10- ka Goobood ee Adduunka Loo Aqoonsaday Inay Yihiin Meelaha ugu Badan Dikhawga Hawada iyo Biyaha | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
10- ka Goobood ee Adduunka Loo Aqoonsaday Inay Yihiin Meelaha ugu Badan Dikhawga Hawada iyo Biyaha
November 7, 2013 - Written by Wariye:

dikhowgaDalka Bangladesh(Wajaale News)-Goobta Hazarbigh ee dalka Bangladesh: Waa goobaha lagu farsameeyo hargaha, waxaana ka jira goob biyeedyo suntan ku jirta lagu qiyaaso 22,000 cubic liters, kuwaasoo maalin kasta webiga magaaladana intaas oo sun ah ku qulqusha

Gooba  degaannada miyiga ah, goobaha qashin qubka iyo meelaha ku caanka ah masiibooyinka nucliyeerka ayaa sannadkan 2013 noqda meelaha ugu wasakhda iyo dikhawga hawada badan  sida lagu soo saaray liis uu soo saaray mac-had magaalada New York ee dalka Maraykanka ku yaal oo la yidhaa Blacksmith Institute.

Dalka Ukrian waxa uu ilaa hadda ka soo kaban la? yahay shucaac suntan oo ku qarxay sannadkii 1986, halka Niger Delta uu sannad kasta ku soo maacdo 540,000 sakuuda qatdgub ag ii jy daadatatm, degaanka Hazaribagh ee dalka Bangladesh waxa waskhaw ku dhacay biyahooda.

?Sannadkan waxaannu soo saarnay warbixin ku saabsan goobaha adduunka ugu wasakhda badan, laakiin waxa muhiim ah in la sheego in dhibaatadu tahay mid dhab ah oo ka ballaadhan waxa laga sheegay 10 goobood,? ayuu yidhi Richard Fuller oo ah Madaxweynaha Mac-hadka Blacks Smith Institute.

Goobahan cilmi-badhayaashu waxay ku door bideen, arrintana ugu aqoonsadeen markii ay isla qaateen in caafimaad darro halis ah ka jirto iyo waskhawga hawada amma biyahu halka uu maraayo.

1.  Magaalada Agbogbloshie ee dalka Ghana: goobtan waxay ku taal caasimadda Ghna ee Accra waana meesha labaad ugu ballaadhan ee lagu farsameeyo qashinka Galbeedka Afrika, markay gubtaan qalabka elaktrooniga si looga dhigo macdanta jaandiga waxay sababaan qiiq, halka lagu sameeyana saliidbay kaga tagaan, waxaanay arrintaasi saamaysa dad lagu qiyaasay 40,000 qof.

2. Deegaanka Chernobyl ee dalka Ukraine: goobtan waa meesha ugu xun ee ay ka dhacday masiibadii nukliyeerka ee adduunka ugu xumayd sannadkii 1986, waxaanay lagu sii daayey in 100 jeer ka badan qumbulooyinkii lagu riday magaalooyinka Japan ee Hiroshima iyo Nagasaki, waxaana dadka degaankan haysta cudurro kaga dhaca hab-dhiska neefsiga, dhalmada ubadka, waxaana ka dhasha dad aan caadi ahayn, gaar ahaan meelaha kale ee arrintan saamaysan waxa ka mid ah dalalka Belarus, Ruushka. Waxa kale oo aad ugu badan degaankan dadka qaba kansarka.

3. Webiga Citarium ee dalka Indonesia:  in ka badan 500,000 qof ayaa si toos ah ugu waxyeeloobay, 5 milyan oo kalena saamayn baa ka soo gaadhay, kiimikaal ka dilaacday webigan, kadib markii macdanaha Aluminium, Manganese iyo Iron ay aad ugu bateen webigtan in kumanaan jeer ka badan inta macdanahan adduunka kale ku yihiin.

4. Magaalooyinka Dzershink ee dalka Ruushka: waa goobta ugu weyn ee dalka Ruushka kiimikada laga soo saaro, biyaha degaankana qaar  sumaysan weeyaan, dadka degaankuna waxa asiiba cudurrada kansarka ku dhaca indhaha, sababada iyo kelyada, noloshoodana waxa lagu soo celceliyaa in ay jirto 47 sannadood qofka ugu weyn xagga raga, dumarkana 42 sanno.

5. Goobta Hazarbigh ee dalka Bangladesh: Waa goobaha lagu farsameeyo hargaha, waxaana ka jira goob biyeedyo suntan ku jirta lagu qiyaaso 22,000 cubic liters, kuwaasoo maalin kasta webiga magaaladana intaas oo sun ah ku qulqusha, isla markaana saamaysa in ka badan 160,000 qof.  Hadhaaga shirkadan waxa ku jira sun sababta kansarka halista ah ee dhiigga raaca.

6. Degaanka Kawbe ee dalka Zimbabwe: macdanta aan sharciga loo haysan qodisteeda oo magaalada ka jirta tobonaan sanno waxay sababta caafimaad darro halis ah oo in ka badan 300,000 qof ay ku sumoobeen.

7. Goobta Kalimantan ee dalka Indonesia: Jasiirada Borneo ee magaalada Kalimantan ka mid ah iyo goobaha ku hareeraysan waxa ka jira wasakhaw ay sababtay macdanta Mercury, sababtoo ah degaankan waxa laga qoda macdanaha, waxaana ku waxyeelooba dad ka badan 225,000.

Dadka macdanta soo saara waxay soo saarista dahabka u isticmalaan Mercury-da, taasoo sababta inay hawada ku sii dayso dikhaw halis ah oo cuduro badan sababa.

8. Magaalada Matanza Riachuelo oo ku taal dalka Argentina: in ka badan 15,000 warshadood oo magaaladan ku yaal ayaa webiga Matanza River ku sii daaya wasakhaw keena in hawada iyo biyaha degaankanba sumoobaan, gaar ahaan ay ku bataan macdanaha Zinc, Lead, Copper, Nickel iyo suntan Chromium, taasoo halis galisa nolsoha 20,00 qof oo goobtaas ku nool.

9. Webiga Niger Delta oo ku yaal dalka Nigeria: ilaa hadda lama yaqaan dadka ku waxyeelooba saliida iyo batroolka ku liigay webigan, kaasoo ku dhawaad 7,000 shil oo saliida ku qubatay biyaha webigan ah ka dhacaayeen intii u dhaxaysay 1976 ilaa 2001. Waxaanay warbixintu sheegtay in 2 milyan oo foostooyinka saliida ah ku laga dhuray biyiaha webigan sannadkii hore.

10. Degaanka Norilsk ee dalka Ruushka: Norilsk waa magaalo shirkadeed oo ku yaal degaanka la yidhaa Siberian Russia, halkaaso o sannadkasta ku dhawaad 500 tan oo macdanaha Copper iyo Nickel Oxides iyo 20 milyan oo tan oo Sulfur Dioxide ah lagu sii daayo hawada, taasina waxay keentay in celcelis ahaan shaqaalaha shirkadahan iyo dadka degaankaba noloshoodu ka hoosayso 10 sanno dadka kale ee Ruushka ud hashay.

Wajaale News
Hargaysa Office
Info:wajalenews@gmail.com
Repoter:Abdiqadir Abdiraxman Habane

COMMENTS
LINKS