Xogo Dheeraad ah oo ka Soo Baxay Wacdarihii Kala Qabsaday Kamaandowska Maraykanka iyo Al-shabaab | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xogo Dheeraad ah oo ka Soo Baxay Wacdarihii Kala Qabsaday Kamaandowska Maraykanka iyo Al-shabaab
October 7, 2013 - Written by Wariye:

maraykanMuqdisho (Wajaale News) – Xogo dheeraad ah ayaa ka soo baxay weerar si xirfadle loo agaasimay oo ciidammada sida khaaska ah u tababaran ee loo yaqaan Navy SEAL Team Six ay ku qaadeen guri ku yaal magaalo-xeebeedda Baraawe ee dalka Soomaaliya, kuwaasoo ujeeddadoodu ahayd inay gacanta ku dhigaan hoggaamiye sare oo Al-shabaab ka tirsan.
Ciidammada loo yaqaan Navy SEAL Team Six oo ah kuwii fuliyey hawlgalkii lagu dilay hoggaamiyihii Al-qaacida Mr. Osama Bin Laden, isla markaana ah kuwa ugu khatarsan ee hawlgalalda sanqadhyaraanta ah fuliya, ayaa hiirtii waaberi ee maalintii Sabtida u dhaqaaqay guri ku yaal

magaalada Baraawe ee Soomaaliya, kuwaasoo hammigoodu ahaa inay hawl yaraan far iyo suul ku qabtaan masuul sare oo Al-shabaab ka tirsan oo ay in muddo ah toosh ku raadinayeen, maadaama ay sanqan yari kaga faraxasheen hawlgalkii ay ku dileen Bin Landen, balse wax aanay meeshaba ka filayn ayey kamaandowska Maraykanku kala kulmeen Baraawe.

Sarkaal sare oo millatariga Maraykanka ka tirsan, ayaa wakaaladda wararka ee AP u xaqiiyey in kamaandowstooda halista ah iska caabbin aanay filayn kala kulmeen weerarkii magaalada Baraawe, iyadoo rasaas culus oo labada dhinac isweydaarsadeen oo ilaa 20 daqiiqo socotay, kadibna sarkaalka watay ciidanka Ameerikaanku amar ku bixiyey inay dib-u-gurasho sameeyaan, kuwaasoo markii dambe faro madhnaan iyo quus kula laabtay markabkii ay duullaanka ka soo qaadeen oo badweynta fadhiyey.

Wargeyska daily Mail ee ka soo baxa dalka Ingiriiska, ayaa isna faafiyey in ciidammada kamaandowska Maraykanka kuwa ugu khatarsan, uguna qalabka wanaagsan millariga caalamku weji-gabax xooggan iyo wacdaro la yaab leh  kala kulmeen weerarka ay ku qaadeen guriga ku yaal magaalada Baraawe, halkaasoo 12 dagaalyahan oo Al-shabaab ka tirsan jilbaha u laabteen, sidoo kalena hal bacaad lagu lisay ka dhigeen iskudaygii ciidanka Maraykanka, inkastoo markii dambe dagaalyahannada Shabaabku heleen ciidamo gurmad ah oo xoojiyey.

Ilaa hadda dawladda Maraykanku si cad uma ay sheegin shaqsiga Al-shabaab ka tirsan ee ay bartilaameedsanayeen, balse waxay xaqiijiyeen in magaalada Baraawe laga fuliyey hawlgal ku socday hoggaamiye sare oo Al-shabaab ka tirsan, weerarkaasoo Wasaaradda Difaaca Maraykanku sheegtay in lagu guul-daraystay in lagu dilo amma gacanta lagu dhigo cidda bartilaameedku ahaa.

Haseyeeshee, wargeyska Daily Mail oo soo xiganayey ilo wareedyo kala duwan, ayaa sheegay in ujeeddada millatariga Maraykanku ahaa laba bartilaameed midkood; masuul sare oo Al-qaaciida ka tirsan, una dhashay Gobolka Jeejniya ee dalka Ruushka, laguna magaacabo Abu Diyad, sidoo kalena loo yaqaan  Abu Ciyad, kaasoo la tuhunsanayaa inuu joogay guriga la weeraray ee magaalada Baraawe, halka bartilmaameedka kalena ahaa hoggaamiyaha Al-shabaab Axmed Cabdi Godane, loona yaqaan Sheekh Abu Subeer, iyadoo ciidammada sida gaarka ah u tababaran ee Maraykanku labadaas hawlgalba ku fashilmeen, faramadhnaana dib ugu laabteen halkii ay weerarka ka qaaday oo badweynta dhexdeeda ah.

Ururka Al-shabaab ayaa sheegtay inay fashiliyeen weerarka ciidammada khaaska ah ee Maraykanku ku qaadeen magaalada dekedda ah ee Baraawe, iyagoo soo bandhigay saanad millatari oo ay ka qabsadeen kamaandooskii Maraykanka ee hawlgalkan oo kale hore ugu dilay hoggaamiyihii Al-qaaciida Osama Bin Landen, waxayna Al-shabaab ku dooday in dagaalyahannadoodu muujiyeen geesinimo ay ku fashiliyeen duulaanka Maraykanka.

Dhinaca kale, ciidammada sida gaarka ah u tababaran ee Maraykanka, ayaa isla subaxnimadii hore ee Sabtida hawlgan aan xabad rasaas ah la ridin oo ku qabtay sarkaal ay sheegeen inuu Al-qaacida ka tirsan yahay oo lagu magacaabo Nazih Abdul-Hamed al Ruqai, loona yaqaan Anas Al-Libi, kaasoo laga qabtay guri ku yaal magaalada Tripolo ee dalka Liibiya xili uu isku diyaarinayey salaadii subax.

Qoyska Anas Al-libi, ayaa saxaafadda u sheegay in ciidammo kamaandoos ah oo saddex baabuur watay ay isku hareereeyeen gaadhi uu saarnaa masuulka la qabtay, isla markaana ay jajabiyeen muraayadaha daaqadaha, hareerahana kala mareen hub, waxayna  sidaas ku qabtay Anas Al-libi, iyagoo aan ridin hal xabo oo rasaas ah, taasoo muujinaysa in masuulka la qabtay aannu wadan wax ilaalo ah, isla markaana si caadi ah iskaga dhex noolaa magaalada Tiripoli ee dalka Liibiya, tallaabadaas oo ciidammada Maraykanku kaga nafiseen weji-gabaxii ay kala kulmeen weerarkii ay ku qaadeen guriga ku yaal magaalada Baraawe ee dalka Soomaaliya.

Masuulka Maraykanku qabtay ee la yidhaah Anas Al-libi, waxa madaxiisa saarnaa lacag gaadhaysa $5 milyan oo dollar oo loo ballanqaaday in la siin doono ciddii soo qabata ama sheegta meesha uu ku nool yahay, iyadoo loo haysto inuu ka mid ahaa xubnihii Al-qaaciida ee sannadkii 1998 fuliyey weerarada argagixiso ku qaaday safaaradaha Maraykanka ee Kenya iyo Tansaaniya.

Kooxda Al-shabaab waxay sheegtay in hal askari kaga dhintay weerarkii kooxda khaasha ah ee Maraykanku ku qaadeen guriga magaalada Baraawe, iyadoo Maraykankuna sheegtay in aanay weerarkaas cidi kaga dhiman, balse wargeyska Daily Mail, ayaa qoray in halkaas lagu dilay ilaa toddoba qof oo aan la kala cadayn cida ay yihiin.

Weerarada salaadda subax lagu beegay ee ciidammada khaaska ah ee Maraykanku maalintii sabtida ka fuliyeen dalalka Soomaaliya iyo Liibya, ayaa u muuqda kuwo looga dan lahaa in sare loogu qaado sumcadda madaxweyne Obama, maadaama  kalsoonidii Maraykanka ee dunidu hoos-u-dhac ku yimi, kadib markii dhinaca diblomaasiyadda lagaga guulaystay, lana baajiyey inuu weerar millatari ku qaado dalka Suuriya, sidoo kale waxa weeraradan lagu jeedinayey indhaha dadka Maraykanka iyo beesha caalamka oo toddobaadkii u dambeeyey diirrada ku hayey ismarin maaga dhinaca miisaaniyadda la xidhiidha ee u dhexeeya madaxweyne Obama iyo baarlamaankiisa, kaasoo sababay inay xidhnaam qaybo badan oo ka mid ah hay?adaha dawladda dhexe ee Maraykanka.

Guusha ugu weyn ee ciidammada khaaska ah ee Navy SEAL Team Six ee dalka Maraykanku fuliyeen, ayaa lagu suntay hawlgalkii ay ku dileen hoggaamiyihii Al-qaaciida Osama Bin Landen, iyadoo ciidammadaas sida gaarka ah u tabarani khasaarihii taariikhdooda ugu xumaa ay la kulmeen bishii August ee sannadkii 2011, kadib markii dagaalyahannada Daalibaan ee dalka Afghanista ay gantaal ku burburiyeen diyaar cutubyo ka mid ah ciidammadii dilay Osama Bin Laden, halkaasoo ay ku dhinteen dhammaanba kamaandooskii diyaarada la socday, iyadoo hawlgalkii ciidammada Navy Seal Team Six ku qaadeen maalintii Sabtida magaalada Baraawe ee dalka Soomaaliya, ayaa isna noqonaya mid weji-gabax kale ku ah kamaandooska sida khaaska ah u tababaran ee Maraykanka.

 

Wajaale News
Hargaysa Office
Please Contact wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS