Booliska Kenya Oo Soo Bandhigay Laba Nin Oo Ay Ku Toogteen Xaafada Islii Ee Magalada Nairobi Sheegayna In Ay Ahaayeen Kuwii Dhaawaca Soo Gaadhsiiyey Xildhibaan Yuusuf Xasan.
November 13, 2013 - Written by Wariye:
Waxaana uu sheegay in ay tahay markii ugu horreysay ee boolisku ay tallaabo noocan oo kale ah qaadeen tan iyo markii xildhibaanka la weeraray sanadkii hore
“Dhowr jeer ayuu xildhibaanku baarlamaanka ka sheegay in aan waxba laga qaban weerarkii lagu qaaday isaga waana markii ugu horreysay ee booliska ay tallaabo qaadeen” ayuu yidhi Shiine oo sidoo kale kamid ah raga sida dhow ula shaqeeya xildhibaanka.
Shiine ayaa sheegay in ragga la toogtay aysan Soomaali ahayn oo ay ahaayeen Keenyaanka kale taasoo muujinaysa inaysan Soomaalidu wax lug ah ku lahayn weeraradii isdaba-joogga ahaa ee ka dhici jiray xaafada Islii ee Soomaalidu ay ku badantahay kuwaasoo intooda badan loo adeegsaday bambooyinka gacanta laga tuuro,laguna tuhunsanaa somalida.Xildhibaan Yuusuf Xassan oo wali la tacaalayay siduu uga kici lahaa dhaawacii gaadhay oo lugaha ka haleelay ayaa iminka ku sugan magaalada New York oo looga saaray biro lugaha laga galiyay.