Baashe wuxuu ilaabey inuu golaha ku soo galay ISXAMBAAR | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Baashe wuxuu ilaabey inuu golaha ku soo galay ISXAMBAAR
November 20, 2013 - Written by Wariye:

cilmiBaashe wuxuu ilaabey inuu golaha ku soo galay ISXAMBAAR

                                                            

Salaam qiimo leh ka dib run ahaantii ma ihi dadka ku badan warbaahinta iyo wax ku qoristeeda inkastoo aan ahay muwaadin ku xidhan akhriska wararka dalka, sidaasoo ay tahay waxan shalay la yaabay markii aan warbaahinka ku arkey guddoomiye kuxigeenkii koowaad ee baarlamaanka Somaliland BAASHE oo ay xukuumaddu uga yeedhay wadanka debediisa si uu uga qaybqaato qalalaasaha siyaasadeed ee xukuumadda madaxweyne siilaanyo ka dhexwaddo golaha wakiilada Somaliland

Baashe marka koowaad waxa uu ilaabey inuu yahay gudoomiye ku xigeen yahayna ku sime guddoomiye marka uu joogo ee uu maqanyahay guddoomiyaha codka dadkiisa kusoo baxay, isla markaaana sida sharciga ah loogu doortay guddomiyenimada golaha wakiilada taasoo macneheedu tahay inaan BAASHE ka hor imaankarin goaanka Baarlamaanka, jeebkana kala soo bixi Karin waraaq laga soo qorey madaxtooyada.

Waxanu leenahay BAASHE waad ku caaasiyowdey guddomiyaha Golaha waxadna u qalantaa in talaabo shariga waafaqsan lagaa qaado, taas waxa sii raaca inaad ilawdey inaadan kusoo bixin cod bulsho, ee aad ku timid xal iyo ISXAMBAAR

Saalax Cilmi

Saalaxcilmi77@gmail.com

Wajaale News Hargaysa Office Info:wajelenews@gmail.com Repoter:Abdiqadir Abdiraxman Habane

COMMENTS
LINKS