Cali-Sanyare Oo Ka Hadlay Ololaha Xukuumaddaysan Ee Dawladdu Ugu Heellan Tahay Jidka Ceerigaabo Iyo Saamaynta Uu Ku Yeelanayo Karo Dawga Cad, Wadada Cad Dila/Boorama | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Cali-Sanyare Oo Ka Hadlay Ololaha Xukuumaddaysan Ee Dawladdu Ugu Heellan Tahay Jidka Ceerigaabo Iyo Saamaynta Uu Ku Yeelanayo Karo Dawga Cad, Wadada Cad Dila/Boorama
November 22, 2013 - Written by Wariye:

cali sanyareHargeysa (Wajaale News)- Guddida Mahruuca Dhismaha Wadada cad ee  Hargeysa jihada Koonfureed kaga xidh-dha   Magaalada Sallaxley iyo Illaa Deegaanka Ina-guuxaa ayaa ka hadlay Mashruuca Ololeysan ee xukuumaddu qaadhaanka ugu yaboohayso dhismaha  Wadada Ceerigaabo.

Guddoomiyaha Guddida  Mashruuca Wadada Cad Aqoonyahan Cali Ibraahim Maxamed (Cali-Sanyare) oo ahaa WAsiirkii hore ee Qorshaynta ee Xukuumaddii UDUB ayaa Sheegay Inay Guddi Ahaan soo Dhawaynayaan Dhismaha Wadadan balse ay la mid tahay uun Mashaariicda

kale ee dhismaha Waddooyinka kale eek a socda gobollada iyo degmooyinka dalka.
Cali-sanyare oo War saxaafadeed uu soo saaray Nuqul ka mid ahi soo gaadhay Hadhwanaangews waxaa uu ku sheegay in  Wadada Burco/Ceerigaabo ay wacyigelintiisu Siyaasadaysan  yahay halka kuwa kale ay dad rayid ahi wadaan. War-saxaafadeedkaas oo Dhamaystirani waxa uu u dhignaa sidan:

Wadooyinku waxay ka midyihiin kaabayaasha dhaqaalaha ee u ah lagama maarmaan kobcinta dhaqaale iyo horumarinta dalka. Kharashka lacageed ee ku baxa dhismaha wadooyinka way culusyihiin.
              

Sababtaas awgeed, ayaanay wadanada dhaqaalahoodu soo korayo ee qaaradaha Afrika,Eeshiya iyo Latiin Ameerika  aanay, inta badan, awoodi Karin, dhaqaale ahaan, dhismaha wadooyin dhaadheer.Taaso ugu wacan dibudhac dhaqaale ee dalalkaas haysta iyo wadooyin xumaanta.
              

Markaas waa la garan kara dhibaatooyinka ka haystay arrintan xukumadihii kala danbeeyey ee Somaliland oo ah dal aan weli la ictiraafin, kana faa?iideysan Karin labada siyoobood ee loo helo kaalmo lacageed oo ku filan dhismaha wadooyinka.
       

Kuwaas oo kale ah in deyn laga soo amaahdo bankiga adduunka (World Bank) ama bananka ganacsiga caalamiga ah (International Commercial Bank) ama deeq lacageed oo laga helo wadanada hodanka ah.
             

Rabitaanka shacbiga Somaliland ee ahayd in la helo wadooyin casri ah oo isku xidha magaalooyinka iyo tuulooyinka dalka waxa markaas bilaabay isku-xilqaantooda bulshooyinka deeganada qaarkood, iyagoo la kaashanaya xukumada.          

Wadooyinka sidaas ku bilaamay waxa ka mid ah wadada isku-xidhiidhisa

1.   Dila iyo Boorama,

2.   Wadada Dawga cad ee waqooyiga Hargeysa, kuna xidhiidhineysa Hargeysa Bada Cas.          

3.   Wadada cad ee Hargeysa/Sallaxley/Ina-Guuxaa ee konfurta Hargeysa ka socota iyo wadada Oodweyne/Burco/Hargeysa.

Waxa hadda ku soo biirtay wadooyinkkaas, wadada Burco/Ceerigaabo iyado olololaheedu  xukumadeysanyahay halka kuwa kale ay bulsheeysanyihiin, taaso laga yaabo in wadadan cusubi saameyn togan iyo mid taban ku yeelato habsami-u-socodka wadooyinkii ka horeeyey haddii aanay qaadan-ururinta loo mideyn wadooyinka dalka ka wada socda, bacdama qaadhaanka hadda socda ay ka wada qaybgelayaan dhamaan bulshada Somaliland ee dalka gudihiisa iyo dibadiisaba jooga.

Dhismaha wadada Burco iyo Ceerigaabo isku-xidheysa waa mashruuc qadarintiisa mudan oo muhiim ah marka laga eego kobcinta dhaqaalaha iyo ganacsiga dalka iyo isku-xidhnaanta bulshadeena degan bariga dalka intiisa kale oo runtii wado la?aantu ina kala fogeyn gaadhay xag walba.
          

Wadooyinkaas bulshadu wado oo ku socda qaadhaanka bulshada degaanadaas u dhashay iyo muxsiniin kale oo ganacsato Somaliland ah waxay marayaan heer wanagsan oo ku dayasho mudan.
          

Tusaale ahaan aan u soo qaato wadada cad (Hargeysa/SaLlaxley/Ina-guxaa) ee aan aqoonta u leeyahay.
 
Waxa la dhameeyey wajigii kowaad ee mashruuca oo ahaa Hargeysa/Toon, oo dhererkeeduna ahaa 13 kiloomitir oo ay ku baxday miisaaniyad dhan $ 639,636 ( lix boqol iyo sagal iyo soddon kun iyo lix boqol iyo lix iyo soddan dolaar) boqolkiiba 99.90% karashka ku  baxay wajiga kowaad ee mashruuca waxa laga ururiyey bulshada deegaanka u dhalatay.
             

Hadda waxa la dhameeyey qorshihii wajiga labaad ee mashruuca (Toon/Qoolcaday) oo dhererkeedu yahay labatan kiloomitir (20km) shanta kiloomitir ee ugu horreeya xukumada Somaliland aya bixineysa kharashka ku baxaya. Shan-iyo “toban  kiloomitir ee hadhsan waxa lagu qiyaasay inay ku bixi doonto lacag dhan $ 830,000 ( sideed boqol iyo soddon kuun oo dolaar).
            

Sida qorshuhu yahay, waxa la israacin doona marka hore shanta kiloomitir ee xukumaddu balanqaaday iyo toban kiloomitir oo kale oo bulshada deegaanku ay ku dari doonto. Hadda wixii u qabsoomay wajiga labaad ee mashruuca iyo hawlaha socda waxay kala yihiin sidan soo socota:    
         

1.   Waxa la dhameeyey caratuulkii loo baahna ee labatanka (20km) kiloomitir.

2.   Waxa la haya daamur dhan 1400 foosto. oo looga baahanyahay dhismaha toban kiloomitir.

3.   Guddiyadii qaadhan-ururinta ee dalka gudihiisa waa la hawlgaliyey iyo qaar ka mid ah kuwii dalalka dibedda ugu misaanka weyn.

 

Waxaa la rajeynaya in dhismaha wajiga labaad ee wadada cad la bilaabi doon si-is- dabajoog ah oo kal go? lahayn, markii qaadhan-ururinta dhawaan soo wada ururto.

Alla Maha  Leh

Cali Ibrahim Maxamed (Cali Sanyare)

Guddoomiyaha, Guddida Mashruuca Wadada Cad

Wajaale News
Hargaysa Office
Info:wajalenews@gmail.com
Repoter:Abdiqadir Abdiraxman Habane

COMMENTS
LINKS