, waxaa uu ii soo iibiyay suntii waraabaha oo markii beertii aan ku buufiyay geedihii way dhinteen, ana halisbaan galay, waxaa kale oo aan kuu sheegayaa sunta sida dharka uun baanu u soo gadanaaye ma jiraan haayado iyo dawlad naga taageerta isticmaalkeeda, iyo markaa halisbadan badan baanu kala kulanay sunta beeraha. ssokaw saamaynta suntu ku leedahay beeralayda waxaa muuqata in dhibaato saamayn karta qudaarta oo suntani sababi karto ay muuqato, iyadoo ay jirto beeralay badan oo aan aqoon ku filan iyo wacyi galin ka helin istic maalka sunta beeraha, wasaarada beerha somaliland iyadaa qaranka u qaabilsan arimaha beeraha si aan wax uga ogaado siyaasada uga qorshaysan dhinaca isticmaalka sunta beeraha waxaan warbixin ka helay wasaarada beeraha waxaanu ii sheegay in wasaarada beeruhu siyaasad cad ka leedahay istic maalka sunta khubarana ay wasaaradu u diyaarisay beeralayda si geedkii bukooda sida dhakhtarku dawada ugu qoro marka qof xanuun sado, dhakhaatiirtana ugu qoraan beeralayda geedkii bukooda dawada ku haboon, balse agaasimaha guud waxaa uu sheegay in beeralaydii aanay wasaaradii imanayn oo tukaamada ay noca ay doonan ka gadanayaan arintaasina aanu ogaanay inay sababtay halis caafimaad iyo mid beereedba ayuu agaasimaha guud ku soo gaba gabeeyay waxaa daba galka xogtaydani ay ka fursan wayday in aan tago tukaamada lagu gado sunta beeraha oo aan wax ka waydiiyo dhibaatadan waxaanay ii xaqiijiyeen in aanay jirin cid hawshan iska xilsaartay balse ay diyaar u yihiin ganacsato ahaan qorshe kasta oo lagu badbaadinayo beeralaydeena iyo dadkeena qudaarta isticmaalaya waana xil saaran bay yidhaah deen xukuumada, Gaba gabadii waxaa muuqata dhibaato laxaad leh oo hadii aan laga hor tagin dul hogonaysa beeralayda somaliland iyadoo aynu ogaanay in aanay jirin wacyi galin ku saabsan dhinaca isticmaalka sunta iyo wada shaqayn ka dhaxaysa khubarada aqoonta u leh arimahan ee wasaarada ku sugan iyo iskaasha tooyinka beeraha si loo badbaadiyo kumanaan dad beeralay ah oo saamayn caafimaad isticmaalka suntani u keeni karto waana lagama maarmaan dawlad iyo haayad caalamiya ah ba in gurmad laga galo arintaa noqotay dilaaga dahsoon ee aan laga warhayn Dabagal saxafadeed Cabdi Cismaan Almis Producer slntv
****************************
Dhibaatada Ay Beeralaydu Kala Kulanto Isticmaalka Sunta Beeraha!!Dabagal Saxafadeed: Wariye Cabdi Cismaan Almis
WAJAALENEWS.COM
HARGEISA OFFICE
WAJALENEWS@GMAIL.COM
Related posts:Xukumadda Somaliland Oo Ka Hadashay Dagaal Shalay Dhex Maray Ciidamada Badda Somaliland Iyo Kuwa Jab... Qaraxyo Xoogan Oo Caawa ka Dhacay Magaalada Muqdisho Iyo Khasaaraha Dhimasho iyo Dhaawac Ee Uu So... DAAWO: Wasiirka Cusub Ee Xidhiidhka Golayaasha Iyo Tijnoolojiyada Somaliland Oo Shaaca Ka Qaaday Sab... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|