Dadweynaha Ku Dhaqan Magaalada Tog-Wajaale oo Ka Deyrinaya Biyo La´aan Culus oo Soo Foodsaartey iyo Maamulka Deegaankaas oo Afka Ka Xidhey | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dadweynaha Ku Dhaqan Magaalada Tog-Wajaale oo Ka Deyrinaya Biyo La´aan Culus oo Soo Foodsaartey iyo Maamulka Deegaankaas oo Afka Ka Xidhey
November 24, 2013 - Written by editor

Qeybo badan oo kamid ah Bulshada kala duwan ee kunool Gudaha Magaalada Tog-Wajaale oo Warbaahinta uga waramey Xaalada Biyo la,aaneed ee soo food saartey wakhti xaadirkan ayaa guud ahaanba ka deyriyay biyo la?aanta

Tog-Wajaale(Wajaale-News)-Magaala xuduudeeda u dhexeysa Itoobiya iyo Somaliland  ayaa dhinaca daanta Somaliland oo ay ku nool yihiin kumaan qoys iyo Gnacsato tira badani ayaa waxa kasoo yeedhaya qeylo dhaan xoogan oo ay dadweynaha kunooli si cod dheer ah ugaga qeylyayaan biyo la,aanta ka taagan halkaasi, oo sanadba sanadka ka dambeeya kusii xoogeysaneysa. 

Qeybo badan oo kamid ah Bulshada kala duwan ee kunool Gudaha Magaalada Tog-Wajaale oo Warbaahinta uga waramey Xaalada Biyo la,aaneed ee soo food saartey wakhti xaadirkan ayaa guud ahaanba ka deyriyay biyo la?aanta halkaasi ka jirta oo sanadba sanadka ka dambeeya kasii xumaata sidii awal hore iyadoo xiligana iyadoo aan la gaadhin  dabayaaqada jiilaalka wakhtigan laga cabayo balayada kuyaala Dhinaca Somaliland ee Aw Jaamac iyo Axmed Xuseen Kooshin, kuwaas oo xiligan qiimaheeda foostada niyaha ahi kor ugu kacey labanlaab.

 

?Horta Tog-Wajaale iyo Biyo la,aan ilaahay ayaa is badey marka hore laakiin dadweynuhu waxey ka gam,i laayihiin balanqaadkii beenta ahaa ee sadex sano ka hor Xukuumada Siilaanyo ugaga dhawaajisey in laba milyan oo lacagta dollarka Mareykanka ah oo loogu soo galinayo Biyaha loogagana soo qaadi doono Tuulada Botor ee ceelalka Biyaha badani kuyaalaan oo 19km waqooyi ka xigta Tog-Wajaale.

 waana sadex sano oo been ah oo aan loo fadhiyin lagamana sugayo waa lagu gaagixiyay dadka Reer Tog-Wajaale oo maanta iyo bari midna ugama fadhiyaan Siilaanyo iyo xukuumadiisu in ay Tog-wajaale biyo galiso laakiin waxaan odhan lahaa waar dhagax kasta oo halkan la dhigo waxa Reer Wajaale u dhaama Biyo galin biyo galintiina allaanu ka sugeynaa?Sidaa waxa Yidhi Axmed C/qaadir oo kamid ah dadweynaha Rasmiga u degan Magaalada Tog-Wajaale ee kutaala Xuduuda u dhexeysa Itoobiya iyo Somaliland.

Waxa kale oo iyaguna si gooni gooni ah uga Hadley xaalada Biyo la,aanta adage e xiligan soo foodsaartey Tog-Wajaale haweenka iyo maatida kunool Magaaladaasi oo sheega in inta badan ay kala kulmaan biyo laa,ntani dhinaca caafimaadka oo biyaha wasakheysan ee balayadu saameyn ku yeeshaan caruurta iyo caafimaadkooda, iyo fikirka warwarka iyo walaaca had iyo jeer waalidiinta ka haysta dhibaatada biyo la,aanta ah ee joogtada u noqotey Reer Tog-wajaale.

 

Dhinaca kale Maamulka Degmada Tog-Wajaale ayaa dhagaha ka fureystey cabashooyinka kasoo yeedheysa bulshada Reer Tog-Wajaale inkastoo Gudoomiyaha Tog-Wajaale Xaashi Muxumed Cabdi dhawaan kasoo laabtey Xajka oo uu sanadkan ku soo gutey waajibaadkiisii, iyadoo maalmahana aad looga hadalhayay Wajaale dhismihii jidadka eek a joogsadey Gudaha Magaalada kuwaas oo lacago badan lagaga ururiyay Ganacsattada. 

haseyeeshee, aan intoodii badneyd loo dhisin sidii la rabey hal km oo Daamur ahna laga leexiyay jidka Wadnaha murana ka taagan yahey halka la marinayo jidkaasi.

WAJAALE NEWS DESK

CONTACT US : Wajalenews@gmail.com

Wajaale Office

COMMENTS
LINKS