Dahabshiil oo ku Guulaysatay Go’aan Maxkamadda Sare ee Ingiriisku ka soo saartay Dacwaddii Barclays Maxkamada oo diiday racfaan uu dalbaday Bangiga Barclays | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dahabshiil oo ku Guulaysatay Go’aan Maxkamadda Sare ee Ingiriisku ka soo saartay Dacwaddii Barclays Maxkamada oo diiday racfaan uu dalbaday Bangiga Barclays
November 6, 2013 - Written by Editor:

Maxakadda sare ee Britain ayaa ku dhawaaqday go’aan ay ka soo saartay
dacwad shirkadda Dahabshiil ka gudbisay Bangiga Barclays oo hore u
shaaciyey inuu joojinayo adeegyada xawilaadda lacagaha ee Dahabshiil
oo ah shirkadda ugu wayn dhinaca xawilaadaha lacagaha ee qaaradda
Afrika.

Go’aanka Maxkamaddu soo saartay waxay ku amartay Barclays in aanu
xidhi karin adeegga xisaabeed (account) ee shirkadda Dahashiil ku
leedahay Bangigaasi ilaa inta si rasmi ah go’aan maxkameed looga soo
saarayo arrintan, taas oo guul wayn u ah guud ahaan dadka Soomaalida
ah iyo macaamiisha shirkadda ee daafaha dunida oo eheladooda ku nool
Ingiriisku lacagaha u mariyaan Dahabshiil.

“Waxaannu si aad ah ugu faraxsanahay in maxkamaddu aqoonsatay culays
ay leedahay dacwadayadu, tani maaha guul u soo hoyatay Dahabshiil oo
keliya, balse waa guul iyo war wanaagsan oo ay heleen malaayiin
Soomaali iyo Afrikan ah, kuwaas oo noloshoodu ku tiirsanayd adeegga
xawilaadda lacagaha aannu sida saxda ah u dirno. Macaamiisha
Dahabshiil waxa uu go’aankani uga dhigan yahay inay sii wadataan
isticmaalka adeegga xawilaadda ee Dahabshiil mustaqbalka.” Sidaa waxa
lagu yidhi war-saxaafadeed ku qornaa luuqadda Ingiriisiga oo
Maareeyaha Guud ee shirkadda Dahabshiil Mr. Cabdirashiid Maxamed
Siciid soo saaray go’aanka maxkamadda kadib.

Waxa kale oo maxkamaddu xukuntay in Bangiga Barclays bixiyo
kharashaadkii shirkadda Dahabshiil kaga baxay muddadii ay ku jirtay
dacwadda maxkamadda, iyadoo sidoo kale garsooraha maxkamaddu diiday
racfaan Barclays dalbaday inuu ka qaato xukunka ka soo baxay
Maxkamadda Ingiriiska.

Maareeyaha Guud ee Dahabshiil waxa uu sharraxaad ka bixiyey muhiimada
uu leeyahay adeegga ay bulshada u qabtaan, waxaannu yidhi, “Waxa
muhiim ah in la xasuusnaado in aanay shaqadayadu ganacsi keliya ku
eekayn, balse waxaannu bixinaa adeegyo aasaas u ah nolosha Soomaalida
iyo dad kale oo badan oo ku nool dalalka kale ee Afrikaanka. Waxaannu
u suurtogelinay Soomaalida inay is caawiyaan, iyagoo guud ahaan
cidhifyada adduunyada lacago uga xawila qaraabadooda iyo asxaabtooda
ku nool degaannada Soomaalida, taas oo ay ku dabbaraan cuntada, dawada
iyo lacagaha waxbarashada. Sidoo kale, xawilaadda lacagaha waxa loo
adeegsadaa maalgashiga iyo abuuritaanka ganacsiga iyo hantida lagu
noolaado, iyadoo hay’adaha gargaarka bini’aadanimo sida Oxfam iyo kuwa
Qaramada Midoobay ay lacagaha mucaawanada ah ka dirdadaan Dahabshiil.
Arrinta kale ee lacagaha aannu xawilnaa ka caawiyaan Soomaalida sidii
gacaheeda dib isugu taagi lahayd, ugana bixi lahayd colaadaha iyo
xaaladaha nabadgelyo darro ee wehelka u noqday 20-kii sanno ee la soo
dhaafay.”

Dacwadda shirkadda Dahabshiil ku oogtay Bangiga Barclays waxay ku
salaysay in aannu Bangigu suuqa uu gaarka ku yahay ugu takrifalin si
qalad ah oo uu ku xidhayo xisaab-maaliyadeedka Dahabshiil oo muddo 15
sanno ah wadashaqayn lahaayeen, isla markaana aannu keenin wax caddayn
ah oo sabab u noqda inuu joojiyo adeeggooda.

“Dahabshiil waxay u hoggaansan tahay dhammaan shuruucda iyo
qawaaniinta jira, iyadoo ku kalsoon nidaamka adag ee aannu ku
shaqayno. Sida adage e aannu ugu dhaqano shuruucda waxa
markhaati-kacaya xidhiidhka wadashaqayneed ee aannu wadaleenahay
hay’adaha Qaramada Midoobay iyo NGO-yada caalamiga ah ee horumarinta.
Sidoo kale kalsooniyadu waa ta keentay in aannu dacwaddayada keenno
maxkamadda sare ee Ingiriiska,” ayuu yidhi Mr. Cabdirashiid Maxamed
Siciid.

wajaalenews.com

hargeisa office

wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS