Af-Hayeenka Gobolka Saaxil Ee Xisbiga mucaaridka ah ee UCID Mudane Bootaan ayaa War-Murtiyeed Ka soo Baxay xafiiskiisa Ku Sheegay In ay Taageersanyihiin Talo Qaran Oo Laga Yeesho Halka Dalku Maanta Marayo | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Af-Hayeenka Gobolka Saaxil Ee Xisbiga mucaaridka ah ee UCID Mudane Bootaan ayaa War-Murtiyeed Ka soo Baxay xafiiskiisa Ku Sheegay In ay Taageersanyihiin Talo Qaran Oo Laga Yeesho Halka Dalku Maanta Marayo
November 11, 2013 - Written by Wariye:

u_109391d_2013-8-31-14-44-44f_ucidHargeysa (Wajaale News):-Af-Hayeenka Gobolka Saaxil Ee  Xisbiga mucaaridka ah ee UCID Mudane Bootaan Guuleed Axmed  ayaa War-Murtiyeed Ka soo Baxay xafiiskiisa Cod Dheer Ku Sheegay In ay Taageersanyihiin Talo Qaran Oo Laga Yeesho Halka Dalku Maanta Marayo Warmurtiyeedkaas  oo Nuqul ka mid ahi soo Gaadhay UCID-Media Group Waxa Uu U Dhignaa  Sidatan:-
Warmurtiyeed:-

Xafiiska Af-Hayeenka Gobolka Saaxil
Date :11/11/2013
Ku: Dhamaan Warbaahinta Madaxa Banaan
Ujeeddo: warmurtiyeed
Ugu horayn waxaan salaam mug iyo miisaan leh u dirayaa taageerayaasha Xisbiga Cadaalada Iyo Daryeelka Ee Ucid meelkasta oo ay joogaan, waxa kale oo iyagana aan salaam qiime badan gaadhsiinayaa saxaafada xorta ah, oo ah udubdhexaadka horumarka dalka.

Sida laga wada warqabo dhawaan labada xisbi qaran ee Ucid Iyo Wadani waxay si wadajira ugu dhawaqeen shirweyne qaran oo nuxurkiisu yahay dood cilmiyeed wax layskaga waydiinayo marxalada wadanku marayo. Maxaa inoo qabsoomay 22kii sano ee aynu dawlada ahayn? Maxaa inaga qabyo ah ? maxaa inaga qaladan? Doodan qaran waxa sas ka muujisay xukuumada talada haysa,oo aan diyaar u ahayn in sifo sharci ah lagula xisaabtamo, dhawaaq kasta oo toosninayana dhegaha ka furaysata, waxa kaliya ee ay maqlaana waa amaanta habeen kasta ka socota Tv-ga Qaranka ee dadka weji ku macaashka ah la soo fadhiisiyo.

Aniga oo ku hadlaya afka xisbiga ucid ee gobolka saaxil masuuliyiin iyo taageerayaalba waxaan cod dheer ku sheegayaa inaanu si buuxda u taageersanahay dooda qaran ee ku dhisan cilmiga,gundhigna ay u tahay mabaadida xorta ah iyo talo is weydaarsigu, cidkasta oo ka soo horjeesata in danta qaranka wax layska weydiiyana waxaanu u aragnaa, cid ka soo horjeeda mabaadida qarankani ku dhisanyahay kuna soo caano maalay oo ah, talo is weydaarsi,wada hadal, isutaansul, iyo nabadgelyo. Cidkasta oo qodobadan diidana waxay jidka u xaadhaysaa talaabooyinkii uu ku burburay nidaamkii bahalka ahaa ee siyaad barre oo can ku ahaa kalitalisnimo,cabudhin, iyo dhegaysilaanta talooyinka shacabka.

Waxa kale oo aanu dhawaaq dheer ku cambaaraynaynaa falkii waxshinimada iyo fulaynimada ahaa ee lagu weeraray G/Xigeenka Xisbiga Kulmiye Muj. Maxamed Kaahin Axmed, falkani waxa uu la xidhiidhaa falalkii bahalnimada ahaa ee lagu weeraray Xil.Maxamed Faarax Qabile Iyo Wargeyska Hubaal. Falalka noocani hadii ay sii socdaan waxay qaranka u horseedi karaanfawdo, waxaanay marag ma doon u tahay habacsanaanta haayadaha amniga. Waxaanu si adag xukuumada ugu sheegaynaa inay falalkaas ka hortagto kuwii dhacayna ay si dhakhso ah sharciga u hor keento cidii ka dambaysay.

Xoriyatal qawlku waa astaamaha qaran xora oo ka koray cabudhin iyo cagajuglayn wadankeena waxa ka hanaqaaday nidaamka hanaanka xisbiyada badan ee dimuqraadiga ah waxa inoo soo qabsoomay afar doorasho, tii shanaadna waxay inagu soo haysaa kaabiga. Waxaynu dhiganay dastuur meel adag ka istaagay xoriyatal qawlka oo ah ta aynu halkaas ku soo gaadhnay. Hadaba waxa ayaan daro ah in xukuumada u hogaamiyo Axmed Siilaanyo oo la ogaa sida ay saxaafadu ugu soo hiilsay xiligii uu guclo orodka ugu jiray fuulida kursiga, in manta ay xukuumada soo diyaarisay xeer qabyo qoraala oo lagu cabudhinayo saaxafada oo horyaala golaha wakiillada. Xeerkan waxaanu leenahay ha ka laabato xukuumadu, golaha wakiiladana waxaanu ugu baaqaynaa in xeerkaa dhagaraysan ay ka digtoonaadan gacmohoodana ayna ku gawricin xoriyatal qawlka dalku ku soo caano iyo nabadba maalay.

Allaa Mahad Leh

Mudane:Bootaan Guuleed Axmed

Af-Hayeenka Xisbiga Ucid Ee Gobolka Saaxil.

Wajaale News
Hargaysa Office
Info:wajalenews@gmail.com
Repoter Abdiqadir Abdiraxman Habane

COMMENTS
LINKS