Xildhibaano Ka Tirsan Guurtida Oo La Sheegay Inay Abaabulayaan Mooshin Lagu Minjo Xaabinayo Gudoomiye Saleebaan Oo Safar Caafimaad Ugu Maqan UK | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xildhibaano Ka Tirsan Guurtida Oo La Sheegay Inay Abaabulayaan Mooshin Lagu Minjo Xaabinayo Gudoomiye Saleebaan Oo Safar Caafimaad Ugu Maqan UK
October 8, 2013 - Written by Wariye:

SALEEBANHargeysa(Wajaale News)-Kooxo Xildhibaano ahoo ka tirsan golaha Guurtida Somaliland ayaa la sheegay inay abaabulayaanmooshin lid ku ah guddoomiyaha golahaasi Saleebaan Maxamuud Aadan oo safarcaafimaad xilligan ugu maqan dalka UK.
Shirgudoonka golahaasi ayaan ilaahada ka hadal dhaqdhaqaaqyadaasi la sheegay inay wadaan xubno ka tirsan golahaGuurtida. Ilo wareedyo u dhuun-daloola golahaasi Guurtida ayaa tibaaxaya inqaar ka mid ah xubnaha Guurtidu oo labadii maalmood ee u dambeeyay shirdoceedyo ku yeeshay Hargeysa ay kaga wada hadleen sidii mooshin lid ku ahgudoomiyaha Guurtida ay golaha u horkeeni lahaayeen todobaadka soo socda,kuwaas oo intaa ku daraya in xildhibaanada taabacsan gudoomiye Saleebaan ayiyaguna shirar ay kaga hortagayaan dhaqdhaqaaqyadaasi lidka ku ah ay iyagunamaalintii shalay ku yeesheen caasimada, isla markaana ay qaylo dhaan ugu direeninuu si dhakhso ah dalka ugu soo guryo noqdo soona gaadho ololayaasha ka dhankaah ee golaha dhexdiisa ka aloosan.

Xildhibaanada la sheegay inayabaabulayaan mooshinka lagu ridayo gudoomiye Saleebaan ayaa la sheegay inay uololaynayaan xubno cusub oo aan ka tirsanayn golaha in xildhibaano ugatanaasulaan kuraasidooda si markaasi ay ugu tartamaan kursiga ugu sareeyaguurtida. Xildhibanaadan mooshinka wada ayaa la sheegay inay mooshinkooda ucuskanayaan xilgudasho la?aan ay sheegeen in gudoomiyuhu aanu xilkii loodoortay si waafiya u gudanin, isla markaana loo baahan yahay isbadal hogaankaGuurtida lagu sameeyo.

Source Haatuf

Hargeysa Office
Wajaale News

COMMENTS
LINKS