Xukuumadda Oo Ciiddamo Dhoobtay Xarunta Darbi-jiifka Ee Maxamed Mooge Iyo Agaasimihii Xaruntaas Oo Wali Sifo Sharciga Baalmarsan Xabsiga Ugu Jirta | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xukuumadda Oo Ciiddamo Dhoobtay Xarunta Darbi-jiifka Ee Maxamed Mooge Iyo Agaasimihii Xaruntaas Oo Wali Sifo Sharciga Baalmarsan Xabsiga Ugu Jirta
October 28, 2013 - Written by Wariye:

wajale newsHargaysa(Wajaale News):-Xukuuumadda Somaliland ayaa Ciidan xoogan u dirtay Xarunta darbi-jiifka ee Xaafada Maxamed Mooge ee degmada Maxamuud Haybe ee Caasimadda Hargaysa, kaasoo la arkaayey iyagoo isku wareejiyey.
Ma jiro War rasmiya oo ka soo baxay dhinaca Xukuumadda Somaliland iyo Hay?addaha Amniga midkoodna oo tafaasiil cad ka bixinaya sababta keentay in Ciiddamo ka tirsan Ciidanka Asluubtu ay la wareegaan Xaruntaas, iyadoo hore loo ogaa inay Xukuumadda Somaliland xabsiga u taxaabtay Marwo Luul Xasan Mattaan oo ahayd Agaasimaha xarunta darbi-jiifka ee Maxamed Mooge ee degmada Maxamuud Haybe.

Narrow´,´sans-serif´”>Warar Xogogaal ah oo Shabakada caalamiga ah ee Hadhwanaagnews heshay ayaa sheegaya in Ciiddamada xoogan ee saaka la dul dhigay Xarunta darbi-jiifka ee Maxamed Mooge  ay Xukuumaddu uga dan lahayd inay cadayso, isla markaana cudud ugu awood sheegatay Maamulkii halkaas ka jiray oo  ilaa imika Xabsiga ku jira Agaasimaha Xarunta darbi-jiifka iyo Laba Caruur ah oo ay dhashay, kuwaasoo aan sifo Sharci ah Xadhigooda loo marin, isla markaana ilaa imika aan wax Maxkamad ah la hor-gayn.

Marwo Luul Xasan Mattaan ayaa Waraysi ay siisay Hadhwanaagnews ka hor intaan Xukuumaddu kula kicin Xadhigan Sharci-darrada ah waxa ay sheegtay in Wasiirka Shaqada iyo arrimaha bulshadu uu soo saaray Wareegto uu Xilka kaga qaadayo, taasoo ay ku gacan saydhay, maadaama oo aanay ka tirsanayn Wasaarada shaqada iyo arrimaha bulshada, isla markaana ay ahayd qofkii isku xil-qaamay hirgelinta xarunta darbiifka ee Xaafada Maxamed Mooge ee degmada Maxamuud Haybe ee Caasimadda Hargaysa.

Si kastabba ha ahaatee ilaa iyo hadda ma jirto cid si toos ah gacanta ugu haysa xarunta darbi-jiifka ee Maxamed Mooge, inkastoo ay Xukuumaddu xoog kula wareegtay xaruntaas, haddana ma jiraan wax Shaqo ah oo ka socota xaruntaas iyo cid Xanaanaynta Ubadkaas yar yar gacanta ku haysa.

Wajaale News

Hargaysa Office

Info:wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS