Ciidamadada SPU-da Oo Maanta Qadar Daqiiqado Ah HaKad Galiyey Dhaq-dhaqaaqa Cusbitaalka Guud Ee Hargeysa | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Ciidamadada SPU-da Oo Maanta Qadar Daqiiqado Ah HaKad Galiyey Dhaq-dhaqaaqa Cusbitaalka Guud Ee Hargeysa
November 7, 2013 - Written by Wariye:

ciidamada spudaHargeysa(Wajaale News) -Ilaa saddex baabuur oo ay wateen ciidamada Birmadka ee SPU-da oo ay wateen saraakiil sar sare oo ka tirsan ciidanka Booliska ayaa barqo nimadii maanta qadar daqiiqado ah ha kad galiyey dhaq-dhaqaaqa isu socodka gudaha cusbitaalka guud ee Hargeysa,baabuurtan oo ilaa saddex kuwa ay adeegsadaan ciidamadu oo ay buux dhaafiyeen ciidamada mada birmadku ayaa waxa ay iyaga oo xawaare aad u sareeya ku soconaya ka soo galeen kadinka laga galo cusbitaalka guud,wariye ka tirsan shabakadda Wajaalenews oo wakhtigaa goob joog ahaa ayaa sheegay in markii ay ciidamadaasi gudaha u galeen cusbitaalka anay haba yaraatee wax hadal ahi dhexmarin masuuliyiinta cusbitaalka,ayadoo markii ay muddo daqiiqado ah ay gudaha ugu jireen xarunta cusbitaalka saraakiishii wadatay askataasi ku amray in ay baabuurta fuulaan ayagoo halkaasi si deg deg ah uga baxay,iyaga oo wakhtigaasi ay halkaasi joogeen ay saraakiil watay ciidankaasi si xidhiidh ah u isticmaalayay khadka  ay ku xidhiidhaan ciidanku ee u gaarka ah.

Ma jiraan warar rasmiya oo sheegaya sababta keentay ciidanku in ay gudaha u soo galaan xayn daabka cusbitaalka,ayagoo ka gaabsaday masuuliyiinta cusbitaalku iyo saraakiishii ciidankan hogaaminayey in ay faah faahin ka bixiyaanu jeedada hawl galkan,balse warar kale ayaa sheegaya in ciidanka uu qof wacay isla markaana uu cusbitaalka war dhiilo ah uga sheegay sidaasina ay ku soo baxeen oo ay hada ciidamadu ku raad joogaan isagii.

Si kastaba ha ahaatee dadkii ku sugnaa wakhtigaasi cusbitaalka ee u badnaa shaqaalaha iyo dadwaynihii kale ee iyagu soo booqanayey ama hayey dadka bukaankaah ah ee jiifa cusbitaalka ayaa waxa soo wajahday cabsi oo ay dadku is waydiinayeen waxa ka dhacay meesha,in kasta oo aanay askartu galin meelaha waadhadka ee ay jiifaan dadka bukaanka ahi.

Ilaa saddex baabuur oo ay wateen ciidamada Birmadka ee SPU-da oo ay wateen saraakiil sar sare oo ka tirsan ciidanka Booliska ayaa barqo nimadii maanta qadar daqiiqado ah ha kad galiyey dhaq-dhaqaaqa isu socodka gudaha cusbitaalka guud ee Hargeysa,baabuurtan oo ilaa saddex kuwa ay adeegsadaan ciidamadu oo ay buux dhaafiyeen ciidamada mada birmadku ayaa waxa ay iyaga oo xawaare aad u sareeya ku soconaya ka soo galeen kadinka laga galo cusbitaalka guud,wariye ka tirsan shabakadda Ramaas oo wakhtigaa goob joog ahaa ayaa sheegay in markii ay ciidamadaasi gudaha u galeen cusbitaalka anay haba yaraatee wax hadal ahi dhexmarin masuuliyiinta cusbitaalka,ayadoo markii ay muddo daqiiqado ah ay gudaha ugu jireen xarunta cusbitaalka saraakiishii wadatay askataasi ku amray in ay baabuurta fuulaan ayagoo halkaasi si deg deg ah uga baxay,iyaga oo wakhtigaasi ay halkaasi joogeen ay saraakiil watay ciidankaasi si xidhiidh ah u isticmaalayay khadka  ay ku xidhiidhaan ciidanku ee u gaarka ah.

Ma jiraan warar rasmiya oo sheegaya sababta keentay ciidanku in ay gudaha u soo galaan xayn daabka cusbitaalka,ayagoo ka gaabsaday masuuliyiinta cusbitaalku iyo saraakiishii ciidankan hogaaminayey in ay faah faahin ka bixiyaanu jeedada hawl galkan,balse warar kale ayaa sheegaya in ciidanka uu qof wacay isla markaana uu cusbitaalka war dhiilo ah uga sheegay sidaasina ay ku soo baxeen oo ay hada ciidamadu ku raad joogaan isagii.

Si kastaba ha ahaatee dadkii ku sugnaa wakhtigaasi cusbitaalka ee u badnaa shaqaalaha iyo dadwaynihii kale ee iyagu soo booqanayey ama hayey dadka bukaankaah ah ee jiifa cusbitaalka ayaa waxa soo wajahday cabsi oo ay dadku is waydiinayeen waxa ka dhacay meesha,in kasta oo aanay askartu galin meelaha waadhadka ee ay jiifaan dadka bukaanka ahi.

Wajaale News
Hargaysa Office
Info:wajalenews@gmail.com
Repoter:Abdiqadir Abdiraxman Habane

COMMENTS
LINKS