|
|||||
WAJAALE NEWS
Danyartii Guryuhu Kaga Gubteen Xaafada State-Houseka ee Magaalada Hargeysa Oo Cadeeyay In Aan Xukuumada Somaliland uga Gurmainin Masiibadii Ku Habsatey
November 25, 2013 - Written by editorMaxamed Xuseen Kaahin oo kamid ah dadka degan Xaafada State Houska, gaar ahaan kuwii aanu dabkani qabsanin oo Shabakada Wararka Wajaalenews uga waramey dhibaatada haysata dadkan danyarta ah
Hargeysa(Wajaale-news)- Boqolaal danyar ah oo guryihii hoyga u ahaa kaga gubteen dhawaan dab ku qabsadey Xaafada Satate-Houseka ee Magaalada Hargeysa oo ay degan yihiin Qoysas tira badan oo danyar ahi ayaa markii ugu horeysay cabasho ka muujiyay sida ay Xukuumadu dhagaha uga fureysatey khasaaraha kasoo gaadhey dabkii halkaa qabsadey, dhawaan mudo imika laga joogo shan iyo tobnan maalmood, waxaana halkaasi wadhan dadkii ay ka gubteen guryaha cariishyada ah ee dabku qavbsadey.
Waxaanu rajo ka ulanaynay maalintii dabku qabsadey ilaa maanta in dowladu naga caawisi hoy la,aanta nala daristey ilaahaybaa wax caawiyee laakiin waanu ku ala sugeynaa, wali wixii qadarka ahna waanu ka arki doonaa laakiin meel aanu halkan uga ciirsano iyo meel kale oo aanu tagno magaraneyno anaga iyo caruurtii maalintiina meelahaas ayaanu ka hadh galbnaa cadceeda habeenkiina gubatka ayaanu dugsnaa?Sidaa waxa tidhi Hooyo Xaali Axmed oo kamid aheyd dadkii guryaha ay deganaayeen ee buulasha ahi kaga gubteen Xaafada State-houska ee Magaalada Hargeysa iyadoo hadhwanaagnews uga warantey in aanay laheyn meel ay uga ciirsadaan.
Maxamed Xuseen Kaahin oo kamid ah dadka degan Xaafada State Houska, gaar ahaan kuwii aanu dabkani qabsanin oo Shabakada Wararka Hadhwanaagnews uga waramey dhibaatada haysata dadkan danyarta ah ee ay dhawaan guryuhu ka gubteen ayaa, sheegay in dhibaato adagi haysato dadkani oo aan wali ka dul tagin guryihii gubtey islamarkaana, aan haysan meel ay uga diga rogtaan waxaanu xusey in aanay dadkani wali helin cid uga gurmatey dhibaatada soo gaadhey ee masiibada dabka iyagoo, abaal ku qabi lahaa baco ay dhaxanta ka dugsadaan, Waxaanu Maxamed farta ku fiiqey in Xukuumadu puntland sheegtey in ay uga gurmaneyso dhibaatadii duufaanada iyo roobabka kasoo gaadhey, haseyeeshee, ilaahay ku eegayo dadkan bacaadka wadhan ee ah muwaadiniinta danyarta ah ee aan haysan hoy ay uga wareegaan kii ka gubtey.
Dhinaca kale Dadweynaha degan Xaafada State-Houska ee Magaalada Hargeysa oo intooda badan yihiin qoysas danyar ah ayaa Hadhwanaagnews u xaqiijiyay in Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan uu cuqdad ka qabo dadka degan nawaaxigan isagoo marar badan ku handadey sida ay sheegeen in ay dhismayaal doonayaan dadkani Dowladyuna aaney siin doonin, iyo arimo kale, laakiin marka laga eego dhinacyo badan , dadkani waxey u muuqdaan danyar ku dhibaateysan Gudaha Caasimada Hargeysa oo tahli waayey in ay meelo kale uga cararaan guryha ka gubtey iyo bogcada masiibadu ku qabsatey.
WAJAALE NEWS DESK HARGEISA OFFICE CONTACT US : Wajalenews@gmail.com Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|