|
|||||
WAJAALE NEWS
Dagaal laba Jilib ku dhex maray Badhan oo sababay dhimasho iyo dhaawac
November 1, 2013 - Written by Editor:Badhan(wajaalenews) dagaal xalay laba Jilib oo beesha Warsangeli ku dhex maray magaaladdaBadhan ee Gobolka Sanaag Barri ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac labada Reer kala gaadhay. Sida uu ku soow aramayo wariyaha Wajaale ee Gobolkaas waxa dagaalkaas ku dhintay Haweenay, afar qof oo midi gabadh tahayna way ku dhaawacmeen. Maydka gabadha dhimatay ayaa wali yaala Cisbitaalka Badhan, halka dadka dhaawaca ah oo xaaladoodu cuslayd loo kala diraya Boosaaso iyo Gaal-kacayo si loogu daweeyo. Labada Jilib ee is-dilay oo kala ah Aadan Yacquub iyo Maxumud ayaa isku adeegsaday Rasaas kadib markii xal loo waayay Gar ka dhalatay Gabadh ka soo jeeda labada Beelood midkood oo la daw marin waayay beeshii ay ka soo jeeday.
Xaalada labada Beelood ayaa wali taagan illaa hadana waxa khilaaf ka taagan yahay Aaska Gabadha dhimatay oo ay diidan tahay beesheedu in la Aaso hadaba wixii kasoo kordha xaalada colaadaa kala soco wajaalenews,com Related posts:"Somaliland Qaran U Baahan Hogaaminta Jiil Cusub Oo Dhamaystiran Iyo Hiigsiga Shacabka". Gudoomiye k... Halkan Ka Daawo-Mid Kamida Beelaha Dega Gobolka Gabiley Oo Maanta 10 Baabuur iyo 10 Xafiis Ku Wareej... Daawo:Madaxweynaha Somaliland Oo Kulan Isugu Yeedhay Sadexda XIsbi Qaran Iyo Shirgudoonka Wakiilada COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|