Xisbiga Mucaaradka Ah Ee Wadani Oo Balanqaadka Dhismaha Wadada Ceerigaabo Ee Xukuumadda Ku Tilmaamay Olole Dadban, Shacabkana ugu baaqay in ay u soo duceeyaan madaxweynaha Bisha Barakaysan | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xisbiga Mucaaradka Ah Ee Wadani Oo Balanqaadka Dhismaha Wadada Ceerigaabo Ee Xukuumadda Ku Tilmaamay Olole Dadban, Shacabkana ugu baaqay in ay u soo duceeyaan madaxweynaha Bisha Barakaysan
October 13, 2013 - Written by editor

sagoo xukumadana ugu baaqay in ay badka soo dhigto qorshaha ay wadadaas u hayso intaas ka dibna ay iyaguna qaytooda ka qaadan doonaan.

Hargaysa(WJN)Xsbiga mucaaradka ah ee Waddani ayaa shir jaraa?id oo ay maanta kuqabteen xaruntooda guud ee ay ku leeyihiin magaalada Hargaysa kaga hadlay arimo badan oo ka taagan dalka.

Maxamed Cismaan Fadal  oo ah  Gudoomiyaha gudida arimaha dibada ee xisbiga waddani ayaa  sheegay  in shirkadii shidaalka qodaysay ee Genel ee kabaxday dalka aanay ilaa iyo imika aanay xukuuma sheegin sobobta rasmiga ah ee ay Dalka uga

baxday  isagoo  sheegay in ay ka xisbi ahaan ka hadleen ka bixitaankii ay shir kadaasi dalka kaga baxday balse  xukuumadu sheegtay in aanay shirkadaasi dalka ka bixin ee ay soo noqonayso Qalabkeediina dalka yaalo.

Waxa kale oo uu sheegay in shirkii  dhawaan ka dhacay Magaalada London ee arimaha Maalgashiga Somalida lagaga hadlayey Uu Wasiirka khayraadka ee somaliya ka sheegay in aanay waxba ka jirin heshiisyada ay shirkadaha caalamiga ahi la galeen cid ka baxsan dawlada somaliya kaas oo caqabad ku noqonaya heshiisyadii xukumada Somaliland ay la gashay shirkadaha caalamiga isla markaana aanay wali ka wax hadal ah ka odhan  Xukumada Somaliland  Hadalkaasi ka soo yeedhay Wasiirka Khayraadka ee somaliya arinkaasi ayuu yidhi Maxamed Cismaan Fadal.

Xildhibaan  Ibraahim Jaamac Cali Rayte  oo kamid ah gudida fulinta xisbiga Wadani ayaa sheegay in aan xukuumada  ka daacad ahayn dhisitaanka wada isku xidhaysa Magaalooyinka  Ceerigaabo iyo  Burco isagoo ku tilmaamay in ay xukuumadu xiligan ku jirto olole ay ku doonayso in ay ku hesho taageero badan isla markaana ay qariso fadeexada ka taagan bixitaankii shirkada shidaalka ee Genel, ta ka taagan garoonka diyaaradaha  ee Magaalada Hargaysa iyo ta la xidhiidha dhinaca Maamulka hawada.

Xildhibaan Rayte waxa uu ku dheeraaday khayraadka uu koobsaday goboka sanaag balse gobolkaasi uu ka go,an yahay dalka intiisa kale waddo la,aanta haysata darted waddo la,aantaasina aanay ahayn wax hadda cusub balse qaabka ay hadda xukumadu wax u wadaa ay tahay olole cad., isagoo taasna cadayn uga dhigay qodobadan.

1-maanta Waxaanu ansixinay miisaniyadii , miisaaniyadauna waxa ay cadaysaa wax ay  dawladu qaban doonto ama qorshaheeda ah hal shilina uguma jiro  Wadad Ceerigaabo , haday xukuumadau u heelantahay dhisida wadad ceerigaabo intaanay caruurta iskuulada dhigato nusu saacaha ka ururin ama shaqaalaha inta yare e aan kufilnayn iyagaba wax  uga jarin iyadu badka ha soodhigto waxay ku darsanayso.

2-yaa dhisaya wadad? Xukuumadu wadooyinka madhisto ee waxay ahayd in loosameeyo haa?yad gaara oo dhista, waanay dhisnayd ee waa la baabiiyay, lama hayo wada dhisayn keedii.lacagta ay ku kacayso iyo inta biriish ee ay yeelan doonto waxaa soo dhan lama hayo , haday xukuumadu hayso ha cadayso.

Waxa uu xildhibaan rayte intaasi raaciyay  in aan wadada ceeri gaabo kaliya lagu dhisi Karin kharash kooban oo ardayda dugsiyadu ku deeqaan , dhinaca kalena xeerkii lagu kordhiyey cashuurta xoolaha uu saamayn ku yeeshay dhaq-dhaqaaqii xoolaha maadaama oo xiligan lagu xijo xiligii xooluhu ugu socodka badnaayeen .

Isagoo xukumadana ugu baaqay in ay badka soo dhigto qorshaha ay wadadaas u hayso intaas ka dibna ay iyaguna qaytooda ka qaadan doonaan.

Ugu dambayntii waxa halkaasi ka hadlay Af-hayeenka  xisbiga Wadani Ismaaciil Mahdi Buubaa oo sheegay in xukuumadu kaambayn cad kujirto ? waad aragtaan in xukuumadu ku jirto kaambayn fool xun ,wadad ceerigaabana cidii ugu horaysay ee lacag ku deeqay inuu ahaa xisbiga Waddani ee ilaa imika aanay xukuumadu wax gacana ka gaysan?

Waxa uu intaasi kudaray  Af-hayeenku in waxyaabihii dawladii horu ku dhaqmi jirta ay xukuumadanina ku dhaqanto isagoo tusaale usoo qaatay safarada xukuumadu markay soo noqdaan ay sheegaan in ay wax walba si fiican usoo dhamaadeen.

Waxa kale oo uu  madax waynah usoo jeediyay in uu ilaaliyo xeerarka dalka ,

Ugu dambayntiina waxa uu hadalkiisa ku soo gaba gabeeyay soo jeedin uu shacabka Somaliland usoo Jeediyay in xukuumada ay usoo duceeyaan maalmaha barkaysan ee lagu jiro si  ilaahay xaqa ugaran siiyo.

WAJAALE NEWS DESK

CONTACT US : Wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS