Xisbiga Ucid Oo Shaaca Ka Qaaday Inay Buuxin Doonaan Kaalmihii Ay Baneeyeen Laba Mudane Oo Uga Diga Rogtay Xisbiga Kulmiye. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xisbiga Ucid Oo Shaaca Ka Qaaday Inay Buuxin Doonaan Kaalmihii Ay Baneeyeen Laba Mudane Oo Uga Diga Rogtay Xisbiga Kulmiye.
October 2, 2013 - Written by Wariye:

ucidHargaysa(Wajaale News)-Xisbiga mucaaradka ah ee UCID ayaa sheegay inay soo buuxsan doonaan labada boos ee ay  maayarka magaalada Ber bera Cabdi/shakuur  Maxamed  Xasan  iyo xildhibaan Cabdi/rashiid  Maxamed  X. Yuusuf  oo ahaa xildhibaan golaha deegaanka ee Berbera oo kamid ahaa xildhibaanadii ka soo baxay xisbiga Ucid se  dhawaan ku biiray  xisbiga talada haya ee kulmiye.

Sidaasna waxay ku sheegeen warsaxaafadeed  uu nuqul kamidi soo
gaadhay xafiiska wararka  ee shabakada Hadhwanaagnews ee magaalada Hargaysa.

Warsaxaafadeed

Waxaanu Nuqul Ka mid ah U Gudbineynaa Warbaahinta Dalka Si Ay Shacbiga Reer Somaliland Ugu Gudbiyaan Shuruucda iyo Xeerarka Dalka Ee Ay Jabiyeen Moyarka iyo Xildhibaanka Doraad Xaflada Loo Qabtey Ee Sida Bdheedhka Ah Ugu Biirey Xisbiga Talada Haya Ee KULMIYE oo Ay Aheyd Madaama Oo Uu Taladii Dalka Hayo In uu Shuruucada Dalka Dhawro balse isagu Jabiyey

Dacwadan Ayaa Waxaa La Gudbiyey Shaley

Waxaaney U Qarneyd  Sidan:

Ku,   Guddiga Doorashooyinka Qaranka JSL

Ku,   Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL

Og,   Guddida diiwaan-gelinta Ururada iyo Ansixinta Axsaabta Qaranka

Og,   Guddoomiyha Gobolka Saaxil

Og    Maxakamadda Sare

UJEEDDO:-  Soo Gudbin Dacwadeed
Waxaanu masuuliyiinta sharafta leh ee waraaqdani sida tooska ah iyo sida  dadbanba ugu socoto, aannu halkan ugu soo gudbinaynaa anagoo ah masuuliyiintii ugu saraysay xisbiga sida waafaqsan xeerka  dacwada  ka dhanka  ah labada xildhibaan ee  kala ah.

1-      Cabdi/shakuur  Maxamed  Xasan (Duqa Magaalad Berbera)

2-      Cabdi/rashiid  Maxamed  X. Yuusuf (xubin golaha degaanka Berbera)

Xildhibaanadaas oo sida la wada ogyahay ku dhawaaqay oo cadeeyay inay xisbiga u cid ka baxeen kuna biireen xisbiga kulmiye  looguna  qabtey xaflad ay ka  qayb galeen masuuliyiinta ugu sareysa Xusbiga Kulmiye  iyo wasiiro ka tirsan xukuumadda  Somaliland , xafladaas oo ay ku  caddeeyeen ku biiridooda rasmigaa ee xisbiga kulmiye oo ay kana  wareegeen xisbiga ucid.

Hadaba waxay  labadaa  xildhibaan  si cad oo  badheedh ah u jebiyeen xeer-hoosaadka xisbiga UCID, Qodobadiisa: 7aad , 8aad faqradiisa( 5)aad.

Waxa kale oo ay labada xildhibaan si badheedh ah u jebiyeen  Xeerka Nidaamka Ururada iyo Axsaabta  Siyaasada  Xeer  No.14/2011.

Qodobadiisa:

Qod: 9 farqadiisa(4)  xarfaheed (b),(t)  iyo farqadiisa (5).

Qod: 10 xarfahiisa (b),(t),(j),(x).

Qod: 11 farqadiisa (4).

Sidaa awgeed sida ku cad sharciga waxay baneeyeen kuraastii ay ugu fadhiyeen xisbiga magaciisa ee ay ku ahaayeen xildhibaano qaran waxaan uu sharcigu ogolyahay in xisbigu soo buuxsan karo booskiisa banaanada ee golayaasha qaran isagoo raacaya xeerka Nidaamka urruada iyo Asxaabta siyaasada  oo sheegaya waxa soo galaya jagada banaanata tiro ahaan qofkii ugu soo xigay xisbiga gudihiisa.

NB. Waxanu xasuusinaynaa Cid kasta oo ay khusayso warqadani in codka lagu fadhiyo kuraasta golayaasha deegaanku aanay ahayn cod shakhsi kaligii keeni karo ee uu yahay codkii guud ee xisbigu lahaa dagmada ay xildhibaano uga soo baxeen isla markaana uu yahay kursigani mid ku abtirsada xisbiga ay xildhibaanadiisu ku fadhiyaan oo liiskiisa mu sharaxiintiisuna ay kala sugayaan banaanaantiisa oo loo buu xinayo sida uu xeerku sheegayo.
Waxa kale oo ay jebiyeen xeerka anshaxa xisbiyada  JSL ( code of Conduct )

Sidaa darted waxaanu si xushmadi ay ku jirto uga codsanaynaa masuuliyiinta ay sida tooska iyo sida dadbanba ugu socoto dacwaddani inaad  labada xildhibaan ee magacyadoodu kor ku xusanyihiin aad ka qaaddaan  tallaabo  waafaqsan sharciga  isla markaana  aad noogu buuxisaan labadaa jago ee ay baneeyen ,  xilalkoodii  xubinimo  labada xildhibaan ee  ugu  soo xiga xaga codadka dagmada Barbara ee  xisbiga ucid, sida ugu dhakhsaha badan.

 

Wajaale News
Hargeysa Office
wajalenews@gmail.com
Wariye:Abdiqadir Abdiraxman Habane

COMMENTS
LINKS