Xaafada State House Ka Oo Ka Cabsiqaba Roobabka Day,aya Iyo Dhibaatadii Ku Habsatay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xaafada State House Ka Oo Ka Cabsiqaba Roobabka Day,aya Iyo Dhibaatadii Ku Habsatay
November 12, 2013 - Written by Wariye:

wajale nHargaysa(Wajaale news):-xaafada istaad hawska ee magaalada hargaysa oo laba maalmood ka hor dab qabsaday ayaa aan wali helin wax gargaar ah oo muuqda.
waxadhibaatada haysata kaga sii daran roobabka da,aya oo aanay haysan guryo ay ka galaan oo ka difaacaya roorbabka dhaxanta iwm
xaafada istaad hawska oo ay dagan yihiin dad lagu qiyaaso inka badan 3000 kun oo qoys ayaa aan helin waxa gargaar ah oo ay dawladu siiso iyo haayadaha calamiga ahba waxana intaas u sii dheer dhibaatada dhaqaale ee ka jirta xaafada iyo adeegayada aas aasiga ah oo aanay helin sida:waxbarashada biyaha hoyga iwm.
hadaba xafada istaad hawska ayaa ah xaafada sida balaadhan ugu olalenaysay xukuumada axmed maxamed maxamuud (silaanyo) oo ah xukuumadii ugu balanqaadka badanayd
xukuumadii ka horeeya ayaa isku dayay inay dadkan guryo u dhisaan oo ay raraan laakin may noqon mid hirgashay iyaga oo halkudhig ka dhiganaya dhaqaale la aan ayaa jirta .
dad badan oo kamid ah xaafada state house ka ayaa noo sheegay inay dagan yihiin wakhti lagu qiyaaso 19 sano ,waxanay sheegen in aanay mar helin balanqaadyadii badanaa ee xukuumadii kala duwanaa waxanay intaas ku dareen in ay xukuumada hada talada haysa ay ka filayeen wax qabadyo kala duwan.
sidoo kale masuuliyiinta xaafada state house ka in aanu ahayn dabkan kii ugu horeeyay ee ka dhaca xaafada state house ka laakin se ay somareen dabab ka khasaara badan ilaa in ka badan 12 dab oo ka dhacay xaafada qaybaheeda kala duwan intaas way ogaayeen xukuumadii kala duwanaa ee soo maray xilka madaxtinimo.
dadkan oo iskugu jira mujaahidiintii qayb ka qaatay dibu dhisa dalka somaliland oo ay dagan yihiin caruurahoodii iyo dad badan oo xubno mihiim ah ka haya xukuumada somaliland ayaa haba yaraatee aan jir cid danaynaysa oo wax u qabanaysa
hadaba akhriste waxan dhawaan idiinka soo ditaarin doonaa barnaamijya aad u xiiso badan
Kala Soco Wajaalenews.com

Wajaale News
Hargaysa Office
Info:wajalenews@gmail.com
Repoter:Abdiqadir Abdiraxman Habane

COMMENTS
LINKS