Xisbiga Kulmiye Oo Daadifeeyay Ku Biiritaanka Maayarka Berbera Iyagoo Cadeeyay Inaan Maayrku Ku Biirini Xisbgooda | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xisbiga Kulmiye Oo Daadifeeyay Ku Biiritaanka Maayarka Berbera Iyagoo Cadeeyay Inaan Maayrku Ku Biirini Xisbgooda
October 4, 2013 - Written by Wariye:

Hargeysa(Wajaale News)- Xisbul xaakimka Kulmiye ayaa soo saaray war-saxaafadeed uu ku daadifaynayo Dacwad Xisbiga UCID ku oogay Maayarka Berbera C/shakuur Cidin iyo Xildhibaan C/rashiid oo labadooduba ka soo baxay Xisbiga UCID balse dhawaan xukuumaddu Xaflad ay kaga soo digaroganayaan iyaga iyo taageerayaashooda ugu qabatay Berbera.
Xisbiga Kulmiye waxa uu Xisbiga UCID ku eedaynayaa in uu Tafsiir khaldan ka bixinayo xafladaas, waxaanay sheegeen in aanay maayarka iyo Xildhibaanku ku soo biirin sida ay UCID ku doodayso ee cida ku soo biirtay ay yihiin oo kaliya Taageerayaashii ay lahaayeen.

War-saxaafadeedka Kulmiye oo uu ku saxeexan yahay Xoghayaha Guud ee Xisbigaasi Xasan Siciid waxa uu u dhugnaa Sidan:-
REF:XK/XG/004144/2013
Date:02/10/2013
Ku: saxaafadda
OG: komiishanka doorashooyinka qaranka JSL
Ujeedo: Bayaamin
Waxa maalmahan u danbeeyay saxaafada Somaliland kusoo noqnoqonayay, fasiiraado qaldan oo masuuliyiinta qaarkood kabixinayeen, xaflad uuxisbiga Kulmiye 28l09l2013 ugu qabtay magaalada Barbara taageerayaal cusub oo kusoo biiray iyo masuuliyiin cadeeyay inay la shaqaynayaan xukuumada Kumiye.
Xisbiga Kulmiye waxa uu halkan kaga jawaabayaa isla markaana ku cadaynayaa shacabka Somaliland iyo cidkasta oo ay khusayso arintani in xisbiga Kulmiye xafladaa kusoo dhaweeyay taageerayaal cusub oo hore uga tirsanaa xisbiga Ucid, waxa sidoo kale xaflada kasoo qayb galay maayarka magaalada Barbara c/shukuur Cidin iyo xildhibaan kale oo cadeeyay inay la shaqaynayaa xukuumada Kulmiye si loo xaqiijiyo himiladda horumarineed ee shacabka Somaliland gaar ahaan dagmada Barbara balse aanay kabixin kana soo wareegin xisbigoodii Ucid.
Gabagabadii xisbiga Kulmiye iyo xukuumadiisu iyagaa cid walba kaga adag dhawrista iyo ku dhaqanka shuruucda iyo xeerarka dalka.
Waxaanu uga digaynaa masuuliyiinta axsaabta mucaaradka ah inaanay shacabka ku jahawareerin fasiraadaha qaldan ee ay ka bixinayaan isla markaana fahmaan inay xisbi ku yihiin sidii ay uga shaqayn lahaayeen in bulshada la fahamsiiyo iskaashiga iyo wax wada qabsiga dhex mara xukuumada dhexe iyo masuuliyiinta dawladaha hoose ee dalka.
AllaMahadLeh
Xasan Siciid Yuusuf
Xoghayaha Guud ee Xisbiga Kulmiye

Wajaale News
Hargeysa Office
Please Contact wajalenews@gmail.com
Repoter: Abdiqadir Abdiraxman Habane

COMMENTS
LINKS