|
|||||
WAJAALE NEWS
Agaasimaha Guud Ee Ciyaaraha Oo Dawladaha Hoose Ee Somaliland Ugu Baaqay In Ay Garoomo U Qorsheeyaan Dhalinyaradda, kana Hadlay Doorka Ay Wasaarada Ciyaaruhu Ka Qaadan Doonto Horumarka Ciyaaraha Somaliland
November 19, 2013 - Written by Editor:Inaga oo maanta aragna xamar oo aanu ka jirin xasilooni oo hadh iyo habeen uu qara ka jiro ayaa hadana lagu dalaalayaa in dhalinyaradooda waxa loo qabto waana arin xun oo fool Hargaysa(WAJAALENEWS.COM) Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland Md. Maxamed Xuseen Dhabeeye ayaa maanta ka qayb galay Munaasibad Qalab Ciyaareed lagu guddoonsiinayay Ciyaartooyga Xulka Gobolka Maroodi Jeex. Qalabkan Ciyaareed oo uu ciyaartooyga Xulka Gobolka Maroodi Jeex ugu deeqay Maalqabeenka Al Cayn, ayaa munaasibad loogu sameeyay Hoteel Hadhwanaag ee Magaaladda Hargeysa ayaa ka soo qayb galay Agaasimaha Guud ee Wasaarada Ciyaaraha, Isu Dawaha Gobolka Ee Wasaaradda Ciyaaraha, maamulka iyo ciyaartooyga Gobolka Maroodi Jeex, halka Badhasaabka Gobolka Maroodi Jeex iyo Ku Simaha Mayorka Hargeysa ay ka muquurteen. /> Hadal kooban oo uu halkaasi ka soo jeediyay Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Ciyaaraha Somaliland Maxamed Xuseen Dhabeeye ayaa waxa uu aad ugu nuux-nuuxsaday in Somaliland oo 22 sano jirsatay ay dhinaca ciyaaraha kaga wanaagsan tahay dalka Somalia oo intaas oo dhan burbur ku sugnaa, waxaanu ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay mahadnaq uu u jeedinayo deeqdaasi qalabka ciyaareed ah ee la siiyay ciyaartooyga gobolka Maroodi jeex, waxaanu yidhi ?Runtii maanta farxad wayn ayaa ay nootahay inaanu kasoo qayb galno xafladan aynu ku guddoomayno qalabka dirayska ah ee nasoo gaadhsiiyey maalqabeenka carbeed ee la guddoonsiinayo xulka gobolka maroodi jeex arintaas waxa ka muuqata in aynu dadkii ku noolaa halkaas aynu saamayn ku yeelanay waana arrin wayn oo ah guul usoo hoyatay bahdii la dariska ahayd kubada cagta somaliland oo dhan gaar ahaan xulka kubada cagta ee gobolka maroodi jeex? ayuu yidhi Dhinaca kale waxa uu xusay in dhalinyaradda reer Somaliland ay saamayn xoogan ku yeelatay horyaalada iyo ciyaaraha wadamada qaarada Yurub, waxaanu yidhi ?Waxa inaga saamayn wayn inagu yeelatay ciyaaryahanada ka ciyaara dalalka shisheeye oo aynu kala raacnaa oo aynu si aad ah utageernaa macaa ka warhaynaa dadkaasi waa dad inaga fog oo horumarka ay sameyeen shacabka ku kala sugan daafaha caalamka ku yeeshay saamayn wayn. Dad badan oo ka mid ah shacabka somaliland ku nool ayaa salaad walba usoo kaca si ay uga war heli lahaayeen naadiga utageeri jiray halka uu xaalkoodu marayo oo ay egaan ninka dhaawac may iyo ka xanuusanaya is uga war hayaan xaalka naadiga utageero. Wararka badan ee dalkeena gudihiisa ka dhacay waxa markiiba laga war helaa ka ciyaaraha ee ka dhacay halka caalamka ugu danbaysa taasina waa mid Ayaan daro ah oo lasoo daristay dhalinyaradii reer Somaliland? Ayuu Yidhi Mar uu ka hadlayay sida aanay Somaliland iyo Somalia ciyaaraha isugu midka ka ahayn waxa uu yidhi Wadankeena runtii marka la eego ciyaarihiisa intii aan la qaadan xornimada ee somaliland aanay ka xoroobin gumaysigii ciyaaraha somaliland runtii may ahayn qaar midaysan waa laga ciyaari jiray runtii xeegada iyo kubada cagta lakiin dawladaasi inaga may caawin in ay noo samayso agabkii ciyaaraha sportiga ee aynu baahida wayn uqabnay. Halka qolada kale ee koonfurta talyaanigu arintaas sportiga ka caawiyey ee xidhiidhka kubada cagta ee somaliya waxaa la asaasay 1951kii waana aqoonsatay isla markiiba fifa may haysan dalka oo dawlada may hayn lakiin dawlada hoosta ku hayse ee xukun hoosaadka ayaa arinkaas ka caawisay. Inaga waxa arinkaas inaga soo gaadhay dhibaato markii danbena dawladii kacaanka ay ciyaarihii gobolayse oo dhulkeenu uu ahaa gobol kaliya oo ay ka baabiisay kilaabadii ka jiri jiray ee xiligaas hore abuurmay dalka markii lagu soo noqdayn dadaal badan la isku dayey oo ciyaaro la abaabulay oo iyada oo xabadu dhacayso oo aanu dalku daganayey ayaa hadana la ciyaari jiray oo ciyaaro fiican la ciyaari jiray. Dadka ka qayb qaadashoodun ay ka xoog badnayd ayaa dalka runtii ka abuurmay oo ku imika ciyaara ka kuwaalati badnaa ilaa 2002kun iyo markii la asaasay kooxahan ku ciyaara magaca ciidanka ciyaaraha somaliland way fiicnaayeen waxaana ay ubaahnaayeen in la sameeyo waxa lagu horu marin lahaa dadkaas ciyaartoyada ah lakiin arinkaas waxa murkiciyey oo dib udhigay amniga wadanka oo xiligaas qidhiidh iska ahaa iyo haayadaha amaanka oo aan Iyana aan xoog badan lahayn markii dadkii wada noolaa ay xaafado isku dileen. Ciyaaraha aduunka habeen kasta ka dhaca ee aynu la wada socono xaafada ayey ku salaysan yihiin dagmo dagmo ayey ku salaysan yihiin degaan degaan ayey ku salaysan yihiin xaafada waliba waxa ay ku ciyaartaa magac xaafadooda si guulo la taaban karo ugu soo hoyaan. Anaga marka la eego ka wasaarada ahaan ciyaaraha waawayn ayuu xil naga saaranyahay inaanu xaafadaha ciyaarsiino oo aanu isku keeno xil nasaaran anaga maaha lakiin arintaasu waa arin lagu dhaleeceeyo wasaarada ciyaaraha oo la yidhaaho maxay wasaaradu waxa uga qaban waydey baahiyaha dhalinyarada wasaarada bajadkeedu waa uu xadidanyahay aduunyada oo dhan dawladaha hoose iyo dadka dadku soo doortaan ayaa waxa ay garab galaan oo ay taakuleeyaan dhalinyarada sportiga ah lakiin anigu maan araga wali dawlada hoose oo wali waxa muuqda uqabtay kooxdaas ku ciyaaraysa magac gobolka maroodi jeex waan arin Ayaan daro ah. Ceeb maanta waxa inoogu filan somaliland oo xor ah oo dal ah oo madaxbanaan oo xasilooni ka jirto inaanu dhaqdhaaq sports aanu habayaratee ka jirin waana arin nasiib daro ah oo lasoo daristay bahad tageerta sports ka. Inaga oo maanta aragna xamar oo aanu ka jirin xasilooni oo hadh iyo habeen uu qara ka jiro ayaa hadana lagu dalaalayaa in dhalinyaradooda waxa loo qabto waana arin xun oo fool xun waliba in xukuumada somaliland aanay hayn hami siyaasadeed oo ku wajahan dhalinyarada. Imika garoonkii kubada ee xamara roogii ayaa la dhigay oo horyaal ayaa ka socda 8kooxood ayaa ciyaaraya hargaysa oo maanta ay ku noolyihii intaas oo naadi oo walib ay ka jirin dagaal oo xasiloona waxa ka hir gali waayey horyaal. Markaas waxaas oo arimood ayaa loo baahan yahay in guntiga dhiisha la isga dhigoo oo meel looga soo wada jeesto sidii loo horumarin lahaa sportska. dawlada hoose ee ay dadku doortaan ee cashuurta qaada ha ogaadaan in ay iyaga xil saran tahay in dhaliyarada udhisaan garoon oo ay ogaadaan dhalinyarada inuu xil wayni kasaaran yahay hada yihiin dawladadihii hoose ee dadku soo doorteen WAJAALENEWS.COM HARGEISA OFFICE Related posts:War Deg Dega; DAAWO ;Xubno ka Mid ah Hogaanka Xisbiga Kulmiye Gudida fulinta Iyo Musharaxiinta Xisb... DAAWO; Imaamka Masjid Jaamaca Gabiley Oo Khudbadii Jimcaha Kaga Hadlay Fa,iidada Wax Soo Saarka Dalk... Shirkii Golaha Wasiirada Ee Maanta Oo Lagaga Arrinsaday Sidii Looga hor tagi lahaa Dhaqdhaqaaqyada u... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|