ABAANDUULAHA CIIDANKA QARAN OO SHEEGAY INUU JIRO KHILAAFKA UDHAXEEYA ISAGA IYO SHAQALE | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
ABAANDUULAHA CIIDANKA QARAN OO SHEEGAY INUU JIRO KHILAAFKA UDHAXEEYA ISAGA IYO SHAQALE
November 18, 2013 - Written by Editor:

Hargeysa, November 18, 2013 (Haatuf) – Abaaduulaha ciidanka Qaranka Somaliland sareeye guuto Cabdillaahi Xaaji Jaamac Calas ayaa sheegay inuu jiro khilaaf u dhexeeya isaga iyo taliyaha guud ee ciidanka sareeye gaas Ismaaciil Maxamed Shaqale.

Abaaduulaha ciidanka Qaranka Cabdillaahi Calas oo aanu shalay khadka Tilifoonka kula xidhiidhnay, isla markaana wax kaga waydiinay waxyaalaha ka jira wararka sheegay khilaaf ka dhex taagan isaga iyo taliyaha guud ee ciidanka Qaranka Ismaaciil Shaqale, ayaa isagoo arrinkaa ka hadlaya waxa uu yidhi “Khilaafkaasi wuu jiraa, wax faahfaahina ka bixin maayo, arrinkaasina wax intaa dhaafsiisan ka odhan maayo”

Mar aanu waydiinay inuu sheego waxyaalaha khilaafku ka dhashay waxa uu yidhi “Khilaafkaasi wuu jiraa, laakiin ka hadli maayo waxa sababay”

Dhinaca kale taliyaha guud oo aanu isagana khadka tilifoonka kula xidhiidhnay si aanu wax uga waydiino khilaafka uu sheegay abaandulihiisu ayaanay noo suuto galin, kadib markii uu naga qaban waayay Mobile-kiisa gacanta.

WAJAALENEWS

XIGASHO HAATUF

COMMENTS
LINKS