Agaasimaha Samo Falka Oo Gaadhsiisay Xaafada State Houska Deeq Faro Guudkood Ah Iyo Qaylo Dhaanta Kasoo Yeedhaysa Dadka Dagan Xaafada. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Agaasimaha Samo Falka Oo Gaadhsiisay Xaafada State Houska Deeq Faro Guudkood Ah Iyo Qaylo Dhaanta Kasoo Yeedhaysa Dadka Dagan Xaafada.
November 13, 2013 - Written by Wariye:

Hargaysa(Wajaale News):-Agaasimaha xafiiska samo falka ee wasaarada dibu-dajinta   somaliland ayaa maanta deeq isugu jirta sonkor iyo daqiiq gaadhsiisay dadka  dagan xaafada Stata Houska oo toddobaadkii hore uu baabiiyey dab.

Agaasimaha ayaa sheegtay in dadka tabaaladu soo gaadhay ay caawin doonaan balse dadka ku dhaqan xaafada Stata houska ayaa walaac xoogan ka muujiyey taas oo ilaa hada aan waxa ku filan lagaadhiin dadka dagan xaafada Stat Houska oo toddobaadkii hore dab ka kacay ubaabiiyey qosas badan oo danyar ah.

Agaasimaha samo falka ee wasaarada dibu dajinta ayaa saaka gaadhsiisay 63qoys oo ka tirsan dadka tabaalada soo gaadhay hadana dadka dagan xaafada ayaa sheegay inaanay koobayn baahidooda.

Ugu horen Agaasimaha samo falka ee wasaarada dibu dajinta oo arintaas ka hadlaysa ayaa waxa ay tidhi?halkan aanu maanta taaganay waa stat Houskii waan dadkii ay soo gaadhay tabaaladu markaas dadka aanu maanta halkan waxa ku siinaynaa waa dadkii uu dabku guryahooda baabiiyey oo ka kooban 63guri ko horna xukuumada gurmadkii kan ka horeeyayna way soo gaadhsiisay.

Markaas aniga oo ka masuul ah xafiiska samo falka ee wasaarada dibu dajinta somaliland halkan maanta waxaan ku sidnaa raashin ka kooba daqiiq iyo bariis oo la siinayo dadkii uu dabku guryahoodii ka baro kiciyey.

Guddoomiyaha xaafada stat Houska oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay raashinka loo qaybiyey aanu ku filnayey islo markaan shacabka iyo xukuumada ug baaqay in dadka loo keeno hoy ay galaan waxaan uu yidhi?cidk kasta iyo xukuumada waxaanu u sheegaynaa dadka halkaas ku tabaalaysan ee walaalihiin ah ee  dhibaatadu soo gaadhay wixii aad uheli kartaan haday tijaarta tahay haday ururada tahay cidkasta waxaanu leenahay  soo caawiya dadkaas ay dhibaatadu soo gaadhay.

Dhan kale waxa isna ka hadlay khadar oo isna ka mid ah dadka dagan xaafada stata houska oo cabasho laxaadleh ka muujiyey dhibaatada dadka soo gaadhay agaasimaha samo falkan ugu baaqay in ay dadka soo gaadhsiiso hoy ay ka galaan dhaxanta iyo roobabka waxaana uu yidhi?aniga oo ah bulshada dagan xaafada stata houska ee magaalada hargaysa oo aadna uga xun dhibaatadii soo gaadhay dadka dagna xaafada stata Houska qaarna ku dhexe gubteen intooda badanina ay ka baro kaceen halkii ay daganaayeen ee imika saddexada habeen oo ay maanta afar ku tahay ay banaanka daadsanyihiin qaarkoodna ay reero kale dulsaar ku yihiin in loo gargaaro ayaan ka codsanlahaa xukuumada somaliland.

Khadar oo ka mid ah dadka dagn xaafada istaad houska ayaa waxa uu sheegay in ay aad uga xumaadeen hadalkii kasoo yeedhay wasiirka arimaha gudaha iyo arimaha dibada ee yidhi waxaanu caawinaynaa putland iyaga ay wali dadkoodii aan haysan meel ay ka jirsadaan roobabka isdabo jooga ah ee ka da,ay magaalada hargaysa.

Khadar waxa kale uu carabka ku dhuftay ee uu yidhi?mudane madaxwayne bulshada halkan dagn ee xaafada stata houska joogtaa waa dadkii kusoo doortay ee mar uun kaa sugayey inaad meel ka muujiso abaalka ay kuu galeen lakiin waxa uu noqday ayaan daro,taasna waxa kasii daran hadalka kasoo baxay xukuumada aad gadhwadeenka ka tahay iyada oo aan ogay dadka ay ka muuslka yihii waxa ay ku noolyihiin una hanqal taagaysa wadamo shisheeyey.

Xaliimo Maxamed Yuusuf Oo ka mid ah dadka dagan xaafada stata houska walib ah dadka ay ka gubteen guri ay daganay ayaa sheegtay in ilaa hada aaanay haysan gur ay gasho xukuumada ugu baaqday in dadkooda dhibaatadu soo gaadhay hoos loo eego waxaana ay tidhi?waxaanu nahay dadkii daganaa xaafada state houska aniga iyo islaanta ayaa waxa nakala goostay dabkii ka kacay xaafada aan ku jiray ilaa hadadaas aan hooyo kula hadlayana waxa naloo qabtay am lana siiyay ma jirto intaas yare ee boqolka qof la dhexe dhigay mooyaan waxa aanu hada kuu sheegi karnaa oo nala gaadhsiiyey majirto aqalkaan ku jiray hooyo waa uu gubtay mana hayo caawa waxaan galo reer ayaan ku dulsaar ahay xukuumada dalalka shisheeyey la doonanaysa caawinimada waxaan ka codsanaynaa in umada dagan xaafada Stata Houska in lagu eego il naxariiseed ayaan usoo jeedinayaa umada reer somaliland iyo xukuumada.

Si kastaba ha ahaatee xaalada ay dadkaasi ku noolyihiin ayaa ah mid indhahu qaban kari ilaa hada sida ay noo shegeen dadka dagan xaafada ma haystaan hoy ay galaan iyo meel ay dhaxmahaha dhacaya gabood uga dhigtaan,hadaba xukuumada somaliland ay ku baaqday in ay caawinayso maamul goboleedka putland oo roobaba duufano wataa ay waxyeelo soo gaadhsiiyeen iyadoo ay wali dadka dagan xaafada state housku oo toddobaadkii hore dab baabiiyey aanay haysan hoy iyo cuntooyinkii asaasiga ahaa.

Wajaale News
Hargaysa Office
Info:wajalenews@gmail.com
Reporter: Abdiqadir Abdiraxman Habane

COMMENTS
LINKS