Xog Fashilisay Been Abuurka Laga Sameeyay Wasiirka Ganacsiga Iyo Wariye Maazim Inay Ka Danbeeyeen Maareeyaha Tv-Ga Qaranka Iyo Wiilka Habka Qabiil Kula Jooga Ee Muniir Axmed Cigaal. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xog Fashilisay Been Abuurka Laga Sameeyay Wasiirka Ganacsiga Iyo Wariye Maazim Inay Ka Danbeeyeen Maareeyaha Tv-Ga Qaranka Iyo Wiilka Habka Qabiil Kula Jooga Ee Muniir Axmed Cigaal.
October 27, 2013 - Written by editor
Waxaana La Filayaa In Maalmaha Soo Socda Dacwad Ka Dhan Ah Maareeyaha Tv-Ga Qaranka Ay U Gudbiyaan Madaxtooyada,….Akhriso Xogta Fashilisay Oo Faah-faahsan

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Hargeysa (Wajaale-news)- Waxaa Laga Helay Siro Fashilinaya Cida Ka Danbaysay Been Abuurka Lagula Kacay Wasiirka Ganacsiga Iyo Wariye Maasim Axmed Cawaale Oo Wax Barasho Heer Jaamacadeed Ah U Tagay Wadanka Turkiga Waxaan Qoraalkani Uu Daaha Ka Rogay In Maareeyaha Tv-Ga Qaranka Khadar Cali Gaas Uu Fariin Caadifadaysan Uga Diray Bogiisa Facebooga Uu Ku Leeyahay Muniir Axmed Cigaal Oo Dhawaan Shaqada Uu Ku Qoray Nidaam Baal Marsan Xeerka Shaqaalaha Dawlada,Ee Ay Kuyimaadeen Badi Shaqaalaha Joogtada Ah Oo Shaqada Ku Helay Imtixaan Dawladu Ka Qaaday.

Waxaa Qaar Kamida Shaqaala Wasaarada Warfaafitu Ku War Heleen Qoraalo Ka Baxsan Anshaxa Masuul Qaranka Xil U Haya Oo Been Abuur Caadifadaysan Udiray Muniir Axmed Cigaal Kaasi Oo Odhanaya “Waar Kii Yaraa Waxaa Tahriibiyay Baan Maqlay Wasiirka Ganacsiga Ee Somaliland Today Ku Qor Maqaalkaas Kuna Ceebee Wasiirka Iyo Kayar Ee Uu Adeerka U Yahay Ee Maazimba”.

Waxaa Qoraalkani Fashilmay Kadib Markii Si Moogaana Uu Telafoonkiisa Gacanta Oo Uu Kaga Jiray Bogiisa Facebooga Ugu Dhiibay Qof Kamida Shaqaalaha Si War Looga Qoro Suldaan Ka Soo Hadlay Telfoonka Maareeyaha, Shaqaalaha Tv-Ga Qaranka Oo Inta Badan Ku Caanbaxay Isku Duubnaan Iyo Wada Shaqayn, Marka Laga Reebo In Yar Oo Aan Ku Iman Habka Xalaasha Ah Ee Hayada Shaqaalaha Dawlada, Balse Shaqaaluhu U Yaqaanaan Ilma Mahaye-Mooge Ayaa Waxaa Kooxdaas Magaca Labaxday Oo Uu Hormood U Yahay Miniir Axmed Cigaal Waxaa Ay Bilaabeen Iyagoo Hab Qabiil Adeegsanaya Inay Ka Xumaadaan Fir-Fir Coonida Ilaahay Siiyay Wariye Maasim Axmed Cawaale Oo Kartidiisa Shaqo Ee Wasaarada Warfaafinta Ay Ku Ixtiraameen Wariyayaashii Uga Soo Horeeyay Shaqada, Balse Muniir Axmed Cigaal Oo Habqabiil Maareeyaha Dusha Kaga Haysta Uu Bilaabo Inuu Ceebeeyo Oo Warar Been Abuur Ah Uga Geeyo Dadka Kale Wariyayaasha Uu Maasim Axmed Cawaale Ka Mid Yahay.

Shaqaalaha Kala Duwan Ee Ka Hawlgala Wasaarada War Faafinta Gaar Ahaana Tv-Ga Qaranka Ayaa Arintan Been Abuurka Fashilmay Ah Ku Tilmaamay Mid Aan Waligeed Soo Marin Wasaarada War Faafinta Waxaana Warar Xog-Ogaal Ahi Sheegayaan In Ay Arintu Soo Dhaaftay Wakhti Shaqaaluhu Sii Eegtaan Dhaqan Xumadan Lagu Dhaawacayo Milgihii Saxafada Iyo Masuuliyada Tv-Ga Qaranka Jsl.

Waxaana La Filayaa In Maalmaha Soo Socda Dacwad Ka Dhan Ah Maareeyaha Tv-Ga Qaranka Ay U Gudbiyaan Madaxtooyada, Waxaanay Isku Raaceen In Hadii Talaabo Laga Qaadi Waayo Ay Bulshada Ka Qaban Doonan Shaqsiyaadkan Wasaaradii Lasoo Galay Dhaqan Xumada Salka Ku Haysa Qabyaalada Iyo Ceebaynta Masuuliyiinta Qaranka.

Waxaa Gaba Gabadii Ay Fariin Xaal Marin Ah Hawada U Mariyeen Wasiirka Wasaarada Ganacsiga Iyo Maal Gashiga Caalamiga Ah Iyo Wariye Maazim Oo Waxbarasho Jaamacadeed Ku Tagay Dalka Turkiga Waxaa Kale Oo Ay Amaaneen Warbaahinta Madax Banaan Iyo Dadka Samaha Iyo Milgaha Jecel Ee Ka Damqaday Wararka Been Abuurka Ah.

Waxaanay U Balansanyihiin Talaabada Ay Qaadi Doonan Hadii Xukuumadu Wax Ka Qaban Waydo Shaqsiyaadkan Wiiqaya Haybadii Iyo Sharaftii Shaqaalaha Wasaarada Warfaafinta Oo Dhamaantood Ka Xumaaday Talaabadan Ugubka Ah Ee Ay Sameeyeen Maareeyaha Tv-Ga Qaranka Iyo Muniir Axmed Cigaal Iyagoo Adeegsanaya Masuuliyada Iyo Magaca Saxafinimo Ee Tv-Ga Qaranka.

 

WAJAALE NEWS DESK

 

CONTACT US : Wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS