|
|||||||
WAJAALE NEWS
Daawo Vedio :Burco: Madaxdhaqameedka iyo Waxgaraka Gobolka Togdheer oo markii ugu horeysay Jawab kulul siiyey xildhibaanada Golaha Deeganka Burco ,Badhasabkana Xaal ka siiyey eedeyntii Xildhibanadu u soo jeediyeen
November 5, 2013 - Written by editorWaa markii ugu horeysay ee ay arrinkan ka hadlaan qaar ka mid ah Madaxdhaqameedka iyo waxgaradka Gobolka Togdheer tan iyo markii 2 maalmood ka hor ay dhowr iyo toban xildhibaan cabasho ka gudbiyeen badhasabka gobolka.
Madaxdhaqameedka iyo Waxgaraka Gobolka Togdheer oo markii ugu horeysay Jawab kulul siiyey xildhibaanada Golaha Deeganka Burco , Badhasabkana Xaal ka siiyey eedeyntii Xildhibanadu u soo jeediyeen Waxgaradka, Cuqaasha, dhalinyarada iyo Aqoonyahanka Gobolka Togdheer ayaa Maanta shir Jaraa?id oo ay ku qabteen Hotel Deero ee magaalda Burco, waxay ku canbaareeyeen qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha Degaanka Degmada Burco oo dhawaan badhasaabka Gobolka Togdheer warbaahinta ku eedeeyay, Masuliyiinta shirkan Jaraa?id Ku qabtay Gudaha Magaalada Burco ayaa Golaha Degaanka Ku Tilmaamay inay yihiin kuwo aan shaqadoodii loo soo Dooratay Garanayn, islamaarkaana hadaladan Golaha Degaanka kasoo yeedhay ka raali galiyey Badhasaabka Gobolka Togdheer Md. Axmed Cumar X.C/laahi Xamrji, waxaanay sheegeen inay xaal faras ah ka siinayaan arintaas lagula kacay Badhasabka. ChiefCaaqil Cali aadan Afwarnle oo u gu horay shirkaas Jaraa?id ka hadlay ayaa sheegay in Cid kasta oo Soomaalida ama bulshada xil u qabataa aanay ammaan helayn, wixii badhasabka lagu yidhina ahaa hadalo gef iyo khalad ku ah badhasabka, ayna ka bixinayaan Xaal Gole waxanu yidhi ?Anigoo ku hadlaya Afka Cuqaasha iyo ka reer Togdheerba waxaan halkan kaga raali galinayaa Badhasaabka Gobolka Togdheer Axmed Cumar X.C/laahi (Xamarji) hadal ka soo yeedhay qaar ka mid ah Xildhibaanada Degaanka Burco oo ay warbaahinta ka sheegeen , waxaan leeyahay Badhasaab hadalkaas raali ka Noqo oo u dul qaado waxaanan kaa siinaynaa xaal Gole oo xaal Faras ah, dadka cida Xil u qabataa ka amaann heli mayso oo anaga oo cuqaal ah baa ka eed la?aan waynay, waxaana ku leeyahay waliba Innamada waani oo wax u sheeg, hadaanu reer Burco nahayna arintaas waanu ka wada Xumaanay waana ka simanahay inaanu xaal ka Bixino una Noqonmayno? ayu yidhi.
Caaqil Nuur X.Cabdilaahi ayaa isna halkaas ka sheegay in waxa xildhibaanada degaanka iyo badhasabka dhex maray aanay ahay siyaasad iyo wax la mid ah balse ay ahayd arrin nabad gelyo , Nabadgelyada ay ku shaqo leedahay oo xilka ugu weyni ka saaranyahay Dawladda Dhexe waxanu yidhi ?waxaan leeyahay waxan ay isku hayaan waa arin nabadgelyo ee siyaasada dibada waxaa iska leh Dawlada Dhexe, kuma shaqo laha degaanku ee wixii uu ku shaqo leeyahay ha garto ee loo doortay,halkaas wixii ka dhacay ee ay innamadu sameeyeen ee ay inamada degaanku Badhasabka u gaysteen xaal baanu ka Bixinay,waayo anagaa dooranay oo meesha keenay? ayu yidhi caaqilku. Aqoonyahan Mijir Qaadi Maxamuud oo isna halkaas ka hadlay ayaa sheegay inay xildhibaanada isaga khaldantay shaqadii ay lahaayeen ee loo doortay iyo tii Dawladda Dhexe waxana hadaladiisii ka mid ahaa ?waxaan leeyahay inamadan Golaha degaanku waa inay kala gartaan dawlada Sare iyo dawlada hoose inay kala shaqo yihiin, waxaanu usheegaynaa dawalda hoose saddex nin uun baa badhasaabka la shaqayn kara waa maayarka, ku xigeenka iyo Xoghayaha, inta kale waxaan leeyahay waataas magaaladii roobku kharribaye haka shaqeeyaan, Badhaabkana waxaan leeyahay nin xilqaaday eed qaad dul qaado wixii ku soo gaadha? Aqoonyahan C/raxmaan Maxamuud gaade? ayaa isna xildhibanada golaha degaanka u soo jeediyey inay waxay ka qabtaan Nadaafadda Magaalada iyo Garanwaga Waddooyinka xidhay waxanu yidhi ?idiin maanan dooran inaad Badhasaabka qoorta iskaga Duubtaan ee waxaanu idiin dooranay inaad Garanwaaga wadadii Xidhay iyo nadaafada ka shaqaysaan,Xilkaas kasoo baxa oo qabta, hawl baa idiin taala,arintan aad samayseena Gobolkoo dhan baanu xaal ka siinaynaa? ayu yidhi Caaqil cumar Axmed Duruje, Caaqil Yaasiin Axmed Yool, Caaqil C/raxmaan Ruug dhige, Caaqil saxardiid, Aqoonyahan Cabdi Maxamuud Qaloonbi, Aqoonyahan C/risaaq Nuur Caraale, iyo Amiir Cismaan Ismaaciil, ayaa iyana dhamaantood sheegay inay ka Xunyihiin Aflagaadada Badhasaabka lagula kacay iyo eedaynta ay qaar ka mid ah Golaha Degaanku u soo jeediyeen ,waxaanay Golaha Deegaanka Ugu baaqeen inay xilkooda gartaan, iyagoo Golaha Degaanka Ku tilmaamay inay shaqadoodii Dayacantahay islamarkasna aanay wacnayn inay sidan cid ku canaantaan ee marka hore iyagu is basriyaan. Waa markii ugu horeysay ee ay arrinkan ka hadlaan qaar ka mid ah Madaxdhaqameedka iyo waxgaradka Gobolka Togdheer tan iyo markii 2 maalmood ka hor ay dhowr iyo toban xildhibaan cabasho ka gudbiyeen badhasabka gobolka togdheer iyago sheegay inaanay la shaqayn karayn badhasabka gobolka, iyadoo badhsabkuna aanu arrintaasi wax jawaab ah ka bixin kana gaabsaday inu u jawaabo xildhibaanada cabashada ka gudbiyey. HALKAN KA DAWO VIDEO
WAJAAALE NEWS DESK BURCO OFFICE CONTACT US : Wajalenews@gmail.com Related posts:Eheladda Cawo Cabdirasaaq Oo Dhawaan Jidh Dil Loogu Gaystay Magaalada Boorama Oo Ka Waramay Xaalade... DAAWO;-Waraysi Dhinacyo Badan Taabanaya Oo Lala yeeshay Safiir Kuxigeenka Jsl Ee Dalka Itoobiya DAAWO;-Madaxwaynaha Biixi Oo Khudbad Ka Jeediyay Wajigii labaad Ee Wadahadalada Somaliland Iyo Somal... COMMENTS
|
LINKS
|
||||||
|