|
|||||
WAJAALE NEWS
Xaalad Qallafsan Oo Haysata Bahda Garsoorka Gobolka Awdal Iyo Ku-xigeenka Xeer-ilaaliyaha Guud Ee Qaranka Oo U Markhaati Furay
October 28, 2013 - Written by Wariye:Boorama (Wajaale News)- Bahda Garsoorka Gobolka Awdal ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa ka warbixiyey xaalado qallafsan oo haysta, kuwaasoo ay sheegeen inay caqabad ku yihiin sugida iyo hirgelinta caddaallad ka hanaqaada gobolkaas. Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Awdal Mr. Cabdiraxmaan Geeddi Barre, ayaa isaguna ka dayriyey xaalada agabka ay ku shaqeeyaan garsoorayaasha maxkamadaha kala sarreeya ee gobolkiisa, waxaannu yidhi; ?Hoolkan oo keliya ayaa naga dhexeeya. Haddii Maxkamadda Racfaanku fadhiisato, inta kale faylasha dacwadaha dibadda ayey ku sugtaa. Waa dhib kale oo na haysata oo sababta in kiisasku is-gaadhaan, markaa waxaan codsanaynaa in dhismayaasha garsoorka la ballaadhiyo, sidoo kalena agabkii xafiisyadu lahaayeen loo dhammaystiro si ay hawsha garsoorku u noqoto mid turxaan la?.? Xeer-Ilaaliyaha Gobolka Mr. Awdal Cabdillaahi Maxamed Cali, ayaa isaguna farta ku fiiqay meelaha dhibaatooyinku ka haystaan ee u baahan in wax laga qabto, ?Gobolkani waa laba gobol oo isa saaran, waxa yaab leh annaga oo aanan haysan gaadiid iyo meel lagu xidho maxaabiis in la yidhaa Salal taga oo maxaabiis ku soo xukuma, ama la na soo dul dhigo maxaabiis badan oo Salal laga keenay, taasina waa mid aanan macquul ahayn, sidaa aawadeed waxa aan kuu sheegayaa mudane Xeer-Ilaaliye in aanaan sugi karin caddaaladda la filayo in laga hirgaliyo gobol kale, haddii aanaan la dhammaystirin agabkaasi kala duwan,? ayuu yidhi Xeer-ilaaliye Cabdillaahi. Ku-xigeenka Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka Aadan Axmed Muuse (Aadan Xero-dhiig), oo isna halkaas ka hadlay, ayaa ka marag-kacay dhibaatooyinka kala duwan ee haysta bahda garsoorka ee Gobolka Awdal, ayaa ugu horreyn isagoo ka warbixinayey ujeeddada kormeerkiisa waxa uu hadalkiisa ku bilaabay, ?Waxa aan u socdaa inaan soo arko xaaladda jeelasha iyo maxaabiista ee Gobolka Awdal. Waxa aan si gaar ah u soo marayaa jeelka dhexe, waxa aan u kuurgali doonaa siyaabaha ay maxaabiistu u xidhan tahay, waxaanan la kulmi doonaa madaxda booliska iyo bahda garsoorka, waxaanuna kala arrinsan doonnaa sidii shaqada caddaaladda iyo garsoorka loo dedejin lahaa, loogana dhigi lahaa mid turxaan baxsan.? Xeer-ilaaliye-ku-xigeenka Guud waxa uu ka warbixiyey xaaladda xabsiga dhexe ee magaalada Boorama, waxaannu yidhi; ?Waad u jeeddaa jeelka waxa dhib xooggan ku haya dhul-gariir dildillaac badan u gaystay darbiyadii jeelka. Waxa suurtogal ah in aan jeelka lagu sii jiri karin muddo haddii aanan gacanta lagu hayn oo aanaan la dayactirin. Waxa kale oo noogu daran dawada maxaabiistu u baahan yahay. Gudaha jeelku ma wayna, maxaabiista ku xidhanna way badan tahay, taasina waa caqabad kale oo haysata jeelkan, loona baahan yahay in xal loo helo. Jeelka waan soo arkay oo aad ayuu u yar yahay, waxana ku jira 221 maxbuus oo siyaabo kala duwan loo xidh-xidhay, waxaase yaab leh, 100 maxbuus oo ka mid ah waa gar-sugayaal, waxaanay u badan yihiin kiisaskaasi kuwo u yaal Maxkamadda Gobolka, waxana aan ka codsanayaa inay dadajiyaan hawlahaasi si loo sugo caddaaladda iyo garsoorka.? Kormeerka Ku-xigeenka Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranku ku tagay magaalada Boorama, ayaa noqday mid bannaanka soo dhigay caqabadaha iyo duruufaha kala duwan ee haysta bahda garsoorka ee Gobolka Awdal, kuwaas oo u baahan in si dhaqso ah wax looga qabto. Related posts:Wasiirkii Hore Ee Wasaarada Maaliyada Cabdicasiis Samaale Oo Dhambaal Tacsi ah Udiraya Geerida Marxu... DAAWO;-Xisbiga Wadani Oo Faah Faahin Ka Bixiyay Qorshaha Uu Ku Kala Xuliyo Musharixiinta Golaayasha ... halkan ka daawo garabka uu hogaamiyo gudoomiye muuse biixi oo shaaciyey wakhtiga ay qabanayaan shirk... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|