Xildhibaan Ibrahin Axmed Haybe Oo Si Kulul U Cambareyay Wasirka Cadalada Oo Aflagadeyay Sheekh Aadan Siiro | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xildhibaan Ibrahin Axmed Haybe Oo Si Kulul U Cambareyay Wasirka Cadalada Oo Aflagadeyay Sheekh Aadan Siiro
October 20, 2013 - Written by Wariye:

IMG_1652Hargaysa(Wajaale News)-waxaan hadaliisi kamida sidan:waxan idinku salamayaa salaanta islamka waxan maalin dhawayd warbaahinta ku arkayay wasiirka calaada xuseen caydiid oo aad u cambaraynaya caalinka wayn ee sheekh adan siiro oo ku tabarucay inuu qaadhan u ururiyo maxkamda gabiley ee aad iyo aad u busradaysan ee aad iyo aad u difaysan ee ay ka argagaxeen dadka iyo sheekhuba oo ay yidhaahdeen cidna uma maqna ceelna uma qodna aynu isxilqaadno oo aynu u ururino qaadhan aynu ku dhisno iyadoo umadeena ay ku baysgaraysan yihiin waxdhisidu inuu wasiirku ku ceebeyo sheekha muftaaxa masaajidka hayskaga dhiibo oo ha soo galo siyaasada iyo halkanuu ka caray iyo gabiley buu tagay iyo wax nocaa ah madaxwaynuhuu aflagaadeyay yidhaahdo .
may ahayn inuu aflagaadeyo, aad iyo aad baan ugu xunahayxaga diinta iyo xaga dadnimadaba aad baan uga xunahay sheekha quraanka xafidsan ee caalimka ah ee kitaabka sita ee dhaxalkii nagbiga inagu ogyahay na hayaan waxay xukuumad madaxda iyo cidawalba in la ixtiraamo oo la sharfo oo aan hadal adag iyo hadal xun midana lagu odhan sheekhu intaaba wuu leeyahay
waxa intaas u dheer sheekhu waa macalin diinta islaamka dhiga wuxu macalin u yahay inka badan shankun oo inan oo ragiyo dumarba waxbara goorwaalba sidaas ayaa looga baxaa oo sheekhu meelkasta oo wax laga samaynayo wuu taagan yahay oo waxbuu ka qabtaa oo heegan buu u yahay waxa uu aad iyo aad uga shaqeeyaa xabalaha oo waajibkeedu ahayd inaynu u iibino sheekha keena imikana gacanta ku haya waxa uu tagaa meelaha dhimirka jeelasha oo wixii aya adeega u baahanyihiin uu la qabto oo uu la filyo oo uu waxna ku daro dadkan u waydiiyo waxuu tagaa meelaha iskuulada oo uu gacan ka gastaa meel aleh meelkasta oo khayr ku jiro ama masaajid hanoqoto ama madaaris ha noqoto ama dhakhar ha noqoto meeluu ka gacan layahay majirto waxuu mudan yahay in la ixtiraamo in la dhawro laakin ma gayo in isaga aflagaado loo gaysto hadaan reer gabiley nahay oo aan anigu xildhibaan reer gabiley ahay sheekhu kuma aha qariib gabiley xuseen caydiidow sidaad adiguba balay gubadlay aanad qariib ugu ahayn sidaa adiguba u tagto ayuu shewkhuna u tagay gabiley xaqna waxa uu u leeyahay inuu gabiley tago inuu dadka wax laqabo inuu wax u qabto inuu dadalka nala garab galo sidaa awgeed waxaan jecelnahay inaad sheekha siiso xaal waxyabahaa aad ku hadashay aad ka noqoto oo halkii ay candhuufatadu gaadhay gacantaadu gaadho .
kaasina waxa uu ahaa xildhibaan ibraahim axmed haybe oo u waramayay wajaale news

Hargaysa Office
Wajaale News
Info:wajalenews@gmail.com
Repoter:Abdiqadir Abdiraxman Habane

COMMENTS
LINKS