|
|||||
WAJAALE NEWS
Adeega Shirkada Telesom Oo Xaaladeeda Laga Dayrinayo Iyo Bulshada Kawarwarsan Mustaqbalka Shirkadaa?Faalo;
November 10, 2013 - Written by Editor:Hargaysa(Wajaale News)-Waxaa maalmihii udanbaysay aad looga dareemayay caasimada hargeysa adeeg xumada shirka telesom oo bulshada Somaliland aad u isticmaasho haday tahay telefonada systemka zaad. Adeegsiga xaga sixaafada .iyo adeegyo farabadan oo bulshadu u baahan tahay. Hadaba shirkadan telesom oo markii hore magaceedu ahaa barakaat bixina jirtay adeegyo badan oo xilgaa ay ugu muhiim sanayd xawilaada lacagaha ayaa markaliyaata laxayiray gabi ahaanba waxaana istaagay shaqooyinkii ay qaban jirtay. Bulshadii kuxidhnayna wixii uyaalay iyo wixii loogu soodiraybay waywaayeen cid ay uracaanay mayjirin. Sidaasna waxaa lagu waayay hanti farabadan oo balaayiin ahayd . barakaat mar kaliya ayay hawada sidaa kaga baxday wadamada reer galbeedka oo kadanbeeyay xadhiga shirkaa ayaa waxay sheegen in lagu tuhunsan yahay in ay gacan siiso argagixisada sobobtaana looxidhay sidaasi ay bulshadii aan waxba ogayn hantidoodii kuwaayeen. Mudo kadin ayay mulkiilayaashii barakaat waxay badaleen magicii hore ee lagu eedeeyay amaba laxayiray waxayna labaxeen magac cusub arintaasi ayaa markali waxay ka xuubsibteen dadkii ay hantidu kaga maqnay. Iyagu shaqadoodu sii wadanaya, waa arin ay bulshadu kujahawareertay manay helin dawlad hantidoodii u baadi doonto waayo shirkadiiba waxaa loo haysaa arin argagixiso Waxay markaliya labaxeen shirkada isgaadhsiinta ee telesom. Bulshada Somaliland oo aad ugu baahnay isgaadhsiin ayaan eeginba sobobta keentay isbadalkan markiibana way lajaad qaaday shaqadeedii waxayna noqotoy shirka ugu awooda awayn shirkadaha isgaadhsiinta Somaliland waxa kaliya oo meesha kabaxay adeegii xawilaada lacagaha qalaad oo meeshii markii hore laga raacay Waxay xoojiyeen sidii ay u daboolilahaayeen baahi yaha farabadan ee ay u baahan yihiin shicibku wayna kuguulaysteen arintaa.marba marka kadanbeeya ayay soo kordhinayeen adeegyada ay bulshada u qabtaan waxay markaliya meesha kasareen subation nadii oo waxay badaleen systemkii lacagta loogu shubanayay teletonada gacanta scratch cards oo waxay ubadaleen evoucher arintan waxay meesha kasaartay ; 1 in shirkadu soo xidho dadkii masaakiinta ahaa waxka faaiidijiray goobahaa waxayna dhashay in tukaan kastaa ku kaydsado mobilekisa. 2 waxaa kaloo meesha kabaxay cashuurtii yarayd ee dawlada kazoo galaysay oo dajinta kaadhadhkaasi Arimahaa kadib shirkada telesom halkaa kumayjoogina waxay iskudayday in ay soogalaan shaqadii warbaahinta oo ama ayqaban lahaayeen dawladu gabi ahaana wayla wareegeen shaqooyinka oo iskugu jiray wacyigalin.ogaysiinta caafimaadka.kuwar galinta waxbarashada. Iyo arimo kaloo badan Waxana qasabkaga dhigeen qofkasta oo sita televonka shirkaa in loosoo diro fariin uuna u baahnayn tusaale ahaan raga ayaa waxaa sogalaya teevonkagii gacanta (ogaysiis waxa yimid magaalada hargaysa dhakhtarkii iskufuranka) waxay xoriyadii kaqadeen macmiishoodi iyadoo laga iibsanayo waxwalba ayay hadana kugu qasbayaan waxkasta oo ay iyagu lacag kuqaateen in aykuusoo diraan taasi oo ah arin ku uguba ganacsiga amaba xoriyada adeega iibka ah.waxayna shaqadii kasareen sixaafdii xorta ahayd’ Iyadoo waxaasi oo dhiba lagu qabo ayaa waxay soo kordhiyeen adeegyo kale oo bulshada dhaqaalaheeda ayar lagu urursanayo kuwaasi oo ka ugu khatarsan ayahay Adeega zaad service oo markaliya hanaqaaday meeshana kasaaray xawilaadii dalka gudihiisa waxa kale meesha kabaxay sariflayaashii lacagtu ku dhaxaysay iyaga dadka maalinba mid hayay. Waxaa kaloo ay khatar galisay cashuurihii oo waxay kor u qaaday xatooyadii; Waxaa gabi ahaanba gacanta ugashay lacagtii adkayd ee dalka waxayna inoogu badaleen xarfo(digits) xarfahaasi ayuubaa wax lagu kala iibsadaa 3.yaa kadamiina lacagtaa lagu kaydiyay zaada hadii uu systemku xumaado 4 maleedahay caday lagu siiyay markii aad lacagta dhigatay 5 majirtaa cid og lacagta shirkada telesom maalinkasta soogaliso suuqa ee waxlagu kala iibsado? Markaad eegto suaalahan iyo qaarkaloo badan waxaad is odhanaysaa dalkan iyo dadka cidkanaxaysaa majirto waayo shirkada telesom waxay xalaashatay in ay lacag madow suuqa soogashato, cidina aanay waxka su.aalin aanay urursatay lacagtii dalakn dhex wareegaysay. Oo ay ugu badashay xarfo aan lahayn meel looraaco iyo lacagtii umadan laga ururiyayna waxa lagu furtay company kale oo magacaan kale loola baxay kana shaqeeaya dalka. Hadaba waxaan si qoto dheer u eegidoonaa shirkada telesom aas aas ahaan halka aykasoo jeedo hantidan bulshada laga dhacayaa halka lagu dhiso Shirkada telesom waxay cadaysatay in dhamaan adeegyadeeda aydadka lacag ka jarto iyadoon dadku ogayn waxay khidmadaha ka goysaa lacagta prepaid qofkuna wuxuu isleeyahay durba goormay lacagtii dhamaatay waa lacag laga jaray insaasi oo adeeg, tusaale ahaan khidmada zaada waxaa laga jaraa ta prepaidka waan khiyaamacad. Waxa yaalaha kale aan xogo hooda soo ururinay waxaa kamid dhibta dadka kahaysata taawarada shirka telesom min miyi ilaa magaalo dadsan saamayna kuyeeshay caafimaadkii bulshada ‘ Hadaba bulshada Somaliland ayaa waxa haysata laba arimood kuwaasi oo ah caafimaad darada aysoogaadhsiinayaan taawarada shirkadaasi.iyo dhaqaala urursi aan loo naxay bulshada wax dalka kusoo noqonayana aanay muuqan waana waxa yaalaha bulshadu aadka u dareemayaa Waxkale oo muuqata hantidii dadka lag urursaday in galu dhiso xamar iyo meelo kale waayo shirkada waxaa iskale nin reer xamara Mulkiilaha shirkada telesom ayaa horaantii sanadkan waxaa boqortooyada England kusoo rogtay xayiraad siga iyo hantidiisa waxayna sooban dhigeen inta basport ee isticmaalo. Iyagoo ku eedeyay inuu aas aasay companiyo argagixisada lacagaha loo mariyo LASOCO XOGO DHEERAADA SHABAKADA WAJAALENEWS.COM WAJALENEWS@GMAIL.COM
Repoter:Abdiqadir Abdiraxman Habane
Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|