Dad Waynaha Reer Burco Oo Digniin Iyo Ogaysiin Isku Jirta U Diray Xisbiyada Wadani ,Ucid Iyo madasha Wadatashiga Una Sheegay Inaan Burco Shir Dagaal ka Rida Lagu Qabanayn Ee Hargeysa Loola Beedho | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dad Waynaha Reer Burco Oo Digniin Iyo Ogaysiin Isku Jirta U Diray Xisbiyada Wadani ,Ucid Iyo madasha Wadatashiga Una Sheegay Inaan Burco Shir Dagaal ka Rida Lagu Qabanayn Ee Hargeysa Loola Beedho
November 29, 2013 - Written by Wariye:

burcoBurco(Wajaale News ):–Dadwaynaha reer togdheer ayaa aad Uga soo hor jeestan shirka Qaran ee ay xisbiyada mucaaridka ah ucid Iyo wadani ku baqeen in Magalada Burco lagu qabto Taas oo ay Shirar jaraa’id oo ay maalmaha ku qabanayeen gobolka ku sheegay :-Shabakada wararaka ee caalamiga ah QoryaaleNews .com ayaa waxay samaysay rayi ururin ku wajahan shirkan qaran ee galiyay khalkhalka amaanka gobolka Iyo guud ahaan dalka somaliland:-

 

Waxaanu u kuur galay sida ay shacabka reer togdheer gaar ahaan Caasimadiisa gobolka ee Burco ya ka qabaan qabashada shirka ay soo xawishay madasha Wadatashiga kaas oo ay ku wareejiyay Inay qabtaan labada xisbi ee mucaarad wadani Iyo ucid!! Golaha la baxay Golaha Wada tashiga Iyo toosinta qaranka lagana badalay magacaa markii uu dadka u cuntami waayay madaama aanu ahayn sharci ee uu yahay kooxo ku mucaaradaya xukumada uu gadh wadeenka ka yahay Madaxwane Axmed Maxamed Maxamuud (siilaanyo) sidoo kale waxaa uu ka soo hor jeeda dastuurka somaliland oo aan ogalayn waxaan ahayn 3 gole ee Qaran :-

 

Golaha madasha wadatashiga ayaa si xawilan ugu wareejisay labada xisbi ee mucaaridka ah waxaanay Sheegeen Inay Burco ku qaban Donaan in kastoo aanay si cad wali ugu Dhawaaqin madaxa xisbiyada mucaaradka ahi Lakiin uu xisbiga wadani tageerayaasha Burco Sheegen Inay Marti galinayaan shirka qaran lagana soo raro Hargeysa Iyo nawaaxigeedda .

 

Dadwaynaha gobolka togdheer gaar ahaan Burco ayaanu la dhex qaadnay makarafoonka si aanu wax Uga waydiino rayigooda ku aadan shirka Qaran ee xisbiyada mucaaridka ahi Sheegeen in Burco lagu qabanaayo waxaanay boqolkiiba lixdan 160% ka soo hor jeestay in Burco lagu qabto shirka waxaanay carab dheer ku Canbaareeen in shirka dhibta u keenaya bulshada walalaha ee ku dhaama gobolka togdheer gaar ahaan Burco lagu soo xawilan shirka ee laga digtoonado ,waxaana wax lala yaabo ku tilmaamen in raga Burco jooga ee sheeganaya gudiga shirka ay codsadaan in shirka qaran ee aan sharciga ahayn lagu qabto Magalada Burco lagana soo wareejiyo Hargeysa:-??

 

Axmed guuled oo fadhiyay meel shaaha lagu cabo casariyaha Magalada Burco ayaa waxaa uu yidhi shir Qaran hadii ay Xukumadu ku dhawaaqdo waxaba Kama qabo hadii ay labada xisbi ee Qaran ee mucaaridka ahi rabaan in la qabto waanu soo dhawayn lahayn Lakiin nimanka sheegtay Inay yihiin madasha Wadatashiga uma ogalaan doono soo galida magaalada burco Iyo gobolka togdheer toona waxaana ay Burco ka heli Donaan jawaab fiican .

 

Mid ka mida dad dhiibanaay rayigooda oo lagu Magacabo Hasan aw Cali oo sheegay in xukumada looga baahanyahay sugida amaanka Iyo ka ilaalinta Isku dhaca shacabka waayo buu yidhi hadii laysku dayo in shir Burco lagu qabto waxaa ka dhici doonta amaan daro Iyo Isku dhac dadka magaalada Wada dega dhexmari doonta,Dhinaca kalena waxaa uu guudka u saaray dhibaato kasta oo uu keeno Isku dhaca shacabka togdheer labada xisbi ee mucaaradka ah “.

 

Isku soo Wada duu-duubo dadwaynaha reer Burco ayaa aad Uga soo horjeesatay baaqa shirka Qaran ee la sheegay in laga yaabo oo laysku dayo in Burco lagu qabto waxaana ka iman kara dagaal sukeeye oo ka qarax magaalada Burco layskuna weeraro laba dhinaca ee Wada dega magaalada . Dhinaca dawlada ayaa aad Uga soo horjeesatay shirka ay xisbiyada mucaaridka ahi ku dhawaaqeen waxanay Sheegeen inaan marna laga yaabin in la qabto gacan birana ay ku qaban Donaan cidii Isku dayda Inay qabto shirka Qaran,Labada xisbimucaarad ee ucid Iyo wadani oo ay waheliyaan golaha madasha wadatashiga ayaa ku adkaysanaaya Inay qaban Donaan lamana garanaayo halka ay ku biyo shuban

Wajaale News
Hargaysa Office
Info:wajalenews@gmail.com
Reporter:Abdiqadir Abdiraxman Habane

COMMENTS
LINKS