Aas-aaskii French Somaliland W/Q: Cali Cabdi Coomay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Aas-aaskii French Somaliland W/Q: Cali Cabdi Coomay
November 8, 2013 - Written by Editor:

Faafinta dhaqankiisa oo ahayd mid uu kaga duwanaa ingiriiska. Ilaa manta arrintani waxay ka muuqataa dalalka uu

Faransiisku dano xoog badan kamuu lahayn xeebaha French Somaliland (Jabuuti) sida ingiriisku uu dano xoogan uga lahaa Somaliland. Danaha ugu weyn ee Faransiisku ka lahaa xeebaha Jabuuti waxa ugu weyn saddex arrimood:

v Inuu helo saldhig iyo goob ay shidaalka ka qaataan maraakiibtiisi tegaysa jasiirada Madigaskar



ilaa shiinaha.

v Inuu balaadhiyo ganacsiga uu waayadaasi la lahaa adduun weynaha kale

v Inuu kala qaybsashada kula loollamo dawladaha kale sida Ingiriiska, Jarmaalk iyo Talyaaniga.

v Faafinta dhaqankiisa oo ahayd mid uu kaga duwanaa ingiriiska. Ilaa manta arrintani waxay ka muuqataa dalalka uu afrika ka gumaysanayey.

Bilowgii 1830-kii ayuu bilaabmay indho-indhayntii ugu horaysay ee Faransiisku ku maro xeebaha Jabuuti, balse sannadkii 1858-kii ayuu wakiilkii Cadan u fadhiyey Faransiiska oo la odhan jiray Heneri Lambart wadahadal la yeeshay Ibraahim Abu-Bakar oo ka mid ahaa madaxda gobolka Tojorra.

 Ninkani wuu ka soo jeeday beesha Cafarta. Wadahadalku wuxuu ku saabsanaa sidii saldhig iyo deked uga heli lahaayeen gobolkaasi. Ka dib wakiilkii Faransiiska Heneri Lambart ayaa lagu diley weerar gaadmo ah xeebaha Jabuuti, ka dib wuxuu Faransiisku cadaadis saaray xeebaha Jabuuti, isagoo awood ciidan adeegsanaya. Sannadkii 1859-kii ayey ciidamo gudaha u galeen Tojorra, waxayna xoog ku qabqabteen dadkii dilay wakiilka, waanu maxkamadeeyey.

Ka dib waxa halkii laga sii waday wadahadalkii sannadkii 1862-kii ayuu dalka Faransiika tegay wefti ka socda beesha cafarta halkaasina waxay ku saxeexeen heshiis u dhexeeya beesha Cafarta iyo Faransiiska oo ahaa in lagu wareejiyo dekeda Obokh ee gacanta Tojorra. Waxa kale oo heshiiska ka mid ahaa inaanay heshiis la gelin Karin beesha Cafartu dal kale.

Muddo yar ka dib ayaa laga taagay calankii Obokh si rasmi ahna u degay Faransiisku. Laakiin Faransiisku wax muuqda kamuu qaban dekeda Obokh, waxay noqotay deked dayac badani ka muuqdo. Inkastoo markii dambe uu ka qabtay wax yar oo faro guudkeed ah.

Sannadkii 1885-kii ayey beesha Ciise la gashay Faransiiska heshiis la mid ah kii hore. Waxaana Faransiiska lagu wareejiyey inta u dhexaysa Jabuuti ilaa Ambado. Intaasi ka dib Faransiiska iyo Ingiriiska ayaa isku maandhaafay xuduuda Jabuuti iyo Somaliland, waxa ay ku sigteen inay dagaalamaan, balse heshiis ayaa dhexmaray.

Cali cabdi coomay

COMMENTS
LINKS