|
|||||
WAJAALE NEWS
Badhasaabka Gobolka Maroodi-jeex Oo Deeq Hu Iyo Maacuun Isugu Jirta Gaadhsiiyey Qoysaska Xaafada State House-ka Ee Guryahoodii Ku Gubteen Dabkii Shalay
November 11, 2013 - Written by Wariye:Hargaysa(Wajaale News):- Badhasaabka Gobolka Maroodijeex Md Maxamuud Axmed Jeeniyare oo uu wehelinayey Ku xigeenkiisa Rashiid Axmed ayaa maanta deeq isugu jirto Hu? iyo maacuun ka gudoomiyey bisha cas ee Somaliland, isla markaana ku wareejiyey qoysaskii maalintii shalay ay guryahoodii ku gubteen dabkii ka kacay xaafadda State-House-ka ee Magaalada Hargaysa.Md. Maxamuud Jeeniyare oo weriyayaasha kula hadlay Munaasabadda lagula kala wareegayey deeqdaasi ayaa ugu horayn tacsi u diray qoyskii iyo eheladii Marxuumaddii shalay ku geeriyootay dabkaasi. Intaa ka bacdina waxa uu ka dalbaday muwaadiniinta ganacsatada ah ee gobolka Maroodijeex inay taageero muuqata isla dhinac taagaan dadka ku aafoobay dhibaatada uu keenay dabkaasi.Dhanka kalena G/xigeenka Gobolka Maroodijeex Md rashiid Axmed iyo madaxa ka hortagga aafooyinka ee xafiiska bisha case e Somaliland Shucayb Maxamed ayaa iyana baaq la mid ah ka badhasaabka u diray Hay?adaha caalamiga ah iyo ganacsatada Somaliland iyagoo ka codsaday inay taageero isla dhinac taagaan walaalahooda dhibaatadu haleeshay. Wajaale News Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|