Dadweynaha Reer Somaliland oo Isweydiinaya Maalmahan Dambe Saleebaan Gaal Ma Gudoomiyaha Guurtidaa Ma Xisbiga Kulmiyaa Mise Waa Gudoomiyaha Beeshiisa(faalo) | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dadweynaha Reer Somaliland oo Isweydiinaya Maalmahan Dambe Saleebaan Gaal Ma Gudoomiyaha Guurtidaa Ma Xisbiga Kulmiyaa Mise Waa Gudoomiyaha Beeshiisa(faalo)
November 25, 2013 - Written by editor

 

Qeybaha kala duwan ee Bulshada Somaliland gaar ahaan inta had iyo jeer falanqeeya Arimaha Siyaasada ee aqoonyahanka, waxagaradka, iyo dhalinyarada, ayaa siweyn u qaadaa dhigay maanta

Hargeysa(WJN)-Tan iyo intii ka dambeysay soo dhex galkii Gudoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan(Saleebaan-Gaal) uu kusoo dhex galey Arimaha ka dhex taagan Xisbiga Kulmiye waxa dhegaha dadweynaha kusoo dhacayay go,aano iyo talooyin uu ku amrey dhinacyada indhawaale ku kala qaybsanaa loolanada Xisbiga Kulmiye ee hogaanka Xisbiga iyo Golaha Wasiirada ka kala socdey arimahaas oo aaney bulshadu aad uga daba tagin markii hore loona nisbeeyay in uu ku dhex galey nidaam guurtinimo ama odey ahaaneed si aan murankoodu u qadhaadhaanin.

 

Qeybaha kala duwan ee Bulshada Somaliland gaar ahaan inta had iyo jeer falanqeeya Arimaha Siyaasada ee aqoonyahanka, waxagaradka, iyo dhalinyarada, ayaa siweyn u qaadaa dhigay maanta isweydiinta ku sahabsan nidaamka Gudoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan(Saleebaan-gaal), uu indhawaale marba dhinac uga soo galayay xaajada ka dhex aloosan Xisbiga Kulmiye kadib markii maanta bogaga hore ee Wargeysyada iyo Warbaahinta kale ee kasoo baxda dalka gaar ahaan Caasimada Hargeysa laga milicsadey ka odayeynta Arimaha Xisbiga Kulmiye ee Saleebaan Gaal, inkastoo hadalheynta arintani ay Dadweynuhu ku kala aragti duwan yihiin taas, oo loo badinayo in Gudoomiyaha Golaha Guurtida soo dhex galka Arimaha iyo khilaafaadka Xisbiga Kulmiye dhexdiisu ay sabab u yihiiin laba qodob oo kala ah mida carabka loo badinayo ee beel ahaaneed, iyo midka kale oo ah kii tuhunka ahaa ee in Wusarada laga qabto durdurada ay la jiidhayaan Mujaahidiinta kusoo hadhey Hogaanka Xisbiga Kulmiye haseyeeshee,fikirka muuqda wakhti xaadirkan iyo su,aasha badan ee dadweynuhu aad

bay uga duwan yihiin malihii markii hore loo badinayay inkastoo ay dadka qaar ku adkeysanayaan in faragalinta ugu weyn ee Gudoomiyaha Guurtidu ku dhexdhexaadinayo Xisbiga kulmiye ku kooban tahey talo beeleedd taas oo lagaga tusaale qaadanayo marka loo eego asbaabihii uu uga odayeyn waayey Madasha Wadatashiga iyo Toosinta Qaranka iyo murankii inta doorka ahaa u dhexeeyay Xukuumada oo Saleebaan mujaahidiintii mowduucaa wadey mar walba ka taageerayay Xukuumada Siilaanyo iyo halka ay iska taagtey mowduucaasi isagoo ka Hadley laba jeer oo uu dlka kusoo gurya noqdey, iyadoo ay u banaaneyd sida ay dad badani aaminsan yihiin in u isku soo dhaweeyo labada dhinac.

 

Sikastaba ha haatee, inta ugu badan ee Dadweynaha Somaliland gaar ahaan bulshada ku dhaqan Caasimada Hargeysa ayaa si weyn isu weydiinayay maanta dhexdhexaadinta Gudoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan-gaal ka dhex wado Xisbiga Kulmiye taas oo marka xaqiiqiyan loo eego Siyaasad ahaan iyo dhaqan ahaanba ay xaaraan

noqoneyso hadii Gudoomiyaha Guurtidu nidaam beelnimo iyo dano beel ahaaneed labadaba ku dhexdhexaadiyo arimaha Xisbiga Kulmiye maadaama Madexweyne Siilaanyo oo Xisbiga Kulmiye ku faa,isey islamarkaana, wadanka ka ah Madexweyne uu goob joog yahey taas oo marka ay arimuhu soo dhaafaan isaga(Madexweynaha), ay suurtagal noqon laheyd in markaa fursadi uga banana tahey Gudoomiyaha Guurtida Somaliland odayeynta

wakhtigan, waxaanay xiligan dad badani saluugsan yihiin nidaamka beelnimo ee Saleebaan ku kalifey faragalinta khilaafaadka Xisbi xaakimka Kulmiye, waxaanad goob kasta oo kamid ah goobaha dadweynuhu ku kulmaan ee caasimada Hargeysa ka maqleysaa su,aalaha la iska weydiinayo Gudoomiyaha Guurtida arinta Xisbiga Kulmiye,

?Saleebaan-gaal ma Gudoomiyaha Guurtidaa mise waa Duqeyda Xisbiga Kulmiye, mise waa Gudoomiyaha Beeshiisa iyo su,aalo kale oo badan.

 

Gudoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland ee wakhti xaadirkan Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa markii hore Kursigan Guurtida ku fuuley isagoo kamid ah Xubnaha ugu ad-adag ee Xisbigii burburey ee Udub kadib markii uu Doorashadii Madaxtooyada ee Sanadkii 2003dii bishii abril ka dhacdey dalka Somaliland Madexweyne Siilaanyo uga dhaartey sanaaduuqda deegaanadii uu kasoo jeeday ee Balicalanle iyo meelo kale taas, oo Madexweyne Rayaale ugu abaalgudey Kursiga hogaaminta Golaha Guurtida intii ka horeysay Shirkii Gar-Adag inkastoo Saleebaan iyo Rayaale dagaal adagi ku dhex marey markii dambe hogaaminta Golaha Guurtida wakhtigaas oo ku beegneyd markii uu Saleebaan gaal ka badheedhay taageerada beesha uu kasoo jeedo ee Siilaanyana lagu heshiisiiyay Shirkii Gar-Adag ee Beesha Habar-jeclo.

WAJAAALE NEWS DESK

CONTACT US : wajalenews@gmail.com

 

COMMENTS
LINKS