|
|||||
WAJAALE NEWS
Dad Caawa Ku Dhaawacmay Rasaas Uu Nin Hubaysanni Oodda Kaga Qaaday Garoonka Caalamiga Ah Ee Diyaaraddaha Ee Magaaladda Los Angeles , Duullimaadyaddii Oo La Hakiyay Iyo Obama Oo Ka Hadlay.
November 2, 2013 - Written by Wariye:Los Angeles International Airport(Wajaale News)- Dhawr qof ayaa ku dhaawacmay garoonka caalamiga ah ee diyaaraddaha ee magaaladda Los Angeles (Los Angeles International Airport), ee dalka Maraykanka, kaddib markii nin hubaysanni uu rasaas oodda kaga qaaday garoonka. Saraakiisha ammaanka ayaa sheegay in ay xabsiga u taxaabeen nin lagu tuhmay in uu weerarkan ka danbeeyay. Saraakiisha maamulka garoonka ee qaabilsan waaxda (The Transportation Security Administration), ayaa xaqiijiyay in dadka ku dhaawacmay toogashaddan uu ku jiro mid ka mid ah hawl-wadeenadoodda. Gaadiidka gurmadka deg-dega ah iyo ciidamo aad u hubaysan oo ka tirsan booliska ayaa isku markiiba soo gaadhay goobta oo isku gadaamay oo dadkii rasaastan ku dhaawacmay ula carary cusbitaaladda., waxaanay saraakiisha boolisku ay baadhayaan dhamaan qeybaha kala duwan ee duulimaadyadda iyo dhismaha garoonka. Sidoo kale, waxa lagu soo waramayaa in dhammaan dadkii rakaabka ahaa ee garoonka ku sugnnaa laga daad gureeyay goobta, qaar kale oo ka mid ahina ay ku sugan Runway-ga garoonka. Af-hayeen u hadlay ciidamadda ammaanka ee garoonka diyaaraddaha ee Los Angeles, oo lagu magacaabo Norma Eisenman, ayaa goor dhawayd warfidiyeenadda in gacanta lagu dhigay ninka lala xidhiidhinayo in uu weerarakan ka danbeeyay, kaddib markii uu rasaasta ku furay gudaha geydhka ammaanka ee Terminal 3-ga garoonka. Maamulka Federaal-ka ee qaabilsan duulista hawadda (The Federal Aviation Administration), ayaa sheegay in la joojiyay duullimaadyaddii soo cago dhigganayay iyo kuwii ka duullayay garoonka. Weerarkan ayaa lagu soo waramayaa in ay ka dhacday garoonka saacaddu markay ahayd abaaro 9:30 local time (16:30 GMT). wakhtiga Maraykanka, waxaanay saraakiisha ammaanka qaabalisani ay sheegeen in socdaan baadhitaano xoog lehi. Dad goob joog ah ayaa caawa u sheegay wakaaladda wararka ee AP, in ay goobta weerarkani ka dhacay ay ka maqlayeen dhawaqa dayaanka rasaasta oo hadh beeshay taas oo si toos ah ugu dhacaysay gudaha kadinka hore ee ammaanka ee Terminal 3-ga. Madaxweynaha dalka Maraykanka iyo guriga cad ayaa si kooban uga hadlay dhacdaddan weerarka ah ee ay tiradda dadka ahi ku dhaawacmeen.
Wajaale News Related posts:Xilka Qaadiska Jaamac Shabeel Oo Laga Cabsi Qabo In ay Soo Dedejiso Khilaaf Culus Oo Ka Dhex Qarxa X... Ururka Qurban Oo Deeq Adhi iyo Geel Isugu Jira U Qaybiyay Dadka Barakacayasha Ah Ee Magalada Burco Gudoomiye Kuxigeenka Kowaad Ee Xisbiga kulmiye Oo Kulamo La Qaatay Qaybaha Kala Duwan Ee Bulshada Ar... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|