Cali Mareexaan oo banaanka laga dhigay Guddigii Arrimaha gudaha ee uu Loolanka adag ugu jiray iyo Shaxdii Cirro dhigay oo fushay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Cali Mareexaan oo banaanka laga dhigay Guddigii Arrimaha gudaha ee uu Loolanka adag ugu jiray iyo Shaxdii Cirro dhigay oo fushay
November 17, 2013 - Written by Editor:

Hargeysa(Wajaalenews) Guddida Arrimaha Gudaha, difaaca iyo Nabadgelyadda ee Golaha Wakiiladda Somaliland ayaa Guddoomiye u dooratay Xildhibaan Gar-yaqaan Ibraahim Rayte, halka Xoghayaha guddidaasna uu ku guulaystay Xildhibaan Bashiir Tukaale.

mareexaan

Doorashada guddidan ayaa ahayd ta ugu xamaasad iyo Olole badnayd kadib isku-shaandhayntii Guddoomiye Cirro ku sameeyey Guddiyada Golahaas oo dhexdooda iska dooranayey cida majaraha u qaban doonta, waxaana Loolan adag oo uu xildhibaan Cali Mareexaan ku doonayey kursiga Guddoomiyenimada kaga guulaystay Xildhibaan Ibraahim Rayte oo ka tirsan Xisbiga Wadani.
Guddida Arrimaha Gudaha ayaa ka kooban sagaal xubnood, kuwaas oo sideed mudane oo ka mikd ahi dalka kaga sugnaayeen, isla markaana ay labada Xildhibaan ee Guddoomiyenimada ku Loolamayey midkoodba afar Xildhibaan Codkooda ka haystay, balse waxa ay labada xildhibaan ugu danbayntii kala saaray Xildhibaan C/qaadir Jirde Aw Cali oo ku sugan carriga Ingiriiska isla markaana codaynta kaga qayb qaatay dhinaca E-mailka kaasoo aakhirkii Codkiisa ugu deeqay Xildhibaan Buubaa oo sidaad hal iyo Eber ku diray Cali Mareexaan.
Guddida kale ee ugu culus Guddiyadda Golaha Wakiiladda oo ah Guddida Joogtada ah ayaa iyana loo doortay guddoomiye in uu u noqdo Xildhibaan Ibraahim Mahadi Buubaa, halka Xildhibaan Axmed Bulllaale Ducaale laga dhigay Xoghayaha Guddidaasi. Waxay ka soo kala jeedaan labada Xildhibaan Wadani iyo Kulmiye
Xildhibaan Cumar Axmed Saleebaan San-weyne ayaa isna loo doortay Guddoomiyaha Guddida dhaqaalaha Golaha Wakiiladda, halka Xildhibaan C/qaadir Askar looga cumaamaday xoghayaha guddidaas. Labada xildhibaan ayaa ka soo kala jeeda Kulmiye iyo Wadani
Xasan Cawaale Caynaan ayaa isna boqray Guddoomiyaha Guddida Arrimaha Bulshada, Xildhibaan C/raxmaan Abuubakar Good-na waxa la guddoonsiiyey Xoghayaha guddidaas, waxaanay labada Xildhibaan ka soo jeedaan Xisbiga Kulmiye
Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi iyo Xildhibaan C/qaadir Jaamac  Xaamuda ayaa iyana lagu ka asteeyey Guddoomiyaha iyo Xoghaya Guddida ilaalinta Hantidda Qaranka. Halka Guddiyadda arrimaha dibeda, shuruucda iyo deegaanka khayraadka la filayo in berri la soo gabagabeeyo is-Doorashadooda.
Isku-shaandhaynta uu Guddoomiye Cirro ku sameeyey guddiyadda Golaha wakiiladda ayaa soo shaac saartay Loolanka adag ee Axsaabta Mucaaradka iyo Xukuumaddu ku jiraan, waxaanay u muuqataa in Cirro la caraabay Guushii uu u sii shaxeeyey in ay ku dhamaadaan Guddiyadda Golaha Wakiiladda oo uu kuwii ugu mudnaa ku taxay Xildhibaanada Xisbigiisa Wadani.
Lama oga talaabada rogaal celinta ah ee ay Xukuumaddu kaga fal celin doonta natiijada Cirro kala caraabay, hase yeeshee waxa la filayaa in maadaama Cali Mareexaan oo ka mid ahaa gacmaha Madaxweyne Siilaanyo ku dagaalamayey maadaama meesha laga saaray aanu wax danbe dhawrsan doonin, isla markaana uu geed dheer iyo mid gaabanba u fuuli doono sidii uu Cirro salaanka ugala soo dagi lahaa.
Si kasta ha ahaatee talaabada Wadani qaaday waxay bar bilow u tahay Loolan dhex mara mucaaradka iyo xukuumadda ka hor shirka Talo qaran.

 

 

wajaalenews

hargeisa office

 

COMMENTS
LINKS