Dad Lagu Qiyaasay ilaa 100 qof oo ku dhimatay Puntland ka dib roobab dabeylo wata | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dad Lagu Qiyaasay ilaa 100 qof oo ku dhimatay Puntland ka dib roobab dabeylo wata
November 11, 2013 - Written by editor

Madaxweynaha Puntland, Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Faroole ayaa sheegay inay roobabka ku dhinteen 100 qof, sidoo kalena ay ku baaba’een kumannaan xoolo ah………

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Ga roowe  (Wajaale-News) Maamulka Puntland ayaa maanta ka hadlay khasaaraha kadhashay roobab dabaylo wata oo ku dhuftay deegaannada Puntland ee ku teedsan xeebta bad-weynta Hindiya.
Madaxweynaha Puntland, Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Faroole ayaa sheegay inay roobabka ku dhinteen 100 qof, sidoo kalena ay ku baaba’een kumannaan xoolo ah.

Faroole ayaa ku dhawaaqay xaalad deg-deg ah oo soo wajahday Puntland, wuxuuna magacaabay guddi heer maamul ah oo u xilsaarnaan doona wax-ka-qabashada xaaladda.

Waxaa kaloo uu sheegay in maamulka Puntland uu diyaariyay daawo, cunto iyo agab kale oo loogu gurmanayo dadka ay dhibaatadu soo garatay, ayna daabuli doonaan ciidamada badda ee Puntland.

Deegaannada ku dherersan xeebta badweynta Hindiya ee hoos yimaada degmooyinka Bandar-bayla iyo Eyl ayaa ugu badan meelaha uu khasaaruhu ka dhacay.

 

 

WAJAALE NEWS DESK

CONTACT US : Wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS