Xukuumadda Somaliland Oo markii u horeysay Hirgalisay Mareeg U Gaar Ah Baahinta Magacyada iyo Xaddiga lacagta ay Muwaadiniinta reer Somaliland Kaga Qayb-qaataan Dhismaha Jidka Burco Iyo Ceerigaabo. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xukuumadda Somaliland Oo markii u horeysay Hirgalisay Mareeg U Gaar Ah Baahinta Magacyada iyo Xaddiga lacagta ay Muwaadiniinta reer Somaliland Kaga Qayb-qaataan Dhismaha Jidka Burco Iyo Ceerigaabo.
October 14, 2013 - Written by Wariye:

Hargaysa (Wajaale News):-Xukuumadda Somaliland Oo markii u horeysay Hirgalisay Mareeg U Gaar Ah Baahinta Magacyada iyo Xaddiga lacagta ay Muwaadiniinta reer Somaliland Kaga Qayb-qaataan Dhismaha Jidka Burco Iyo Ceerigaabo.
Xukuumadda Somaliland oo si weyn ugu hawlan dhismaha jidka isku xidhaya gobolada dalka ee Ceerigaabo- Burco, ayaa waxay markii ugu horeysay shaaciyeern hab casri ah oo qof kasta oo reer Somaliland ah oo ka qayb qaata dhismaha wadadaas
isku xidhaysa Burco iyo Ceerigabo, u sahlaaya inuu ka ogaado halkay lacagtii uu bixiyay gashay , magaciisa iyo Halka kolba marayso lacagta la hayo ee laga ururiyey Bulshada si aanu qofku isuba waydiin lacagtiisu halkay martay, ididiilo na ugu gasho mar walba dadka ka qaybqaata tabarucadkaas.

Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland, Xirsi Cali Xaji Xasan oo ka hadlaayay qorshaha maamul wanaag  ee ay ugu tallo galeen guddi ahaan inay ku soo bandhigaan cidii wadadaas ka qayb qaadata iyo lacagaha ay bixiyaanba ayaa yidhi. ?Waxaa laga yaaba inaad maqashaan warar idin tashuushadeeya, oo laydin yidhaahdo lacagbaa dhismaha wadadaas lagu uruursanayaa, waxaan idin sheegaya dawladdu qaybta ugu weyn ayay dhismahaas iyo wadooyinka kale ee dalka ka qaadanaysaa, min Madaxweyne ilaa shaqaale. Shacabka Somaliland gude iyo dibadba waxaa iyagana looga baahanyahay inay ka qaybqaataan oo aynu u midowno , annaguna guddi ahaan waxaanu u cadaynaynaa in aanu samaynay Website- lagu soo bandhigaayo caddaynta cid kasta oo ka qayb qaadata  Jidkaas, iyadoo Website-ka aanu samaynay uu yahay  www.somalilandroads.com  oo laga heli karo barta Internetka, halkaas ayaad ka arki kartaa magacaaga iyo wixii aad bixisayba.?
Wasiirka wasaaradda Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa sheegay in dhismaha waddada isku xidhaysa Ceerigaabo Iyo Burco ay qayb muhiim ah ka tahay isku xidhka dalka iyo jiritaanka Somaliland.
Wasiir Xirsi, oo maanta khadka Telefoonka ugu waramay laanta afka Soomaaliga ee Idaacadda VOA, ayaa sidoo kale sheegay in waddada Ceerigaabo iyo Burco ay xukuumad ahaan u qoondeeyeen adduun gaadhaya afar Milyan oo doollar, taasi oo durba Golayaasha qaranku qaybahoodii ku yabooheen.
Wasiirku wuxuu, sheegay in Golaha Wasiirada Somaliland shaksi kasta laga qaadayo 2 kun oo doollar isla markaana Labada Gole baarlamaan mid walba ansixiyey inuu bixiyo min $100.000 doollar.
Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaji Xasan, waxa kale oo uu sheegay in Madaxwaynaha iyo Madaxwayne ku xigeenka mid walba laga jarayo lacag ay kaga qayb-qaadanayaan dhismaha jidkaasi.
waxanuu yidhi ?Waxaanu u qorshaynay (Budget) bajadka 2014-ka in looga jaro wax afar Milyan lagu qiyaaso oo ku jirta bajadka, inta aanan dadka waydiin inay ka qayb-qaataan waxaanu iswaydiinay dadka cashuurta mushaharka ka hela oo ay ugu horeeyaan Golaha xukuumadda, golayaasha Baarlamaanka, shaqaalaha iyo ciidamada iyo guud ahaanba dadka dawladda u shaqeeyaa ay ka qayb-qaataan, iyadoo uu Madaxwaynuhu hogaaminayo golaha wasiirrada ayaa ugu horeeyay waxayna ku dhawaaqeen $ 100.000 doolar, Golaha Baarlamaanka, Guurtida iyo Wakiiladuna waxay ansixiyeen in mid waliba $100.000 kun oo doolar bixiyo oo mushaharkooda laga jarayo? ayu yidhi wasiirku
Wasiirka Madaxtooyadu waxa kale oo uu sheegay in xatta golaha wsiirada laga jari doono lacag Dhan $2000 Dollar Waxanu yidhi ?Wasiirrada waxa laga jari doonaa min $2000 doolar, Madaxwaynaha iyo Madaxwayne ku xigeenkana sidaa si leeg, waxaana sida loo qoondeeyay laga jarayaa midna $ 5000, Midna $ 3000? ayuu yidhi,
waxaanu intaa ku daray isaga oo sharaxaya Muhiimada waddada Ceerigaabo iyo Burco iyo wadooyinka kale dalka ugu fadhiyaan  ?Waxaanu aaminsanahay dhaqaalaha, Nabadgalyada, isku xidhka dalka iyo jiritaankayaga ay qayb muhiim ah ka tahay Waddada Ceerigaabo iyo wadooyinka guud ahaantood?
Haddaba Mareegtan cusub ee loo sameeyey in lagala socdo dhismaha wadoyinka iyo qaadhanka loo ururiyo ayaa ah mid hadda si toosa ah hawada ugu jirta waxaanaad ka booqan kartaa. www.somalilandroads.com

 

Hargaysa Office
Wajaale News
Info:wajalenews@gmail.com
Repoter:Abdiqadir Abdiraxman Habane

COMMENTS
LINKS